Home » Warar »

Deeqdaan waa Deeqdii Sadexaad oo aan gaarsiino Dadka Abaaraha Tiriik Axmed Cilmi

Iyadoo weli ay sii socdaan Gurmadka loo sameynayo dadka ka soo cararey Abaaraha waxaana gurmadkaas xoogiisa uu ka imaanayay dadka Soomaaliyeed eek u nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyadoo taasi ay jirto ayaa Ururka SWACRO Somali Women Children Rescue Organization wuxuu maanta deeq lacageed gaarsiiyey dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha waxaana deeqdaan lacageed soo dhiibey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka waxayna soo marsiiyeen Wakiilka ururka SWACRO ee Magaalada Minneapolis Maxamed Axmed Magan Cartan

 

Deeqdaan ayaa waxaa la gaarsiiyey Kaamka Ceel dheere ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho waxaa loo qaybiyey  200 oo Qoys oo ahaa qoysas lagu hilaamey kaamkaas oo aa weli la soo gaarsiin gargaarka loo sameynayao dadka Abaaraha ka soo cararey waxaana qaybinta deeqdaan  mid mid gacanta u geliye Agaasimaha Guud Ururka SWACRO ee Soomaaliya  YaasmiinMayow Maxamed  iyo Gudoomiye ku xigeenka Ururkaas Amiin Yuusuf Khasaaro

 

Masuuliyiintaa ayaa waxay sheegeen in ay halkaa ku soo arkeen dad aad u tabaaleysan oo ay ka muuqato diiftii iyo Darxumadii Abaarta iyagoo sheegey in ay  Muqdisho ku soo gaareen muddo 16 Maalmood waxayna codsadeen in dadkaas ku jira Kaamkaas deg deg wax  loo gaarsiiyo waxayna baaqaas u jeediyeen Hayadaha Gargaarka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudhiisa iyo dibadiisa .

 Halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran

Tiriik Axmed Cilmi oo ah gudoomiyaha Ururka SWACRO oo haatan ku sugan Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ayaa mar ay na soo xiriirtey waxay sheegtey in deeqdaan lacageed ay tahay Deeqdii sadexaad oo uu ururuka SWACRO loo soo Wakiisho islamrkaana uu ka qaybiyo Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay bilaabantey qayla dhaantii ku aadaneyd dhibaatada dadka Abaaraha ay saameeyeen , waxayna ugu baaqdey dadka soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibada in la kordhiyo deeqaha lagu samatabixinayo dadkaas iyadoo weliba farta ku fiiqdey in ay nagu soo fooleedahay Bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo ah bil ay wanaagsan tahay in dadka Masaakiinta loo gargaaro

 

Maxamed Axmed Magan Cartan oo isna ah Wakiiil SWACRO Mareykanka gaar ahaan Minneapolis ayaa u mahadceliyey dadka soomaaliyed ee soo gaarsiyey lacagahii ay u soo wakiisheen Ururka sidoo kale wuxuu u Mahadceliyey Masuuliyiinta Ururka SWACRO ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo si nafhurnimo ah u qaybiyey Deeqahaas , gaarsiyeenna dadkii loogu talagaley  hadaba qofkii doonaya in uu gaargaarsiiyo daadkaas Abaaraha Saameeyeen waxay la soo xiriiri karaan

Wakiilada dalka Mareykanka

 

Tirik Axmed Cilmi

Swacro_org@yahoo.com

Maxamed Axmed Magan Cartan

Cartansamafale@yahoo.com

 

Wakiilada Soomaaliya

 

Yaasmiin Mayow Maxamed

Swacro_org@yahoo.com

E-Mail yaasmiinm@hotmail.com

Tel 00252615590407

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Swacro_org@yahoo.com

Tel 00252615532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.