Home » Warar »

Haweeney ay si Naxariis daro ah u Gubeen Ciidamo ka Tirsan Dowladda Federaalka

Tan iyi markii ay dhaceen dagaalada Sokeeeye ee Soomaaliya waxaa dalka ka dhacay Xadgudubyo Fara badan oo ka baxsan dhinaca Islaanimada iyo Baniaadanimada  taasoo ay si aad ah ula yaabeen dadka soomaaliyeed hadaba Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa  Xarunta CID waxay ku soo bandhigeen  haweeney si   Naxaarisdarro ah  loo Cadaabey ka dib markii ay sidaa ku sameeyeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka

 

Haweeneeydaan oo da’deeda lagu qiyaasey 36 Sanno ayaa lagu magacaabaa Boolo Cismaan Aadan waxaana  dusheeda ka muuqda Nabaradii  Diiftii ay gaarsiiyeen Ciidamada Dowlada waxayna Haweeneeydaan Shir jaraaid oo ay ku qabatey Xarunta CID ayaa waxay ka warbxisey qaabkii loo cadaabey ama loomCiqaabey iyadoo arrimahaas ka hadleysa waxay tiri”Gurigeyga Anigoo iska joogayaa ayaa waxaa isoo weeraray askar ka tirsan Ciidamada Dowladda waxayna markiiba iila dhaqaaqeen xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, waxaana markiiba farta layga saaray rag dhallinyaro ah oo lagu yiri ‘Gabadhaan waa inaad Cadaabtaan oo aydaan u naxariisan”. Waxay sii raacisay “Markii la isii waday ayaa nin ka mid ah raggii i waday wuxuu yiri ‘Aaway afartii isma khilaafto’, wuxuuna amar ku siiyey in ay i ciqaabaan”.

 

“Intii aan taagnaa ayaa mid ka mid ah wuxuu igu boobay xarig inta cirka la ii qaaday ayaa dhulka laygu daayey, kadibna xabbadka ayaa dhulka la ii dhigay, aniga oo qaylinaya ayaa bac ololeysa ayaa jirkeyga qaybo ka mid ah lagu dhalaaliyey, markuu Cabaadkeygu batay ayaa Alle baryey anigoo oronaya Illaahow dabkaan iiga dhig kii Nabi Ibraahim oo kale” ayay tiri Doolo Cismaan Aadan.

 

“Mid ka mid ah dhallinyaradii falkaas igu sameysay ayaa Sankeyga ku damiyey Sigaar, waana miir doorsoomay” ayay sii raacisay Boolo oo la weydiiyey haddii ay garaneyso raggii ku sameeyey falkaan, waxayna ku jawaabtay “Waxay ahaayeen 8 qof, waana kuwaan hadda I hor taagan, midkaan wuxuu ahaa kii bacda igu dhalaaliyey, kan waa kii xariga igu xiray, kana waa kii dharka ka siibay qaybo ka mid ah jirkeyga”. Boolo ayaa markaas tilmaameysa rag 8 qof ah oo ciidamada Booliisku soo qabteen la sheegay in ay ka dambeeyeen falkaan argagaxa leh ee loo gaystay Boolo.

 

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Col. Cabdullaahi Xasan Bariise oo isna ka hadlay falkaan loo gaystay Haweeyneydaan ayaa sheegay in uu yahay falkaan mid naxariis daro ah isla markaana kuwii gaystay sharciga la marsiin doono, wuxuuna  yiri “Alle ayaa wax Cadaaba ee Bini’aadam wax ma Cadaabi karo”, isagoo sheegay in uu yahay falkaan mid ku cusub goobaha ay ku sugan yihiin cidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in ay ku raad joogaan Haweeneydii ka dambeysay in ay adeegsado ciidamada Dowladda iyo rag kale oo iyana uu sheegay in ay ku lug leeyihiin dhibaatada loo gaystay Haweneydaas lagu magacaabo Boolo Cismaan Aadan.

 

Shacabka Muqdisho ku nool ayaa soo dhaweeyey hawlgalka ciidamada Booliiska ay ku soo qabteen ragga gaystan falkaan naxariis darada ah, iyagoo ugu baaqay ciidamada Dowladda in ay raggaas marsiiyaan sharciga si uusan u soo noqon falka noocaan oo kale, sidoo kale waxay ugu baaqeen in ay gacan ka gaystaan ciidamada kale ee xiran dareeska Dowladda oo iyana maalin walba dhibaateeya dadka rayidka ah.   

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Haweeney ay si Naxariis daro ah u Gubeen Ciidamo ka Tirsan Dowladda Federaalka "

  1. Waa kuwii oo Askar sharciyesan noqday

    Asc aqyarta dhamantiin marka hore waad salaman tihiin marka labaad waa wax laga naxo arintaan
    laakiin mahan wax ku cusub somaliya
    malaha Dadkinan yar yar haa sida aad ogtihiin markii Dalkaan la burburinayey
    Jabhadihii waxay sameyeen Dhalin yaro la dhihi jiray CIYAAL FAAY CALI
    kuwaas oo Dadka si xun oo sidan iyo wax kaxun kusameen jiray Dadka
    XARASH ama Shilin ayaa loo tuuri jiray Qof walbana wixi usoo baxo ayey
    ku ciqaabi jireen
    Gabdhaha ama Dumarka Bettery ayey ku guri jireen waa kuwii oo Askar sharciyesan noqday
    Labo shariif hadday kursi iyo Wasiiro isku haystaan maalin kastaa Shabab haddey Dadka macno darro ku dilaan iyo tuhun kaliya
    Askartina saan tahay
    Somali intay Dowlad dhisi laheed ay ku faaneeso STATE ama Dowlad Goboleed Meesha intan Madaxdeena nacnay aan jeclanay inuu naxukumo MAHIIGA aan markan sheegeeno aan dhahnaa DR Mahiiga Shacabkii Somaliyedna 4 milyan oo kamida Fidding ama Quudin u bahan yihiin
    Dhawr milyan oo kalena Qaxooti iyo xabsiyo Calamka ku jiraan
    Alle ayaa noo maqan
    Alle ayaana u dacwooneenaa inuu naga Qabto Daaliminta

  2. abdullahi says:

    walahi wa naxay makan ka arkay fecebook sawirkan nax dinta leeh lakiin maxa lasameeya yaheeeeeeee taladi somali dil dhac kufsi ciqab abar digal ayay ku so kobantay adunkan hada la jogo ma jirto meel gajo logu dhimanayo ila somali mahinee alloow somali ka sogar asc

  3. isma says:

    weli ma maqlin cid dhaqan celin ka hadlaysa boliska ama milateriga .
    waxaa meesha ka buuxa maleeshiyadii ka soo qayb qaadatay dagaaladii .

  4. CIIL-QABE says:

    Sababta loo cadaabay maxay tahay marka? ciyaa ciyaar iyo madadaalo in laga dhigto miyaa loo ciqaabay qofkan muslmka ah oo soomaaliga ah oo waliba dumarka ah,

    ilaahoow waa bil ramadana ee ciqaabtaada iyo caradaada iyo nacaladaada kusoo dadaji kuwaan dhibay umadii soomaaliyeed.