Home » Warar »

Reysalwasaaha DFKMG Soomaaliya oo sheegay in Alshabaab laga baacsaday Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay sidan: Ciidanka Dowladda oo kaalmo ka helaya AMISOM ayaa maanta ku guuleystay inay magaalada Muqdisho ka xorreeyaan kooxaha xag jirka ah ee Al-Shabaab oo ku xiran kooxda Al-Qaeda.Al-Shabaab waxey ku qasbanaadeen inay ka cararaan magaalada Muqdisho, tan oo daba joogtay dagaalo usbuucyadii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda kula jireen kooxahaas, tanoo looga hortagayey inay waxyeelo gaarsiiyaan kaalmada bani’aadanimo ee lasiinayo shacabka Soomaaliyeed. Weerar gaadmo ah oo ay xalay isku dayeen ayaa sababay in la baacsado oo ay difaacanwaayaan goobahoodii. Waxaa hadda lagu soo waramayaa in cararkoodu gaarsiisanyahay meelo u jira caasimadda 100 km.

Halkan ka akhriso qoraalka oo ah PDF


– Xarakada Al-Shabaab oo Sheegey in ay Xeelad Dagaal uga Baxeen Goobo ku yaal Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Reysalwasaaha DFKMG Soomaaliya oo sheegay in Alshabaab laga baacsaday Muqdisho. "

  1. Gamadiid Gaalodiid says:

    Tan iyo 1990 waxaa gacan ku haynta magaalada Muqdisho isaga danbeeyey maamullada kala ah: Maamulkii Siyaad Barre, Cali Mahdi, dowladdii Salballaar, xukuumaddii Cabdi Qaasim, maamulkii Qab-qablayaasha, nidaamkii Maxaakiimta, weerarkii Ethiopianka, maamulkii Al-shabaab iyo ugu danbaystii oo ay hadda gacanta ugu jirto saddexda qolo eek ala ah AMISOM iyo GFT iyo Suufiyo. Haddaba, su’aasha meesha taal waxaa weeye, saddexdaan qolo ee hadda Alshabaab ka saartay magaalada Muqdsho, qoladee ayaa loo malaynayaa in loogu hor-saari doonaa?.