Home » Warar »

Ururka SOSCENSA oo Qabtay Dood ku saabsan Shirka Wadatashiga Soomaaliyeed

Waxaa maanta lagu qabtay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho dood ku saabsan shirka wadatashiga Soomaaliyeed ee lagu qaban doono dalka gudihiisa, kaasoo ay qabanqaabinayso xafiiska siyaasadda Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS).

Doodda ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen: Yaa mudan in shirkaas ay qabanqaabiso? Yaa mudan inuu ka qaybgalo? Maxaase laga fili karaa inay kasoo baxaa? Waa maxay ujeeddadiisa? Waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xubnihii ka hadlay dooddaas ayaa waxay soo jeediyeen in martigelinta shirka ay mudan tahay Muqdisho, iyagoo sheegay in haddii shirka aan lagu qaban taasi ay macnaheedu noqonayso in la xaqiray caasimadda iyo dowladda KMG ah.

Shirkan ayaa xubnihii doodda ka hadlay waxay sheegeen inuusan ahayn mid ay u madax-bannaan yihiin Soomaalida, iyagoo sheegay in muddo badan dadaal loogu jiray in shirarka Soomaalida ee lagu qabanayo dibadaha lagu qabto gudaha dalka, balse shirkan oo noqday kii ugu horreeyay uusan ahayn mid ay hoggaankiisa hayso Soomaalida.

 

Mar ay ka hadleen xubnaha kulanku cidda mudan inay ka qaybgasho ayaa waxay sheegeen in shirkaas lagu marti-qaado qof walba oo Soomaali ah, gaar ahaan cuqaasha, culummada iyo inta aan xukun doonka ahayn.

Halkan kadaawo sawiradoo dhan

Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay kulanka waxa laga fili karo inay ka soo baxaan shirka watashiga Soomaalida, iyadoo xubnihii ka hadlya ay intooda badan carrabka ku dhifteen  in shirka hadba sida loo maamulo ay ku xiran tahay qodobbada kasoo baxaya, taas oo ay ula jeedeen in haddii shirka gacanta loo geliyo Soomaalida ay kasoo bixi doonaan wax Soomaalida dan u ah, haddii kalase ay kasoo bixi doonaan wax aan dan u ahayn.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen 75-xubnood oo ka kala socday qaybaha bulshada ayaa waxaa qodobbadii looga dooday waxaa ka mid ahaa kaalinta ay ururrada bulshada rayidka ah ku leeyihiin shirkaas, iyadoo laga dhawaajiyay inaysan waxba ku lahayn, madaaama aan lagala tashan qabanqaabadii shirka.

 

Dhanka kale, kale waxaa shirkaas looga dooday dhameystirka Axdiga KMG ah iyo dib u habeynta Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxayna dhammaan ka qaybgalayaashu soo-jeediyeen in dhameystirka Axdiga KMG ah laga qaybgeliyo qaybaha bulshada maadaama kuwii hore aan talo laga siin. 

Waxay kaloo soo jeediyeen in tirada xidlhibaannada Baarlamaanka aad loo yareeyo, laga dhigo ugu badnaan 120-xubnood. Iyagoo u sababeeyay inaan dhaqaale loo heli karin xildhibaanno fara badan.

Xubnihii kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen: Maxamed Xasan Xaad, Axmed Diiriye Cali, Xasan Sheekh Maxamuud, Ugaas C/llaahi Ugaas Faarax, Maxamuud Cali Ugaas, Shariifow Caddow Colow, Nuurto Sheekh Maxamuud iyo xubno kale, ayaa waxay ka hadleen abaaraha iyagoo soo jeediyay in dadka dhibku ku dhacay loo gurmado.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA) C/raxmaan Macallin Axmed (Ablaal) ayaa u mahadceliyay intii iskusoo dubo-ridday iyo intii ka qaybgashay doodda, isagoo sheegay in doodaha noocan oo kale ah ay SOSCENSA badin doonto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro                  

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.