Home » Faallo »

Maxaad kula talinlaheyd ONLF?

Assalaamu Calaykum akhyaarta ku xiran websitekan qeymaha badan. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu ku saabsanyahay ‘sida ay u arkaan shacabka Soomaaliyeed jabhadda Soomaaaliyeed ‘ONLF’ ee halgan hubeysan kula jirta gumeysiga Ethiopia. Maqaalku ma’ahan mid lagu taageerayo ONLF iyo mid lagu colaadinayo laakinse waxaan usoo bandhigeynaa dhalanyarada inay talo iyo tusaale wixii ay hayaan dhiibtaan.

Sababta maqaaalkan

Wixii ka danbeeyey markii jabhadii loo oronjirey xoreynta Soomaali Galbeed ee islaamiga- ay hashiiska ka gashey arinta gobalkaas Soomaaliyeed ee ay Ethiopia haysato- waxaan dood joogta lalahaa xubno ka tirsan ururka ONLF oo ayagu diidanaa heshiiskaas.

Ujeedada doodu ma’ahan mid aan ku difaacayey ururka Soomaali Galbeed ee waxaay aheyd in layareeyo colaada ka dhalatay heshiiskaas oo qof weliba si ufasirtey, ma maslaxadbaa mise waa isdhiibis?

Waxaa xusid mudan labada urur (Soomaali Galbeed iyo ONLF) aanu kadhexeynin iskaashi iyo wada shaqeyn xitaa xiligii dagaalka hubaysan ku wada jireen, hadana heshiiskaan wuxuu umuuqdey mid dhabar jabin ku ah ururka ONLF.

Doodaan waxaan ku ogaaday arimo dhowr ah oo: waa mida hore ururka ONLF waxay dareemeysa inay Soomaali oo dhan ay garabkooda ka baxeen oo ay iibsadeen qadiyadii markaziga(central) u aheyd Soomaali wayn iyo halgankii soo jireenka ahaa.Waxaana dhici karto inaan ku qaldanahay fahankaas.

Tanlabaad, ONFL (si kasta oo ay wax uwadaanba) saaxadii halganka soo jireenka ee lagula jirey gumaysiga Ethiopia ayaga kaligood ayaa ku harey, taas oo ka dhigeyso ummada inteeda kale danbiilayaal qaran oo iibsaday halgankii soo jireenka ahaa.

Arinta 3aad, Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan aysan waxba ka qabin in gacan siiyaan halganka ururka ONLF haddii uu wax kabadalo barnaamijkooda oo ay ugu horeyso magaca ururka iyo magaca gobalka intaba, waana fahan aan kala soo baxay Emailada dadkii ra’yigooda kadhiibtey arintaas.

Goor ay arintu halkaas marayso ayaan ka codsaday saaxibkey(oo ka tirsan golaha dhexe ee ururka)inuu ii ogalaado inaan Shacabka Soomaaliyeed aan ubandhigno halganka ururka iyo sida ay u arkaan,  kadibna ururka jawaab ka bixiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu yaraan  500 oo qof oo ku jirtey ‘contacts’ emailkeyga ayaan udirey su’aalahaan (questionare) bal inaay ra’yigooda ka dhiibtaan  qadiyadan:

1:Maxaad ka ogtahay ururka Soomaaliyeed ee loo yaqaan ONLF ee la dagaalanta gumaysiga Ethiopia?  Maxaad isleedahay waa ku qaldanyihiin/ku saxanyihiin?

2:Gobalka Soomaaliyeed ee kujira gacanta gumaysiga Ethiopia, magaciisa ma Soomaali Galbeedba mise Ogaden? Wax dhib ah ma kugu hayaa hadba kii la isticmaalo si loo xureeyo?

3:Inta aad wax akhrineysay, ma kusoo maray magac ugaar ah oo ay isticmaali jireen jabhadihii ka soo dagaalami jirey gobolkan wixii ka horeeyey 77 iyo ONlF?

