Home » News »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar oo isku balansadey 27-da Bishaan si wax ugu ururiyaan Dadka Abaaraha Saameysey

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Qatar inuu jiro kulan dhaqaale aruurin ah oo lagu taakuleynayo walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta ku waxyeeloobay.
 Kulankaan oo aan lasoo daahnay marka loo eego jaaliyadaha kale ee ku nool yurub,America iyo meelo ka mid ah wadamada khaliijka oo ayagu nooga horeeyey gurmadkan, hadana waxaa loo baahanyahay inaan muujino Midnimo iyo Soomaalinimo dareen galiyo jaaliyadaha aan weli kicin iyo shucuubta carabta ee naga mashquulsan.

Waxaa baaq gooni ah loo jeedinayaa dumarka iyo hooyooyinka Soomaaliyeed oo caan ku ah wax bixinta.

Taariikhda kulanka:27/07/2011

Maalinta: Arbacada (habeynka ay khamiista soo galayso)

Goobta: Qatar Islamic cultural center (fanar)مركز فنار

Saacadda: 8:30-10:30 fiidnimo

Xusuusin: Waxaa marti sharaf noo ah Safiirka Jamhuuriyadda Somalia iyo culimada Jaaliyadda oo uu horkacayo Sheekh Cabdurashiid Sh. Cali Suufi.

Waxaa sidoo kale  goob joog ah warbaahinta aduunka, taas oo ukeeni karto magaca jaaliyadda sharaf ..

Walaalayaal, shillin aad maanta ku bixisaan magac Soomaaliyeed wuxuu xambaarsanyahay fariimo kala duwan.Maantuu aduunka ogaanaya waxa ay Soomaali isutahay”

Taladaada iyo waxtarkaada aad baan u qiimeynaynaa ee sii faafi oo horay u soo mar saaxibadaa.

Qaacadda oo aad uweyn awgeed waxaa loo baahanyahay in cidkasta lagaarsiiyo xitaa caruurta waa in lasoo kaxeeya.

Fiiro gaar ah: Waxaa jira parking yar oo dhulka hoostiisa ah ee fadlan  soo dhaqso intaan lagaa buuxin.

Wixii faahfaahin ah kala xariir:

Muxiyidiin:66898790 iyo abduraxman:66687606

Email; abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.