Home » Announcements »

Tacsi:Timiro Cukaash

Waxaa magaalada London saakay ku geeriyootey Allaha naxariiste  marxuumada Timiro Cukaash oo ahaa qof dumar ah oo taariikhda gobanimo doonka dalka Soomaaliya ku lahaa taariikh iyo magac weyn, islamarkaana ahaa Soomaali wadaniyad dhab ah. Ayeeyo marxuumad Timiro Cukaash waxay ku geeriootey  maanta isbitaalka kings oo ku yaal South West magaalada London.
 
Xusuusin :Marxuumada ayaa dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan kale hadashey habeenkii koowda lagu qabanayay xaflada xaruunta Universal TV, runtii ahaantii ka jeedisay hadalo dhaxal gal ah oo ay kula hadleysay dadka Soomaaliyeed inay iska dayaan qabyaalada iyo wadaniyad darada islamarkaana ay racaan halgankii iyo taariikhdii SYL.


Marxumada ayaa qofkii loo xirey kacdoonkii leegada ay ka wadeen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo iyadoo uur leh islamarkaana ay ku dhax umushay xabsiga gumaystaha dalkeena haysatey iyadoo aaminsan Soomaalinimo.
 Waxaa laga codsanayaa ummada soomaaliyeed Meelkastoo ay joogaan inay usoo duceeyaan Marxuumadaas in ilaahay Qabrigeeda u nuuriyo kitaabkeedana Ilaahay Midigta Kasiiyo AAMIIN,AAMIIN,AAMIIN 
Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa dhamaan umadda Soomaaliyeed  meel kasto ay joogto iyo gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka tagtey marxuumada meel kasta ay joogaan.
 
W/D: Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
 London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.