4:Si looga baxo dhibka iyo burburka hada ka jira 2da gobal ee maanta loo yaqaan Somalia (Italian Somali land and British Somaliland),ma aaminsantahay in faraha laga qaado sheegashada Soomaalida Gobalka ay Ethiopia haysato?

XUSUUSNOW in burburka Somalia asalkiisu ka soo jeedo rabitaanka Somalia gobalada maqan(Djabouti, Gobalka Kenya iyo gobalka Ethiopia), gaar ahaan dagaaladii lalagaley Ethiopia oo uu ugu danbeeyey 77.

Waxaan ka codsadey dadkii howshaan ka qeyb qaatay inaay si Soomaalinimo ah ugu jawaabaan oo ay ka fogaadaan qabyaalada iyo in ONLF garabka lagu riixo maadama aad kala fikrad tihiin.

Nasiib daro, dad yar ayaa iiga soo jawaabay emailadii,qaarkalane aniga ayey weerar igu soo qaadeen ayagoo leh: Ma waxaad qortaad weydey? Taas oo runtii ka tarjumaysa wacyiga dadka qaarkood ka taaganyahay qadiyaddii waa aheyd wax ummadda Soomaaliyeed mideeyey, gaar ahaan waxdaradii77!

Hadaba,waa kuwaan ra’yiga dadkii iiga soo jawaabey emailkaas anigoo soo koobayo:

Shafee Farah

“Anigu waxaan kuu sheeegaya in ururka ONLF uu saxsanyahay 100% laakinse  Magacaa dalka waxaan rabaa inuu noqdo Somali Galbeed

Guuleed Aadan, gobalka Maroodi jeex

“Ogaden gobolka layidhahda sida ay dadka qaar uyaqaanaan waxa la odhanjiray{RASEEF EERIYA } oo waxaa gumaystuhu ku wareejiyey dowlada Ethiopia ilaa iyo maanta waxaa haysta jabhadda ONLF, waa jabhad qabiil ku dhisan sida magaceedaba kamuuqata. Ogaadeeniya uma malaynayo inay guul ka gaadhayaan maadaama ay soomaali ka dhexbaxeen”

Isma’il, India

“Waxaay ku qaldan yihiin magac qabiil kaliya ayey ku dagaalamayaan. Waxay aheyd inay ‘midnimada’ Soomali Galbeed ilaaliyaan waayo midnimadu waa muhiim.

‘magaca gobalka’  wuxuu ku wanaagsanyahay ‘SOMALI STATE ama  Soomaali Galbeed oo qabiilka laga ilaaliyo. Dhankale, Maya maqabo in qadiyadan faraha laga qaado ee waa ineynu tashano”

 

Saciid  C/llahi Aadan, Denmark,

“Jabhadda ONLF waxan u aqaan jabhad soomaaliyeed oo gobonimo u dirir ah oo muddo dheerna soo halgamayayey kuna amaanan gumeysi diidka, in badan oo hagardaamooyinka gumeysigu ka maaganaa gobolkaan iyo guud ahaan Somalia oo dhan sababtooda ayuu Allah ku baajiyey.

Halgankooda waxaa ragaadiyey dhowr arimood oo ay ka midtahey

A: Magaca ay qaateen oo aanan ka turjumeyn qadiyadda ay u dagaalamaayan kaas oo jifo ka mid ah dadka gobolka daga cinwaan u ah

B: Ayaga oo aan cidkale u ogoleyn saaxada halganka, ciddii anan ayaga soo marin.

Magaca munaasabka u ah gobolka waa SOOMAALI GALBEED, horeyna uma maqal magaca u dhaxeeyey jihaadkii barakaysnaa ee Axmed Gureey iyo magacaan Soomaali Galbeed.
Ma arko in faraha laga qaado ee waxaan arkaa in loo  halgamo sidii loo soo dhicin lahaa ciladaha ragaadiyey halgankana  laga saxo ”

Osman Moallim Hassan, London, Uk

“Waa quationare aad u qiimo badan oo ugu yaraan ku beeraya qofka Soomaaliyeed in uu ka fakaro waxa socda hadii uusanba ku beeerin.

