Home » Faallo »

Si aadan ugu Dhicin Dabinkii Majo-xaabiyey Farmaajo!

Nur Cilmi Xalane

Mudane Ra’iisal wasaare,

Marka hore Hambalyo, marka xiga, ku soo dhowow halkii loogu xiiray taliyahaagii. Waa waddo halaqu laasimo oo khatarteeda sida looga badbaado ay naadir tahay. Waa kuwa suntoodu ay degdeg wax disho, inta ay qabaanna tiro male, oo dhibanihii ugu dambeeyey adaaba goob joog ahaa.

Si aad uga badbaaddo in adna middida lagu saaro, waxad u baahantay inaad dib u daraaseyso sababaha dhicitaankiisa iyo halka laga qaniinnay. Waxa mudan inaad dib u eegto go’aamadii uu qaadanayey ee siyaasadeed, dhaqaale, maamul , millatari iyo bulshaba, is-weydiisana cidda ay u daneynayeen iyo cidda ay ganayeen.

Farmaajo waxa uu ku hubeysnaa oo qalbigiisa ka buuxay waddaniyad caadifadi ay ka buuxdo oo u diidday inuu darso oo faham dheer u yeesho, xaqaa’iqa ku weegaaran mushkiladdan xalkeedu cakirmay oo dhanna aan u socon. Waxa uu si fudud oo aan ka fiirsi badan la gelin u qaadanayey go’aamo tumaati- ya cadowga gudaha iyo dibadda ee la rumeysan yahay inay tahay salka mushkiladda.

Waxa uu ka tallaabso is-yiri khad casaana oo aan looba dhowaan, cidda u dhowaatana ay ka qoomameyso, kadib markii uu amarro siiyey kuwo uu tangiyadooda kaga gabbado weerarrada aan kala go’a laheyn ee lagu hayey xukuumaddiisa. Muusan hubin in mas’uuliyiinta kale ee uu xukunka sare kala dhaxeeyo iyo kuwa danaha siyaasadeed/dhaqaale ku le dalkaan, ay raalli ka yihiin is-beddellada uu waday, sida dagaalka lagu ekeeyey islaamiyiinta fogaaday ee Xamar uu kula dagaalamayey.

Ma laga yaabaa in cadowga dibadda iyo kan guduhuba aaney dooneyn in dagaalkuba dhamaado, si aan mashruuc u ahaanno- taasi waa fahamka Somaali badani ay qabto.

Runtii, Farmaajo ka fog nin garan waaya in mushkiladeennu ay tahay mid caalamiyowday oo in la furfuro ay u baahantay rag/dumar waddaniyadda ka soo bidhaantay Farmaajo leh, laakin lagu kaabo siyaasad diplomaasiyadeysan oo noo suuragelisa inaan si xeeladeysan u jebinno xeeyn-daabka la nagu ooday .

Haseyeeshee marka aad wax ku qaadato, dagaalka siyaasadeed, dhaqaale, maamul iyo millatari ee uu qaaday isagoon diyaar garoobin, waxay ku tusineysaa inuusan jirin biseyl siyaasadeed oo buuxa.

Gaas iyo Famaajo - June 26, 2011, Muqdisho

Waxa malaha ka libdhay maskaxdiisa inay abuurmeeny dhowrkii sano ee dowladnimo la’aanta kooxo iyo dowlado dano soo kala jeeda ku le dalka oo qiimaha ay doontaba ha ugu joogsatee ka go’antay inayan soo laaban dowlad xoogle oo awoodda dalka gacanta ku dhigta. Inay taasi jirtana waxa markhaati cad u ah, sida degdegga loogu damiyey iftiinkii yaraa ee ka soo ifay gacanta Farmaajo, iyadoo xoogga la adeegsady ay ugu badnaayeen kuwo magaca nala sheegta. Kacdoonkii aan raagin ee ka abuurmayna ciddii ugu horreeysay ee caburisay ay aheyd laamaha maamulka sare qaarkood oo ku sheegay sharcidarro. Ruqo ninkii lahaa ku fadhiyo waayo cidda kicineysaa.

Xukuumad madax bannaan kartaa ma jiri doonto inta taangi dal kale leeyahay uu amaanka mas’uul kaaga yahay, sidaa awgeed,waxa wax aan la fahmi Karin ah, sababta TFG-du ay ugu yaraan u sameysan la’dahay inay maalgashadaan ciidamo nabaddooda suga oo qarameed, si madaxweynaha dambe iyo ra’iisal wasarahiisuba uga badbaadaan in askari dal kale farta u taago amarna siiyo.

Mudane ra’iisal wasaare, waxan maleynayaa inaad leedahay aqoon iyo waayo-argnimo kugu filan oo aad ku garato xajmiga mushkiladda meesha taal iyadoo ay weliba ku saacidi doonto dhacdadii aad goob joogga u aheyd ee taliyahaagii asiibtay. Ka fogow inaad qaadato go’aan waaqaca ka fog, isku day inaadan waxba fahmin nacabka hortiisa, diblomaasiyad adeegso, caadifad u hadalna diiwaankaaga ka saar. Cod baahiyaha ha u badnaan, adeegso saraakiishaada hoose, oo iyagu ha sheegeen waxa aad dooneyso, garo cidda aad la macaamileyso. Waxa jira Uubato dharka Maqallada xiran. Aaminaadaada meel ha isugu wada geyn, qasadka ama ujeedadaada qari oo marna yaan lagu sii akhrin.

