Home » Faallo »

MADAXWEYNE, HORTA YAA QORSHEEYA SAFARRADAADA?!

Waxa qoray: Nuur Cilmi Xalane

Email: warsan54@gmail.com

Mudane,

  Waxan maleynayaa in dadka iyo dalkuba yihiin muhimaddaada kowaad, ma qaranimadiisaa, ma nabadgelyadiisaa, ma dadkiisaa, ma xadadkiisaa, ma, ma —–.

Laba sano ka hor,  markii xilka laguu dhaariyey, dad badan oo aan ka mid ahay, ayaa qabay inaad xalka bilow fiican u noqon doonto, hoggaamin fiicanna horseed ka noqon doonto.

Waxan ka mid ahaa welina ka mid ahay Somaalida sida gaarka ah isha ugu heysa, hab-hoggaamineedkaaga dowlanimo ee hadda sannadkii saddaxaad u bilowday, runtiina natiijadu mey noqon mid naga farxisa, waayoo marna mashruuc aad hore u dhaqaajisay oo ummadda waxtar u yeeshay lama hayo, bal waxaaba lagugu eedeeyaa in xukuumaddaada uu ragaadiyey laaluush baahay, iyo maamul xumo hanti badan ummadda looga lunday oo xataa qaarkeed xafiiskaaga lagu eedeeyey, sida lagu tilmaamay warbixinno caalami ah,sida tii ugu dambeysay ee ay soo saartay kooxda  “Monitoring Group For Somalia And Eritrea”.

Waa xaqiiqo jirta inaadan laheyn waayo-aragnimo maamuleed oo kaa saacidda u babac-dhigga mushkiladda Somaaliyeed ee murugsan, laakin ummaad horreyn, hoggaamiye aan waayo-aranimo maamuleed laheyn, oo waxaaban matalan soo qaadan karnaa Poul Kegemaha Ruwanda, maanta hab-maamulkiisa Africa oo dhami ay u waayo-aragnimo doonato, marka adiga lagugu daro. Filimaayo inaad wax biirsatay, dhowrkii jeer ee booqatay dalkaas.

 Aan qeybo ka soo qaato warbixinta (ttp://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2011/433) ay dhowaan soo saartay kooxda lagu magacaabo “Monitoring Group For Somalia And Eritrea” oo ku sheegay warbixintooda in (xigasho) waxa ugu weyn ee xanibaya nabadgelyo ay koofurta Somaaliya hesho, ugu weyn tahay midnimo iyo qorshe la’aanta  hoggaanka sare ee aad garwadeenka u tahay iyo in maamulkaagu si weyn uga soo horjeeddo gacan- siinta kooxaha siyaasadeed iyo millatari ee gobollada  dalka.

 Sidoo kale, waxa xukuumaddaada warbixintu ku sheegatay, in awoodda dhaqaale iyo siyaasadeedba gacantiinna ku uruurtay oo eydnaan dooneyn inaad baahisaan, kuna warwareegto koox yar oo dhallinyaro u badan oo aan waayo-aragnimo lagu furfuro mushkiladda aan laheyn, waxa laga dhaxlayna waxa weeyaan bey leeedahay kooxdani,  inuu wiiqmo dagaalkii lagula jiray Al-shaabaab iyo horumarkii laga sameyn lahaa meelaha kale ee dalka.

                                                    Dhoofka aan wax badan soo kordhin

 

Mudane, dhoofkan caada kuu noqday, oo runtiina ah mid dadka aad xukunto badankii,  ay aad u dhibsadaan, waxa laga dheehan karaa sida uusan u uruursaneyn hab-maamulkaaga hoggaamineed . Bal qiyaas marka la arko, adoo fiidkii ka degay garoonka Muqdishu, haddana waabarigii xigay ka dhoofay, tilmaanta ka bixiso hab-maamulkaaga dowladnimo.

Waxa muuqaneysa in awooddii aad gacantaada ku uruurisay oo howlo ay saraakiishaada sare, sida wasiirrada iyo agaasimayaasha guud,  ku fillaan lahaayeen, aad adigu isku koobto.  Su’aasha  anfariirka lihi, waxa noqoneysaa, aadba dhooftide, maad furto xiriirro cusub, intii aad ku noq-noqon laheyd  xukuumadaha jaarka ah magaalo –madaxyadooda, oy kaagana fillaan laheyd inaad telfoon ku dhameyso, arrimaha aan muhimadda badan laheyn oo in la tago aan kallifeyn.