Haddaan u soo laabto jawaabaha

1: ONLF waa xaq u diriiryo, waa rag Soomaliyeed oo u taagan in ay xoreeyaan dhulkooda, diintooda iyo dadkooda.

2: Ogaden, magaca la yirahdo waa meelaha ay ku qaldantahay ONLF dib udhacana ku keenay targetkoodii ahaa in ay wadanka xoreeyaan maxaa yeelay somalidii la dagaalami laheed ayey niyadooda xumaan galisay.

3: Maya ma arag ‘magac kale oo loo yaqaanay halgankkii hore’.

4: Tan maka tanaasulnaa Gobolka ay Ethiopia naga haysato runtii arinkaasi arin in laga doodo u baahan ma’ahan waa in aan soo ceshenaa dadkeena iyo dalkeenaba hadii aysan xataa gabari naga harin”

Ali Amiin

“Jabhadda ONLF waa jabhad jirtay oo la asaasay waa hore dagaalkooduna wuxuu ku salaysan yahay mid xaq ah laakiin mar mar ayaa loo baahanyahay caqli in la isticmaalo waayo muddo ka badan 40 sano ayaay dagaal ku jireen, waxaa habboon in la adeegsado caqli. Waagii Mengistu iyo Xayle silaase Soomaalida waxba looma ogoleyn laakiin maanta oo uu shaysto Meles zennawi wax badan ayaa loo ogol yahay oo dalkooda ha dhiseen meesha ay ka dagaallamaayaan waxaa deggan dadkooda, waxaan leenahey soo raacaan waddadii Sheekh Ibraahim Dheere.
Midda labaad magacani wax dhibaato ah malaha oo hadba kii lagu heshiiyo ayaa loola bixi karaa Soomali galbeed haddi la dhahana waa halka uu ku yaallo iyo magacii hore Ogadeniyana dhib male ee ha lagu heshiiyo.
Midda saddexaad jabhad ka horreysay anigu ma aqaan”

Dahir , Doha, Qatar

“Waxaan ka ogahay inta uu ka ogaan karo qof taariikhda dalkiisa daneeya uu ka ogaan karo.

2:Magaca waxan aad ugu qanacsanahay inuu yahay Soomaali Galbeed waayo  wuxuu ka midyahay magacyada gobolada maqan ee dadkii lahaa daba joogo, waqtigii Somalia ay ka jirtay dawlad xoogan oo u hanqal taagaysa inay dalkeeda maqan dib ula soo noqoto waxay ku baadi goobaysay magaca ‘Soomali Galbeed’.

3: Anigu shakhsiyan ma xaasuusto magac hore oo ay isticmaali jireen jabhadihii hore oo aan aheyn Ururka Soomaali Galbeed.

4: Arinta in faraha laga qaado sheegashada Soomaali Galbeed waan la yaabay su’aasha waayo waxaani waa dhul Soomaali leedahay. umadaha uduunka waxaa jira wax layidhahdo ثوابتama خطوط الحمر oo aanu nina xaq u lahayn inuu ka talaabsado xataa badaha la iibiyay macneheedu ma’ahan wax fudud. Burburka Somalia ma’ahan mid xaq usiinaya inay cidi qaraar ka qaadato dhul ummadeed! Su’aashaada hadii maanta ay jirilaheyd dawlad Soomaaliyeed waxa laguugu qaadilahaa tuhmado iyo khiyaamo qaran iyo xabsi daayim”

Axmed Ibraahim Isxaaq, B/dhere, Somalia.

“Haddiı an fıkırkayga ka dhiıbto Gobolka Soomaaliyeed ee loo yaqaan Soomaali Galbeed ama Ogaden,  waxan ku hormaraya dagaalada ka socdo halkaas,waa Jıhaad udhaxeeyo mujaahadiınta

Soomaalıda ıyo dawlada xabashıda,waana kuwa soo jıreen ah.

