Home » Warar »

Jaaliyadda Degen Holand (AMHEM) oo deeq soo gaarsiiyey dadka abaaraha

Iyadoo weli ay socdaan Gurmadka loo sameynayo dadka ka soo cararey Abaaraha ee Koofurta Soomaaliya

 

waxaana Gurmadkaas si weyn uga qayb qaatey Dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibadiisa

  

 iyadoo taasi ay jirto ayaa kaamka lagu magacaabo Barwaaqo waxaa la gaarsiiyey deeq lacageed oo ay iska soo ururiyeen Dadka soomaaliyeed eek u nool Dalka Holand gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada AMHEM 

                                    

Deeqaan oo ka koobneyd Afara Boqol iyo Kontan Doolar ayaa waxay Jaaliyadda u soo Wakiisheen Axmed Cabdicasiis Maxamed waxaana loo qaybiyey Boqol iyo Labaatan qoys oo ahaa dad dhawaan soo gaarey Mgaalada Muqdisho waxaana mid mid gacanta looga sarey Deeqaas lacageed , waxaana bixinta Deeqdaas fududeeyey Maamulka degmada Waaberi

 

Mid ka mid ah dadkii la siiyey Deeqdaas lacageed ayaa u mahadcliyey intii ka soo qayb qaadatey ururinteda  iyo intii soo dhiibtey waxayna Ilaah ugu baryeen in uu u siyaadiyo Xoolahooda sidoo kale waxaa ka Hadley Maamulka Degmada Waaberi oo sheegey in maalin weliba ay soo gaarayaan dad ka soo cararaya Abaaraha  waxayna ka codsadeen dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudhiisa iyo dibadiisa in ay sii kordhiyaan Taageerada ay la garab taagan yihiin walaahooda ka soo cararey Abaarta

 

 halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran

 

Axmed Cabdicasiis oo isna ka  Hadley goobtii lagu bixinayey Deeqdaas ayaa sheegey in deeqda  lacageed ay ahayd  laba qaybood mid waxaa soo dhiibey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland oo dhameyd  400 oo doolar mida kale oo ahayd 50 Doolar waxaa soo dhiibey gabar lagu magacaabo Raxmo X Casharo oo degen Dalka Mareykanka iyadoo Axmed u mahadceliyey intii isku soo dubaridey deeqdaas iyo intii  fududeysey Bixinta Deeqaas si ay u gaarto dadkii loogu talagaley  gaar ahaan Masuuliyiinta degmada waaberi iyo kuwa Kaamka Barwaaqo

 

Jaaliyadda Holand waxay ku wargelineysaa dadka soomaaliyeed Soomaaliyeed  Ciddii Dooneysa wax Baxsato waxay ku soo Hagaajin karaan Kaalmadooda  Dukaanka EUROCALL ee Soomaalidda waxaana si gaar ah u Hagaajin kartaa Yuusuf Bile ama Cabduqaadir Cabdicasiis oo Degen AMHEM Tel: 026-3704857

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk 


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.