Home » Warar »

Warbixin: Munaasabadda Xurmaynta Qalinka iyo Qoraalka oo lagu qabtay Jabuuti

Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta iyo Is-gaarsiinta Dowladda Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Axmed “Fursadan Waxay Ina Siineysaa, Maanta In La Xoojiyo Qalinka, Qoraalka iyo Dhaqanka…” Munaasabadd Loogu Magacdarey Xuska Maalinta Saalax Xaashi Carab iyo Xurmeynta Hal-abuurka Qalinka

(Warbixin)

Munaasabad loogu magacdarey Xuska Maalinta Saalax Xaashi Carab iyo Xurmeynta Hal-abuurka Qalinka oo ay ka sooqayb-galeen Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta iyo Is-gaarsiinta Dowlada Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Axmed, Wasiirka Wax-barashada Dr. Cadaawe Xasan Cali, Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska dalka Jabuuti marwo Xasno Barkhad Daa’uud, 8 xubnood oo ka socda madaxda Jaamacaddaha ka hanaqaadey Geyiga Soomaaliyeed ee isugu jira kuwa xorta ah iyo kuwa wali gacanta gumeysitaha Itoobiya ku jira iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtey xarunta Ururka Haweenka dalka Jabuuti (UNFD) 30/06/2011.

Munaasabadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti iyo Naadiga PEN, islamarkaana isugu jirtey xus, bixinta hadiyad buugaagg uu qorey Marxuum Saalax Xaashi Carab iyo Dood cilmiyeed ku saabsan baahida Ardeyda Jaamacadaha, Af-soomaaliga iyo Suugaantiisa iyo waxa la qabankaro ayaa furitaankii Xaflada, waxaa kadley Gudoomiye sharafeedka Naadiga PEN Maxamed Daahir Afrax, marwadii uu ka geeriyoodey Marxuum Saalax Xaashi Carab iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Jigga jiga Prof Cabdinaasir Ibraahim Axmed, Gudoomiyaha Naadiga PEN Md. Aadan Xasan Aadan, Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta iyo Is-gaarsiinta Dowlada Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Axmed.

Ugu horeyn waxaa halkaasi laga qaadey heeso uu curiyey Marxuum Saalax Xaashi Carab, waxaa sidoo kale halkaasi laga daawadey filin gaaban oo uu soo diyariyey Naadiga PEN, kaasoo ka hadlayey Taariikhda nololeedkii Saalax Xaashi Carab iyo goobtii uu ku dhashey.

(Qayb Ka Mid Ah Filinka Halkaan ka daawo)

Inta badan mas’uuliyiinta ka hadashey goobtaasi iyo marti sharaftii kale ee lagu casuumey xafladda, kadib khudbadihii, filinkii iyo heestii uu curiyey Marxuum Saalax Xaashi Carab ee goobta lagu qaadey ayaa waxaa laga dareemayey qiiro iyo xamaasad, xambaarsan faariimaha faca soo socda ee dadka ku hadla Af-soomaaliga.

(Inta Badan Khudbadihii Maqal Iyo Muuqaal Halkan Ka Daawo)

Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta iyo Is-gaarsiinta Dowlada Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Axmed oo soo xiray xafladii ayaa wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad gaaban, islamarkaana muujineysa mustaqbalka qorshayaasha wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka

“markaan dhowr kelmadood baan halkaann ka sheegidoonaa, hadalkii badi waa la dhameeyey, Afrax iyo Alle Ha u Naxariistee Xaaskii Saalax baa dhameeyey hadalka, waxba annigu idiinku dheereyn mayo, laakiin waxaan doonayaa xagan in aan ka sheego maadaama saalax Alle ha u naxariistee uu ahaa qof aan aqaano, qof aan sooderisney dhowr sanadood, ilaahay ha u naxariisto wuxuu ahaa nin qaali ah, qoraana ah, wuxuu ahaa nin ka faa’iidaysaney haddaan reer jabuuti nahay, sidii hore loosoo sheegay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhaqanka iyo qoraalkaba garab jooga oo taakuleeya, la’aantiina waxyaabo badan oo la faafiyey lama faafin kareen…”

Qaybtii hore ee xaflada ayaa waxaa lagu soo xirey Buugaagg la gudoonsiiyey Madaxda iyo Wakiilada jaamacadaha Muqdisho, Hargeyso, Camuud, Banaadir, Dirdhabe, Jigg jiga, Puntland, Jaamacadda Jabuuti iyo Jaamacadda Bariga Africa, taasoo loogu talo galey in la dhigo keydka Sagaalkaasi Jaamacadood ee lagu martiqaadey xaflada si mustaqbalka ardeyda Jaamacaddahan dhigta ay uga dhigtaan tixraac.

(Halkaan ka daawo seddax ka mid ah wakiiladda iyo madaxda jaamacadaha oo buugaaggta la gudoonsiinayo)

Kadib kulan ay isugu yimaadeen gelnkii dambe Wakiilada 9-ka Jaamacadood oo Dood cilmiyeed ku saabsan baahida Ardeyda Jaamacadaha, Af-soomaaliga iyo Suugaantiisa iyo waxa la qabankaro oo ay ku yeesheen hoolka shirarka Ururka Haweenka dalka Jabuuti, ayaa

Intii ay socotey Dooda waxaa laga dareemayey mid ku socota xiiso iyo xamaasad aad u sareysa, islamarkaana keentey in waqti aan hore loogu balansaneyn la soogebagebeeyo, iyadoo markale si gaar ah loogu balamey in dib la isugu soonoqdo.

(Waa Tan Qayb Ka Mid Ah Dood-Cilmiyeedii oo Dhameystiran Halkaan Ka Daawo)

Hase ahaatee marka si guud loo eego Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid ka duwan kulamo iyo xaflado fara badan oo ay hore u yeesheen dadka ku abtirsada Qowmiyadda soomaaliyeed oo in mudo ah uu u kala qoqobnaa gumeystayaashii soomarey qaarada Africa bilowgii, ilaa iyo dabayaaqadii Qarnigii 19-aad, oo Qowmiyada Soomaaliyeed xiligaasi u qayb-shey shan qaybood, islamarkaana Qarnigaan 21-aad qaarkood wali ay ku jiraan gacanta gumeysiga, ilaa iyo xiligaasna ay dareemayaan xaalad bani’aadaninimo aan garawshiiyo lahayn, halka kuwa ka baxay gacanta gumeystuhuna ay la daaladhacayaan baahiyaha guud ee aadanaha oo ay qayb ka tahay qoris la’aanta, kobcinta Af-kooda Hooyo iyo Taariikhihii ay lahaayeen, taasoo xilligan keentey in la is-weydiiyo sida looga gudbayo iyo halka laga bilaabayo, hawshuna waxay u muuqataa dhawaaq mooyee dhabta wali lama gaarin.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.