Home » Faallo »

Xataa Israa’iil in aan safiir ka noqdo soo qalqaaliya

(Maqaal Xiiso Badan)

Tan iyo markii la dhisay Dowladdii C/qaasim waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayey qurbo joog badan wuxuuna imaanshahooda sii xoogeystay markii la dhisay Dowladda uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana weli Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo dega rag fara badan kuwaas oo doonaya in ay shaqo ka helaan Dowladda Federaalka, waxayna xoogga saaraan in ay mar un noqdaan Safiiro ama danjirayayaal.

Maalin, aniga oo ku sugan mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho ayaa nin saaxiib ah oo aan wada fadhinay waxa uu farta iigu fiiqay nin dhexda u dhuuqsan tahay oo dhar Suut ah ku taagan, wuxuuna i weydiiyey in aan garanayo ninkaas, waxaana u sheegay in aanan garaneyn balse waxaan ka codsaday in uu ii sharaxo waxa uu yahay, waxa uuna igu yiri “Waxa uu raajicinayaa Safiirnimo”, waxaana Maskaxdeyda ku soo dhacay in rag badan oo safiirnimo raajicinaya ay Muqdisho ku soo badanayeen Xiliyadaan Dambe.

Waxaana la yaab ila noqotay ragaan faraha badan ee soo degaya oo kuligood raadinaya safiirnimo, waxaan sii fajacay markii mid ka mid ah qurbo joogta uu xaflad u sameeyey Odayaal Beeshiisa, wuxuuna kullankaasi uga hadlayey sidii ay beeshiisu ugu taageeri lahayd in uu noqdo Safiir, Odoyaashii halkaasi ka hadlay waxay u ballan qaadeen in ilaa iyo Madaxweynaha ay u socon doonaan si ay safiir ugu helaan ninkaan ,isagoo maalinkaa si wanaagsan looga Qadeeyey islamarkaana Rag fara badan u qaadey Qaad, waxaana u sii dheeraa in Ragga u Tunka weyn Beesha Xoogaa faraqa ugu shubey isagoo u si Raaciyey “ Hala Dadaalo yaan la igu soo laaban iyadoo Safiir la ii wadin” “ Waa yahay” Waa yahay” Qaarkood markaa waxay ugu yeerayeen “Mudane Safiir” isagana wuxuu u muuqaneyey in laga dhigeyba Safiir.

Hoteelada Magaalada Muqdisho waxa uu ku soo badanaya xafladaha ay dhigayaan Qurbo-joogta u xusulduubeysa in ay noqdaan safiiro kuwaas oo beelahooda ka dhaadhicinaya in ay Dowladda ku qalqaaliyaan sidii ay safiiro uga dhigi lahaayeen. Mid ka mid ah odoyaashii ka qaybgalaya kullamadaasi ayaa waxaan weydiiyey wuxuu kullankoodu ku saabsanaaa, wuxuuna iigu jawaabay “Nin beesheena ka mid ah oo dibadda ka yimid ayaa doonaya inuu safiir noqdo, hase yeeshee waxan u maleynayaa in ay adkaan doonto in aan safiirnimo u helno madaama rag badan oo ku soo wareegay qurbaha safiiro laga dhigay oo uu liiska safiirnimada buuxsamay”.

Hooyo iyo Aabbe dhalay mid ka mid ah ragga raadinaya in ay safiiro noqdaan ayaa iyaga oo aan ogeyn wuxuu yimid Wiilkooda Magaalada Muqdisho kadib wuxuu u gudbay dhulka Xarakada Alshabaab ka taliso markii uu mudo joogay halkaasi ayaa Hooyaddii iyo Aabihii waxay wiilkooda weydiiyeen waxa Muqdisho xiligaan keenay, wuxuuna u sheegay inuu u yimid sidii uu Dowladda uga helo Jago gaar ahaan safiirnimo, markay erayadaas afkiisa ka soo baxeen ayaa Hooyaddii af labadii yeertay iyadoo leh “Alla wiilku ma waashay… ma waashay. War maxaa tiri…”,

Wiilkii wuxuu ku celiyey in uu doonayo safiirnimo, Hooyadii oo anfariirsan ayaa markaas gacanta qabatay wiilkii, waxayna Odeygii ku amartay inuu Taksi si deg deg ah ku soo qabto.

