Home » Warar »

Mutamarkii 3-aad ee Denmark oo ka bilowday magaalada Aarhus

Shirweynahan Islaamiga ah oo sanadkiiba bishan oo kale lagu qabto magaalada Aarhus (Århus) oo ah caasimadda 2-aad ee dalka Denmark ayaa si habsami leh uga bilowday dalka Denmark.

Kulankan oo uu qabanqaabiyay ururka xiriirka Soomaaliyeed (Det Somaliske forbund) isla markaana ay ka muxaadareeyaan culumaa’udiin waawayn ayuu sanadkan hal ku dhegiisu yahay ”ISLAAMKU WAA HAB NOLOLEED DHAMAYSTIRAN”.

Waxaan culumadii iyo ducaadii ilaa iyo haatan ka khudbeysey ka mid ah Sheekh Maxamed Dayib oo degan magaalada Birmingham (UK) oo jeediyay muxaadaro uu hal kudhegeedu yahay ”Ujeedka islaamku ka leeyahay cibaadada” isagoo tilmaamay in cibaadada la’aanteed aanu qofku Alle ku xirneyn hadii uu ku xirnaanshaha gabana aysan xitaa dhadhan la yeelanaynin nimco kasto oo uu haysto isagoo tusaale usoo qaatay inay maanta badan yihiin dadka is dila (is miidaamiya) oo nolosha is dhaafsha iyagoo weliba haysta hanti aduun.

Waxaa sidoo kale ka mid ah culimada shirwaynahan oo ay kasoo xaadireen dadwayne aad ka hadashay Sheekh Cismaan Xaaji (Usuuli) oo degan London oo runtii jeediyay khudbo aad u qiima badneyd oo ay dulucdeedu ahayd ”Qoyska Muslimka ah iyo Qurbaha” kasoo uu ku jeexjeexay in badan oo ka tirsan dhibaatada haysata qoyska Soomaaliyeed ee qurbaha oo uu tibaaxay inuu u bayray dhanka dhaldhalaalka aduunyada oo ay si wayn uga murgaan laamaanaha Soomaaliyeed ee qurbaha taasoo meeshii ka saartay xusuustii Alle iyo aakhiro.

”Hadii hanti iyo nimco lagu siiyay micnhuhu maaha in dadka faqriga ah lagaa jecelyahay balse waa lagu imtixaanayaa” ayuu yiri Sheekh Usuuli oo sheegay unuusan jirin qof aan la jaribeynin (Fitneeyneynin).

Waxaa shirka isna ka hadlay Abwaan Barre Maxamed Fiidoow oo nin caan ku ah hal abuurka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo madasha ka jeediyay gabay Alle bari iyo qiritaan ah oo uu halku dhegiisu ahaa ”Asmaa’ul xusnaa” ama magacyada san ee Alle oo ka hadlayay sida uu Alle insaanka u abuuray. ”War gabayga igala tag ayay dadka qaarkood yiraahdaan” ayuu yiri Abwaan Barre oo dadka u sheegay in gabayga wanaagsani aanu ka hor imanaynin mabaadii’da uu islaamku taageerto.

Waxaa culimadii sharafta lahayd ee goobta ka khudbeysay isna ka mid ahaa Sheekh Axmed Naasir oo kuu dheerdaaday ”Islaamka iyo dhismaha qoyska” isagoo dadka ku booriyay sida ay aasaasi u tahay in laga fikiro dhismaha qoys islaam ah oo diin ku dhisan maadaama wixii ugu horeeyey ee aduunka la keenay uu ah qoys islaam ahaa kaasoo ahaa kii Aabe Aadam (CS) iyo Hooyo Xaawa isagoo ka digey qaabka inta badan maanta lagu xusho lamaanaha oo aan inaba waafaqsaneyn hal beegga ay taageersan tahay diinta diinta islaamku.

Sida ay ii sheegeen gudoonka ururka Det Somaliske forbund Sheekh Cabdi Casiis Mowlaanaa iyo madaxa gudiga qaban qaabada iyo howl wadeenka shirka Liibaan Ibraahim Salaad mu’tamarka ayaa socon doona mudo 3 maalmood ah hadii Alle ka dhigo isagoo bilaabmay 24-kii bishan oo ku beegan shalaytoole iyadoo ujeedka ugu wayn ee laga leeyahay uu yahay sidii dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha loogu sameeyn lahaa baraarujin islaami ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Århus, Denmark

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.