Magaca waa dhulka Soomaalı Galbeed, Soomaalı oo dhan ayuu ka dhexeeya magaca ‘Ogaden’ waa magac uu baxshey gumaystaha oo uu rabo ınuu kala geeyo Soomaalıda”

Adam Abuzuhri Al-Hasani
abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Maxaad kula talinlaheyd ONLF? "

  1. Ibrahim says:

    ACW, salaan qaali ah ayaan Salaamayaa Walaalaha haga Webka Somalitalk. Salaan ka bacdi, maduucan inaan talo yar ka dhiibto ayaan jeclaystay. Sababtoo ah muhiimad ayuu leeyahay.

    Marka hore sidaan u arko magaca Ogaden inuusan cilad gaara lahayn ayaan u arkaa. Waxaase muhiimad leh ujeedada Halganka ay hormuudka u tahay ONLF. Walaalayaal, waxaan wada og nahay in wadamo hada caalamka ka jira oo caan ah loo yaqaano magac hal nin ama magac qabiil. Tusaale Sacuudi Carabiya soo ma aha magac Qoyska Xukuma ee Reer Al-Sucuud, Rusia soo ma aha maqac hal qowmiyad oo ka mida Federation ka Rusia, Bolivia soo hal nin magaci ma aha. Xataa America magaca la yiraahdo ayaa ah nin magaci, sidaas darteed. Magacu dhibaato ma laha ee camalka iyo ujeedada ayaa dhib lahaan karta. Waxaan ogahay in ONLF magaca u qaadatay in ay u isticmaasho hab Geography iyo mid taariikhda uu Ingiriisku ku dhiibay ah kuna qoray dhamaan documentigi uu heshiiska kula galay Abyssinia. Magaca Soomaali Galbeed waa magac fiican oo inaga Soomaali ahaan macne inoo leh, balse Caalamka kale ee aan arinta Qadiyada kala hadlayno ma yaqaanaan. Waxaan la socdaa in xiligii Dagaalka 1977 ay Itoobiya AOU da kaga dhexdooday inaysan haysan dhul loo yaqaano “Soomaali Galbeed.” Ninki Xukumadi Mingiste Shirka oo Nairobi ka dhacay uga doodayey wuxuu yidhi, “Hadii Map ka AFrica laga helo dhul Soomaali Galbeed la yiraahdo, Soomaaliya anagaa ka gardaran.”

    Si kastaba ha ahaatee, ONLF waxay u dagaalamaysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee Guumaysiga Itoobiya ku hoos jira ee uma dagaalamayso Qoys gaara. Mar haday arintu sidaa tahay, ONLF waa in gacan lagu siiyo Halgankan ay wado.

    Dhinaca kale, hadii aan wax ka taabto heshiiska UWSLF anigu waxaan u arkaa khayaamo laga galay dhamaan Soomaali wayn oo dhan. Sababtoo ah Taariikhda ma dhicin shaqsi Soomaali ah oo saxiixay inuu Itoobiyaan yahay aqoonsadayna Dastuurka Itoobiya. Dastuur wadan lee yahay, waan garan karaa inuu Tilmaamayo, dhulka, dadka, iyo xuduudaha. Sida aad qaarkeen la socdo, xuduud beenaada ay Jamhuuriyada Soomaaliya la leedahay Itoobiya qaybteeda dhulki Talyaanigu guumaysan jiray ma aha mid aduunka laga citiraafsan yahay. Xayle Salaase wuxuu ku dadaalay in uu sharciyeeyo oo wuxuu kala hadlay Madaxwaynihi ugu horeeyey Aaden Cade, wuxuu kala hadlay C.Rashiid Cali Sharmaarke, wuxuu isku dayey inuu holiyo Maxamed Siyaad dhamaan waydiideen. Melez Senwai wuxuu sida aan maqlay la soo qaaday Cabdiqaasin Salaad wuuna diiday oo wuxuu ku yidhi “Dakane ka gali maayo jiilasha dambe ee Soomaaliyeed. Hadaba, intaas oo dhan arinta ay diideen ayey UWSLF iyo Ibraahim Sheere ogolaadeen. Waxaase aan marna suurta gal ahayn inaan Qadiyadan ka tanaasulo. Xuduuda Itoobiya inay Feerfeer, Doolow, iyo Goldogob marto ninka Soomaaliga ah ee ogalaanaya ma odhan karo waa xal, xalna ma keeni karto.