Dadka ku yaqaan waxay yiraahdaan waa nin waddaniyaddu ay ku fogaatay oo jecel inuu wax beddelo, laakin ogow waa halkii laga qaniinay taliyahaagii, oo lag raacay. Ninkaad dileyso ama dageyso waa leysu daadiyaa uusan kaa didine- waa xigmad wax ku qaadasho le

Nuur Cilmi Xalane
Contact: Warsan54@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Si aadan ugu Dhicin Dabinkii Majo-xaabiyey Farmaajo! "

  1. Waxaa Isweydiin muhiim ah mudan nuur cilmi xalane marka uu leeyahay Islaamiyiinta Fogaatay Maxuu dhab ahaatii maldahayey ?
    Hadiise aan si kale u dhigo oo aan waliba jeclahay sitoosa inaan nuur uwaydiiyo asaga aragtidiisa iyo aqoontiisa islaam nimada xagee lagu kala fogaadaa yaase lagu kala dhawaadaa ?

  2. xaqdoon says:

    farmajo wuxu xasuuqay shaacab marka darjo miyay noqotay in shacaab masakiin ah lalayo!!!!!!!!!!!!!!!Darajo xaalqado

  3. jawaab si aadan ugu dabinkii majaxaabiyey farmaajo

    Sida dadbadani rumaysanyihiin farmaajo qar iska tuur aan waxhubsan buu ahaa, xoogaaga geesinimadaa oo uu sameeyey xitaa, fudaydkiisaa ku aadiyey runtiina kama darin fudaydkaasi waayo waxaa caawiyey dadka soomaaliyeed oo ay soo kartay sumcad xumida ku habsatay oo loo jeedo in dhulkeennii annagoo sootaagan nalagala wareegirabo.
    farmaajo waxa ridey waa farsamoxumo haysey taasoo ayad inuusan taageero buuxda ka raadsan dhammaan dadka soomaaliyeed ee kuwada nool dhammaan dalka soomaaliyeed ee uu madaxa u ahaa mas,uliyaddana u hayey.

    muqdisho waa waxay ahayd caasimadda somalia waxaase sharafteedii iyo maamuuskii ay ku lahayd dhammaan dadka somaliyeed buburiyey qoomam iyo dad aan aqoon waxa layiraahdo qaranimo, madaxbannaani, magaalomadax,islaamnimo, caddaalad iwm.
    waxa uu ka amar qaadanayey farmaajo waxaas aansoo sheegay oo iyagu maanta dadkii soomaaliyeed matala mana ay aha dad raba in waddankeennii sharaftiisa iyo qaranimadiisii soonoqoto markaa farmaajo ta dhaaftay oo laga rabey waxay ahayd inuu dhammaan gobolloda soomaaliyeed tago oo kuwareego talo iyo tusaalaynna karaadsado illeen shacabka ayuu madax u ahaa uma ahayn kuwa jooga villa somalia oo yugandhaysku ku ilaaliyaane dagaal aadku baaqdo iyo waxoogay masruuf ah oo aad askar masaakiina oo aan tabarba lahayn aad siisay ma,aha oo kaliyah inaad dhammaan shacabka somaliyed kasbankartid
    gobonnimo, geesinnimo iyo kartiduba waxay kujiraan inaad horta nabadda ka shaqayso, inaad isku keento dadka soomaaliyeed iyagu colka isuwada ah.

    waxaa usoo jeedinahayaa raysalwasaarahan cusub inuu shaqadiisa ka bilaabo inuu isukeeno dhammaan dadka soomaaliyeed qabiilo kasta iyo beelkasta oo heshiis dhexdhigo haddii dadka soomaaliyeed ay heshiiyaan min Raskambooni ilaa Rascasayr oo ay noqdaan walaalo soomaaliyeed oo muslimiina cadawgoodu wuu jabi oo hungoobi aakhirkana iska tagi sidaas ayayna soomalia gobonimadeedii kusoo ceshan kartaa waana in la heshiiyo haddii aan diinta islaamka iyo muslinimadeenna run ka sheegayno

  4. halane taloo aad u fiican ayaad bixisay balse sxb farmaajo khayr allaha siiyo darajo u kororta maahine ma qabo in darajo seegtay waxaanan aamisanahay iftiinka uu iftiimiyey ayaanba la qiimayn karin marka aad ayaan uga mahadcelinaynaa taariikhda ayaanan wax helmaamin waa taas ta farmaajo waana ayaan daro in damiir laawayaasha waxay samaynayaan muxuu u samayn waayey lagu shalaayo maanta.
    raiisul wasaaraha cusub haduusan wadada farmaajo marayn oo uu sharkale wato allaha ku ekeeyo iyo intii mabda wanaagsan oo somaalinimo wadan
    ma filayo khayr ayaan ka rajaynaynaa balse saaxiib xalane ma haboona maanta soomalida dhibka haystaa waa wax aduunka oo dhan laga ogyahay
    sida aad tallada u muujinaysidna waa wixii somaalinimada halkaa dhigay guubaabo iyo tallo ta soomaali maanta u baahantahay ma in la yiraa waataqaan cidii dhibka kaa gashay ee qiyaano ula shaqay isuna kala daadi
    ma taagna maanta.somalinimo wadaniyad xaq wax lagu waayayna qiyaano lagu keenimaayo. masalooyinkaan aad isticmaalaysidna ogow maanta somaali cid wax loo fasirayo ma jirtee. ha la qiimeeyo soomaalinimada

    wa billaahi towfii

    mar