Wiilkii waa uu yaabahan yahay, wuxuu ku celcelinayaa “Hooyo maxaa jira?… Hooyo maxaa jira?.”.

Hooyadii oo la yaaban dhiifanaanta wiilkooda iyo war moognimadiisa ayaa ku tiri “War miyaad waalatay , sow ma ogid in labo dowladood la kala yahay, meesha aad ku hadleyso ma garaneysaa?”.

Wiilkii oo hadalada Hooyadii la yaaban ayaa yiri “Ma garanayo, ee maxaa jira?”. Waxay u sheegtay inuu haatan ku sugan yahay meel aan laga ogoleyn hadalada uu ku hadlayo, waxaa gaari Taksi ah keenay Odeygii, waxaana si halhaleel ah loo keenay dhinaca ay Dowladda Federaalka ka taliso, wuxuuna Aabihii u raaciyey “Wiilkeygiiyow war ma ku siiyaa Safiir raadiskaaga ma garanayee, meeshaa ka timid u laabo, xaaladdaan war kama hayside”.

Sheekada kale ee la yaabka leh waxay ahayd markii nin laga soo masaafuriyey dal ka mid ah dalalka Yurub ayaa isaga oo reerkiisa ka qarinaya in la soo Tarxiiley wuxuu u sheegay reerka in uu Muqdisho u yimid sidii uu jago uga heli lahaa Dowladda Federaalka, markay ka dhamaatay kistii lacagta ahayd ee uu watay ayaa reerkii waxay ogaadeen in wiilkooda la soo masaafuriyey wuxuu sheekayana ay been tahay sidaasna uu ku fashilan yahay. Rag fara badan oo Yurub looga soo Masaafuriyey dambiyo ay galeen iyo isticmaalka Maandooriyaha ayaa Muqdisho yimid iyagoo sheegaya in ay raajicinayaan Safiirnimo.

Labo odey oo sheekeysanaya doonayana in wiil beeshooda ah u qalqaaliyaan safiirnimo isla markaana ninka doonaya safiirnimada uu la taagan yahay ayaa midkooda wuxuu kuwii kale ku leeyahay “Meel walba waan marnay, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha xitaa Wasiirkii ay beeshu ku lahayd Dowladda waan u tagnay dhamaantoodna waxay noo sheegeen in Safiiradii ay wada buuxsameen”.

Wiilkii ayaa aad u naxay isagoo intii ku sugnaa Muqdisho laga diirtay xoogaagii yaraa ee uu Muqdisho la soo galay ayaa Odyaasha isagoo ku adkeynaya in uu Safiirnimo u baahan yahay wuxuu ku leeyahay “Warkaas ima anfacayo ee orodoo laabta oo xitaa ii soo raajiciya in aan safiir ka noqdo Israa’iil hadaa wax kale weysaan”. Odayaashii inta ay naxeen ayay cagaha wax ka dayeen iyagoo leh “Israa’iil aa….Israa’ii aa….”.

Ugu dambeyntii qoraalkaan waxa igu dhaliyey markii qof kasta oo ka yimaada Yurub, Mareykan ama Carab oo dadkiisa markii la weydiiyey wuxuu u yimid ay sheegayaan in uu Muqdisho u jooga sidii uu u noqon lahaa Safiir, waxaana maskaxdeydu qaadan weysay oo mar kasta igu soo celisaa tirada badnida jagada safiiradaan iyadoo la og yahay Soomaaliya in ay tahay dal aan awoodin in safaarado tiro badan furtaan, waayo dowladaha horumaray ayaa soo koobay safaaradaha ay adduunka ku leeyihiin.

Shacabka reer Muqdisho ayaa dowladda ka codsanaya in ay caddeyso tirada safaaradaha ay dibadaha ku leedahay ee shaqeeya si loo ogaado mashruuca ay maalmahan ku qaraabanayaan dadka faraha badan ee ka imaanaya dibadaha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.