    Waxaan ku soo koobayaa qoraalkan anigoo wax badan oo kale sheegi lahaa, ha la taageero ONLF. Dagaalka ay ku jirto hadii uusan guul keenin wuxuu xirsi xir u yahay inaysan Qadiyadu tasoobin.

    Mahadsanidiin

  2. Dahir says:

    Waxan inyar ku darsanaya akristaha sharafta leh ee KHADAR walaal cidna qancin mayso magaca in la badalo caalamkan ogolayn iyo itoobiyaan ogolay wayo itoobiya waa gumayste ogolashana logama baahna ee waxan ka hadlaynaa Ogaden haday leadersk yihiin dadka soomaliyeed ee dhulku ka dhexeeyo oy ku khasbanyihiin inay wada hadal la galaan wixii xal ahna la is waydiiyo ee maha tareen jiha qalada u socda soo raaca ee waxan ka hadlaynaa dhul soomaliyeed markan ku leehay waa in la fahmaa qadiyadaha qawmiga ah

  3. Dahir says:

    ONlF waxay ku doodayaan in magaca Ogaden gobolka uu u bixiyay Ingriiskii gumaysiga ahaa ee inoo horseeday dhibta intan leg ee dhulkeena isa bixiyay waxa se la yaab leh in ay xoriyad raadiyaan iyagoo dhaleecaynaya ingriiskii dhulka gacanta u geliyay Ethopia dhanka kalana ay ku dhegan yihiin Magaca Ogaden oo uu bixiyay Ingriisku iyagoo ka dhex arkayaa magaca qabiilkooda sidaa darteed waxan qabaa inay aad ugu fashilmeen kasbashada dadka ay qadiyaydu ka dhaxayso ee walaalahood ah wayo waxan dhaman wada ognahay in masuulinta ONLF uuna ku jirin nin qabiil kale ah wayo waxay umadu u aragtaa xisbi Qabiil hadaba waxan odhan lahaa Magaca iyo qadiyadu waa kala gaar ee qadiyada waa inay fahmaan

  4. Waxayna ila tahay jawaabta su’aalahaadan sidan hoose ku qoran:

    1- Jabhadda ONLF inay tahay mida kaliya ee u badheedhay inay soo celiso sharaftii iyo wanaagii umaddanu lahayd. Nin gumeysi kujira oo iska xoreynaya qalad lagu sheego meesha mabayaal.

    2- Waxay ila tahay magaca Ogadeenya (Ogaden), uusan dhib ahayn haddi lagu xoreynayo dhulka beesha Tigreegu inaga haystaan (Woyanaha), madaama aduunku diwaanka u gashan yahay Magacan.

    3- Waxay ila tahay inaysan jirin taasi, waxaana ku macnayn karaa in qorayaashii reer-galbeed ee wax ka xardhay khariirada maanta dunida isticmaasho inaysan u bixin dhulkaas wax aan ahayn Ogaden.

    4- Xalka Soomaaliya waa mid kujira Soomaali dhexdeeda, Males Zenawi sababta uu Soomaaliya u qasayo waa Halganka Shacabka Ogadeenya ugu jiro xoriyadiisa, waxaana hubaal ah in Halganka ONLF-hormuudka ka tahay ee Shacabka Ogadeenya go’aansaday inuu karaamadiisa ku soo ceshado guuleysan doono insha alaah.

    Waanad mahadsan tahay walaal.

