Home » Warar »

Ururka u dooda Xaquuqda Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYAO) oo Muqdisho ku qabtay siminaar ku saabsan nabadda.

Ururka u dooda xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYAO (Somali Youth Advocacy Organization) oo waqtiyada dambe waday siminaaro u dhallinyarada ku wacyigelinayo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa siminaar ka mdi ah simnaaradaa waxaa lagu qabtay Hotelka Ambasador ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay dhallinyaro gaareysa 100 oo isugu jiray Gabadho iyo Wiilal.
Furitaankii siminaar ayaa ugu horeyn waxaa hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Ururkaasi Maxamed Ibraahim Cali (Cajiin) oo sheegay in ururka SYAO oo uu horey u qabtay siminaaro fara badan oo ku saabsan nabadda iyo sidii ay dhalinyaradu uga joogsan lahaayeen dagaalada, kuwaas oo uu sheegay in ay ka faa’iideen dhallinyaro badan.
halkan kafiirso sawirada oo badan

Guddoomiyaha SYAO wuxuu sheegay in siminaarka maanta uu qayb ka yahay siminaaro ay horey u qabteen, isagoo sheegay in sababaha ay u qabnayaan siminaaradaan ay tahay sidii ay dhallinyarada ugu jiheyn lahaayeen dhinaca nabadda iyadoo loo marayo Cayaaraha, Waxbarashada iyo wacyigelin, wuxuuna u mahadceliyey intii kala qayb qaadatay fulinta siminaarkaan.
Jawaahir oo ka mid ahayd dadka qurbojoogta ah ee ka soo qayb galay furitaankii siminaarkaasi ayaa waxay sheegtay in dhallinyaradu ay yihiin kuwa loo adeegsado in lagu huriyo dagaalada laysaga soo horjeedo Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhallinyarada looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dadkooda u heli lahaayeen nabad iyo dowlad, maadaama dowladdu ay tahay midda keliya ee kaafin karta shacabka Soomaaliyeed, waxaa kale oo ka hadlay Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey oo u mahadcelisay Ururka SYAO oo ay ku tilmaamay mid u taagan wacyigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana barnaamijyada uu wado ay yihiin kuwo wax weyn ka bedeli kara xaaladda ay hadda ku sugan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Maxamuud Nuur (Mugaambe) oo isna ka hadlay siminaarkaasi ayaa waxa uu sheegay in cayaaraha iyo dhallinyaradu yihiin kuwo si aad ah isugu xiran, isagoo sheegay in dhallinyarada soomaaliyeed u hayaan fursado fara badan oo dhinaca isboortiga ah, wuxuuna u mahadceliyey ururka SYAO oo uu sheegay in uu hayo hawl la dhihi karo waxay dhallinyarada kaga saari karaan dagaalada iyo falalka xun ee ay ku hawlan yihiin.
Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo isna ka hadlay gebagabadii siminaarkaas ayaa waxa uu sheegay in dhallinyaradu ay tiir dhexaad u yihini wax kasta oo bulshada loo qabanayo, la’aantoodna aan horumar laga gaari karin, haddii dhallinyaro la waayana wuxuu sheegay in ay meesha ka baxeyso jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed isagoo sheegay in Rasuulka (NNKH) uu dhallinyarada abaabuli jiray marka ay taagan dhibaato u baahan xal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.