Home » Warar »

Koonfurta Suudaan oo Maanta qaatey Xorriyadii noqotey Wadanka 54 aad ee Qaaradda Afrika

Koofurta Suudaan oo Muddo dagaalo kula jirtey Dowladda Suudaan waxaana la og yahay in Dagaaladaas ku hoobteen dad fara badan oo labada dhinac ah waxayna Dagaaladaas Socdeen muddo Sannooyin ah  hase yeeshee Sannadkii 2005 ayaa magaalada Nafasha ee Dalka Kenya waxaa lagu saxiixey  Heshiis ka kooban Dhowr qodob waxaa ugu muhiimsanaa in Afti la weydiiyo Dadweynaha oo ah in ay ka sii mid ahaanayaan Dalka Suudaan ama in ay noqonayaan Dal Madaxbanaan taasi waxay keentey in dadweynaha Koofurta Suudaan ay doortaan in ay ka Go’aan Dalweynaha  Suudaan markii la qaadey aftidaas

Maanta oo bishu Tahay 9-ka Luulyo waxaa  si buuxda Xoriyadii Madaaxbanaanida qaatey Koofurta  Suudaan taasi waxay soo afjartey dagaalo Muddo aad u dheer Socdey waxaana Caasimada Koofurta Suudaan Jubba  ka socda Dabaaldegyo iyo Fantasyo loogu xusyo Xoriyada Koofurta Suudaan  waxaana ka qaybgaley madax ka socota Aduunka iyadoo   Xornima qaadashada Koonfurta Suudaan  uu ka qaybgaley Madaxweynaha Sudaan  Cumar Xasan Al-Bashiir oo isagu sabab u ahaa in Xornimo qaadato Koofurta Suudaan

Madaxweynaha Cumar  Xasan Al-Bashiir oo warqad lagu soo  qabanayo  u goysey Maxkamadda Adduunka ayaa  Qaar badan oo Wadamadda Adduunka waxay aaminsan yihiin in Madaxweyne Cumar Al-Bashiir uu mudan yahay in la gudoonsiiyo abaal Marinta Nabadda Aduunka maadama uu ahaa Madaxweynhii ugu horeeyey in Koonfurta Suudaan u ogolaado in ay Xoriyad qaataan isla markaana ka tanaasuley Dhul aad  u balaaran  oo markii hore ka tirsanaa Dalweynaha Sudaan iyadoo dalkaSuudaan uu waayey  xuduudaha wadamada Kenya , Kongo ,  Afrikada Dhexe iyo Uganda  sidoo kale waxaa uu ahaa Dalka Suudaan markii hore Dalka ugu weyn Qaarada Afrika waxaa booskaas  galey Dalka Nayjeeriya oo noqdey wadanka ugu weyn Qaarada afrika

Xoriyada ay qaadatey Koofurta Suudaan ayaa waxaa la sheegaa in ay soo wajihi karto caqabado fara badan gaar ahaa sida laga yeelayo Saliida Faraha badan ee ku jirta Deegaano weli ay isku haystaan Koonfurta iyo Waqooyiga , sidoo  kale waxay  Caqabad ka imaan kartaa Dhinaca Biyaha webiga Niil oo uu si aad ah ugu  tiirsnaa  Dalka Sudaan waxaa Xusid mudan in dadka ku nool Koonfurta aya yihIin dad maanta Dad maanta ka bilaabaya  meel Eber ah  waayo waxay ka liitaan Dhinaca Waxbarashada, Caaafimaadka , Biyaha Korontada iyadoo o Suudaan la sheegey in ay weli ka sii shaqeyneyso lacagtii Dalka Suudaan ee loo yaqaan Genigga

Xoriyada Koonfurta Suudaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgaley Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed  oo si diiran loogu soo dhaweeyey Koofurta Suudaan gaar ahaa Mgaalada aadka u kulul ee Jubba waxaana ku soo dhaweeyey Mdaxweynaha la Caleema saarey Salfa Kiir oo hore Madaxweyne ku xigeen  ka ahaa dalweynhii la isku oran jirey Dalka Suudaan waxaana lagu tiriyaa ninka isna ka shaqeeyey in maanta ay Xoriyad ay qaadato Koofurta Suudaan hae yeeshe waxaa ka  horeeyey heshiis ay wada galeen Koonfurta iyo Waqooyiga ee uu horseed u ahaa  Madaxweyne ku ixigeenkii hore ee Dalka Suudaan Jhon Garand  oo isagu 21 maalmood Madaxweyne ku xigeen ka ahaa dalka suudaan ka dib markii uu ku geeriyoodey Shil Diyaaradeed  hase yeeshee waxaa la sheegaa in shilkaa Diyaaradeed ee uu  ku dhintey Jhon Garand uu ahaa mid shirqool ahaa iyadoo  Jhon Garand  uu ahaa shaqsi ka soo horjeedey in dalka suudaan la kala Gooyo

Koonfurta Suudaan ayaa noqoqnaya Dalkii 54 aad ee ku soo biira Dalalaka Afrika sidoo kale wxuu noqoqnayaa dalkii 193 aad ee ka mid noqda Adduunka  ama ku biira Qaramada Midoobey waxaana Xaflada Xornimada Suudaan goob joog u ahaa Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon iyo Madax ka socotey wadamada Adduunka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.