  5. hassan says:

    Kudhamaan walaalaha soomaaliyeed salaamun calaa man itabacalhudaa intaas kadib walaal aniga shaqsi ahaan dhib igumahayo magaca ogadenia maxaayeelay markaad dib ugu noqoto tariikhda amaba map ka aduunka waxaad ku arkisaa ogaden umana ayna bixin ONLF magacaas marka aad akhrido ama aad fiirisid dagaalkii 1977 waxaad arkisaa ogaden war waxaana dagaalamayat jabhadii WSLF hadana waxaalooyaqaanaa ogaden war markaas walaalayaal waxa uu nabigeenu yiri camalku waa niyada onlf waa wasiilo aynu uadeegsanino sidii aynu ugu gaadhilahayn hadafkeena ee ma aha wax aan labadalidoonin aynu yeelano marka hore wadanka hashaadu hadii aykaalunto ama lagaaxado waxaad kuraadinisaa sumadii ay lahayd sidaas tarteed waasumad aynu kuraadsanino dhulkeena maqan hadii aynu labaxno soomaali galbeed /soomaali bari /soomaali waqooyi/soomaali koon fureed/ lamakala garanayo waxa saxdaah een raadidino markaas walaalayaal aynu taageerno walaalaheena ONLF ee naftooda uhuraya xoraynta dalkaa soomaaliyeed waad mahadsantihiin

  6. omar ali says:

    Tariiikh gobalka sifiican yaan oo la socdaa intii xad ah
    Magaca ONLF waxaa aad ooga wanaag sanaan lahaa
    magaca midnimo SOMALI-GALBEED
    Dadka Somaliyeed waa in si wada jir ah ay uugu halgamaan
    dhulkaas Somaliyeed sidii loogu soo celin lahaa gacanteena.
    Wixii xoog lagu qaato xoog yaa lagu soo ceshaa.
    Onlf waa xaq udirir Dulkoodi, diintoodi, iyo dadkoodi yaa dhacan.
    Waa dagaal xaq ah laakiinse magaca ha saxaan.
    Dadka gobolkaas udhashay laakiin aan Ogadeen ahayn magacan ONLF
    Waxay u arkaan dulmi bilow ah oo xaqoodi lagu duud siinaya.
    Guul yaan u rajaynayaa

  7. Khadar says:

    SC akhristayaasha sharafta leh, Somalitalk iyo qoraagaba aad baan ugu mahadnaqayaa, Adam waa nin muwaadin Soomaaliyeed ah qoraaladiisana aad baan u akhriyaa. hadaan usoo noqdo muhiiimada qodobka laga sameeyey xaqiiqa raadiska “fact finding” iyo dadka kasoo jawaabay questionarekaba, waxaa ii muuqata hal meel in ay u baahan yihiin in laga qanciyo, taas aad baan aniga shaqsiyan ugu jawaaabay dad badan, waxaan kaloo in badan arkay madaxda ama gudoomiyaha Admiral Maxamed Cumar oo arintan ka jawaabaya. ONLF waa ay isku dayday in ay magaca bedesho, waxaase dhacday in beesha caalamka iyo Dowlada itoobiyaba ay u arkaan urur ka mid ah ururada mucaaradka ee itoobiya, miiska waxay ku tagaan wada hadalka in ay yihiin muwadiniin itoobiyaan ah oo xaqooda raadinaya. shirarka ka dhaca daafaha caalamka ee mucaaradka itoobiya ayagaa u horeeya oo loo yeeraa, uguna miisaan culus sababtoo ah waa ciidan dhisan oo cudud leh ayay leeyihiin.
    ONLF waxaa dan ugu jirtaa waxay dadkeedu jecel yihiin, balse waxaa loo arkay Somali Galbeed haday la bixi lahaayeen inay Somali weyn u dagaalamayaan sidii 77 ama NFD soo celinayaan, waana laga diiday. Ma umalaynaysaa in ONLF hadii itoobiya gobolka ka xoreyso in ayaga kaliya eey qaadanayaan nacfiga kasoo baxa? jawaabtu waa maya ruux kasta oo gobolka dega xaqiisa wuu helayaa, balse hada waxa ku dhamaanaya waa ONLF wayna jeceshahay in laga barbar dagaalamo, oo magaca bedesho laakiin nasiibdaro sikasta ooy isugu dhabar jabisay waa usuurtoobi weyday. gebgebadii waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego in dad badan oo Somaliyeed oo rag iyo dumarba leh in ay arintan fahamsan yihiin kana qaybqaataan halganka.