Mudane, Bal xusuuso safarkii, aad ku tagtay Koofur Sudan ee aad kaga qeyb gashay maalintoodii xorriyadda, eead ogeyd in lagaa dhinac casumay (mise maanad ogeyn) nin sheegatay inuu madaxweyne ka yahay gobol dalkaaga ka mida, calankiisuna, bulugley ka dhinac babaday. Ma waxaan Madaxweyne u qaadannaa, inaad gobolkaas go’itaankiisa aqoonsatay?, mise in kuwa ku casumay ay wax isu kaa hoos geliyeen, mise jiraa mid saraakiishaada ah oo kaaga digay arrinka?.

Xukuumad gobol dalkeyga ka mida dowlad u aqoonsatay,  miyaan aqbali lahaa casumaad ay ii fidiso, haddaanan ku khasbi Karin, inay arrinkaa ka noqoto, maxaa igu khasbaya inaan aqbalo casuumaadeeda.  Bal aan kaa codsado inaad qiyaasto baaxadda ay leedahay dhaawaca midnimada qarankan, ka soo gaaray xafladdaas aad kala qeyb gashay Siilaanyo oo sidii madaxweyne dal xora loo soo dhoweyey, adna aad joogtay!.  YAA MADAXWEYNE, QORSHEEYA SAFARRADAADA?!

Dhaawac kale,  oo shacabku uu hoosta ka xariiqay, waa  halkii aad iska taagtay dhacdadii aadka khatarta ugu aheyd qaranimada dalka ee waxii lagu sheegay “Memorandum of understanding” ee qeyb baddeenna ah loogu gacan-gelin lahaa mid ka mida jaarkeenna, welina shakigii lag dhaxlay uu weli taagan yahay.

Mahadi ha ka gaartee, haddii aaney aheyn dadaal Somaalinimo oo dheeri ah, ee uu la yimid Webkan Somalitalk .com maamulkiisa iyo Somaali kale oo badan,  aan maanta waayi laheyn qeyb dhan oo baddeenna ah.

Bal ka warran iyana, dadkii ka dhiidhiyey shirqoolkii Kambala, ee aad ku tilmaantay isu soo bax sharci-darro ah iyo sidii aad u damisay iftiinkii yaraa ee ka soo bidhaamay, mid malaha aad ku qaldantay, oo muddo gaaban hoggaamiyey xukuumadahaagii  is- xigxigay,  tii ugu waxtarka badneyd, laakin aad ka badbaadin weyday seeftii Musafeeni , Mahiiga iyo saaxiibkaaga aad ku dhaarato ee la moodo inuu xafiiska kula hoggaamiyo, Mudane Shariif Xasan Sheikh oo kugu khasbay inaad albaaka tusto, golihii wasiirrada ee xukuumaddii hore.

Mudane, waxan is-lahaa, madaxweynuhu sannadkan u haray , waxa uu ku nagaan doonaa dalka oo waqtiga kal guurka ayuu si hufan idinka gudbin doonaa, balse haddii aad dib u bilowday safarradaas macno –darrada ah, waan ka maagi waayey, inaan qalinka iyo warqadda boobo, si aan ugu biiro, asxaabtii iga horreysay ee arrinkan wax ka qortay, waxna aanad ku qaadan, bal in teydu dareenkaaga soli karto, si  kumanaanka macluusha daaqaddaada hoosteeda la daadsan, aad ugu daryeesho adduunka faraha badan ee aad ku bixiso safarrada aan wax badan soo kordhin ee aad caadeysatay.

Mudane Madaxweyne, maaha inaanan qaddarin kuu heyn,  oo runtii waa kuu hayaa, waxase aan qaddarin taada ka weyn,  u hayaa dalkeyga iyo dadkeyga oo runtii maanta ay heysato dhib tii ugu xumeyd ee abid soo marta, haba hoggaamineedkaagana, waxan arkaa inuu ka gaabiyey waxtarkii ummaddu uga  fadhiday, oo waaba adigan xataa u tashiilin la’a intii yareyd ee cashuur meelo kooban ka timid ama qaar dunidu ku deeqday uga soo xarooday, in la iftiimiyo khaladaadkana, waxan u arkaa waajib qof walba oo Somaali ah saaran .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " MADAXWEYNE, HORTA YAA QORSHEEYA SAFARRADAADA?! "

  1. ahmed says:

    kkkkkkkk Good point