  8. Bashiir Macalin Cali Abuxudayfah : Sweden : Borlange

    J1: Run ahaantii , geeska Afrika gaar ahaan Galbeedka Soomaaliya Halgankii Dawladihii Islaamka iyo Imaam Axmed waan aqristay halkeey Amxaaro isla tageen , Dagaalkuna maanta sooma bilaaban ee waxaa uu soo billaaday sanadkii 1270 Miilaadiga , goortaa oo ahayd markii Boqorkii Amxaarada Damac ka galay Dhulka Muslimimiinta Geeska Afrika.Dabkii damiciisaas waalan huriyay ayaana ilaa maanta Taagan.

    B) Jabhada ONLF waxaa ka qaldan , waxaa waaye/weeye sidaan qabo iyagoo Gumaysiga la Halgamaa ayay haddana Dabin ugu dhaceen. Waxaa waaye/weeye magaca ay wataan ee OGADENIA , waxay ka dhiganta dhul Qabiil Gaara leeya. Waxaana dhihi lahaa OLNF ta ruuxooda ayaa Danbi Soomaaliwayn ka galay !! Maxaa yeelay dhul Soomaaliwayn ka dhexeeya oo dhiig badan oo Soomaaliyeed ku baxay ayay Magac gaara ugu wanqasheen!

    Waxaan dhihi lahaa magacaa ha bedelaan , maxaa yeelay markaa 5 Soomaaliyeed magaca ayay iska dhex arkaayaan , haddase waa dhul qabiil ka maqan ayay u egta marka marka Ogadenia laga eego. Waxayse ku saxanyihiin Intii Magacaa kasoo hara. Madaxa halkii loo jeediyo ayay Majuhuna aadaan. Magacaa wax walba ka fulaan.

    ]

    J2: Magaca Gobolkaa waa { Soomaali Galbeed } ciddii magac gaara ula baxdana waxaan qabaa Soomaaliwayn ayay danbi ka galeen , mar way kala geeyeen oo dhul ka maqan ayay magac gaara ula baxeen sidaana Halgankii ayaa looga haray . Marka labaadna dhulka 5 Soomaaliyeed ka dhexeeya ayay Gaar u suntadeen. Waxay ka dhiganta wiil gaar u suntaday hal 5 wiil aabahood ka dhaxleen.

    B) Dhibka uu igu haayo buurta waa igala culusya ayaan dhihi karaa maxaa yeelay , wax Guula in laga gaara uma badna inta magacaa jiro. Inta Soomaali Galbeed qadiyadeeda maqantahayna Soomaaliya Labadeeda Gobol Waqooyi iyo Koofur waa ku qawracanyihiin. Dhaxantu sida ay u kala koraydaa loo kala qaadaa ;; haddii Kanaal/isha daadku kasoo gelaa moosno/daboolno biyu danbe nooma soo galeen . Waxaan ula jeedaa Gobolka S/Galbeed haddii Soomaaliwayn xorayso Amxaar danbe dhulkeena laguma arkeen.

    J3: Way jiraan Kitaabo Taariikhda Geeska Afrika oo aan Aqristay , laakiinse kuma arag Magac aan hadda xasuusto waysa jiraan Dawlado Islaami ahaa oo ka jiray geyigaan .

    J4: Mayya!! Raali kama ihi arintaa: sababtuna waxaa weeye/waaye waxay arini noqonee Dibigii Caddaa markii 3 Dibi Libaax ka sirtay . Haddii Soomaali Galbeed Amxaarada la dhaxalsiiyo , ma waxaa la filaa in uu ku daayo?

    Maya balse markaa ayuuba , Dakano la’aan Dal Dhan ku Dhaxlaa !!

  9. Risaq says:

    “Haddiı an fıkırkayga ka dhiıbto Gobolka Soomaaliyeed ee loo yaqaan Soomaali Galbeed ee mahan inlaayirahdo ogeenya magacan waa qabiil e mahan dhul marka hadii larabo in dhul laxoreeyo waan luguyera somali Galbeed waa iga aragti