Home » Warar »

Wilaayada gobolka Gedo oo taageertay qodobodii ka soo baxay shir 5 maamlmood soconayey

Shir aan caadi aheyn oo ay wada yesheen xubnaha beesha reer garaad oo ka tirsan beelweynta mariixaan sida odoyaasha ,culumaudiinka ,siyaasiyiinta odoyaasha dhaqanka dhalinyarada iyo haweenka ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu doorteen nabad doon Guud oo ay beesh baha-garaad oo ka kooban 16 jufo yeelato .

Kulankaan lagu calemo saaray nabadoonka cusub isla markaana kii ka horeeyey uu joobjooga ka ahaa ayaa ka dhacay deeganka ceelCade oo ka tirsan Gobolka Gado .

Kulanka wada tashiga ah ka dib ayey beeshu soo saartay bayaan ka kooban dhowr qodob oo muhiim u ah isla markaana quseeyo arimaha hada ka taagan guud ahaa gayiga Somaliya gaar ahaana dadka reer Gado .

Ugu horeyntii waxa Shirka ka hadlay Waaliga dagmada ceelcade Sheekh adan shugri oo ku hadlay Magaca xarakada Alshabaab ee deegaanka ceelcade isaga oo soo dhawey nabadoonka la doortey ee Salad Cabdulle kheyr Maxamed wuxuuna kula dardaarmay in uu xilkiisa u gudo si ay ogoshahay shareeada islaamka isaga oo intaa ku daray in ay xarakadu si hufan ula shaqeyn doonto .

Ugaaska Beelasha sade ahna Afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood Ugaas Maxamed Weli sheikh Axcmed Nuur oo ka mid ahaa salaadiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo Sheekh Cabdulaahi Cabdi ciise oo mudo ahaa nabadoonka beesha goobtana ku aqbalay nabadoonka lagu bedelay .

Ugaas Maxamed Weli “Sheekh Cabdulaahi Cabdi ciise waa ninkii koowaad oo saldanad dhigay isaga oo raali ah kana qeybgalay dorasahda ninkii badali lahaa “Sheekh Cabdulaahi Cabdi ciise ayaa ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka ee Reer garaad isaga oo mudo beesha nabadoon u ahaa waxaana sidoo kale goobta laga xusay nabadoonada

waa soo dhaweeyeen iyaga oo bogaadiyey xilka loo igmaday waxayna ahayeen kuwo u duceeyey
Shir ay 5 maamood ka soconay ceel beesha reer Garaad oo laga soo saaray bayaan ay ku qoran yihiin qodobo kala duwan .

Ugaas Maxamed Weli ayaa ka codsay ragii madasha shirka fadhiyey in ay sare u qaadaan nabadoonka ay doorteen iyada oo la qiimeynayowaxaana nabadoonada codsiga aqbalay ay kala ahaayeen Sheekh Maxamuud macalin yuusuf ,sheikh Cabdulaahi Sheekh Adan ,Cali Axmed jaamac,

Nabadoon Maxamed Axmed dubad Indha yare ,Nabadoon Xasan Xirsi Ciise (xasan guciri) ,
Nabadoon cali Macalin Cabdi Geesey ( Cali xiis) Nabadon Maxamed Cali Ducaale beesha
( Afweyne Cali Ducaale ) ,nabadoon malin Maxamud Cabdi Muxumed Nabadoon Macklin Ibraahin ,nabadoon Macalin Cabdulaahi Nuur Adan
isaga oo markii la qaaday ka dib dardaaran u soo jeediyey nabadoonkii la doortay wuxuuna xusay in uu ku hogaamiyo sida ay ogoshahay diinta islamku dhanka kale wuxuu hadal gubaabo ah u jeediyey beesha reer garaad isaga oo ku booriyey in ay la shiqeeyaan nabadoonka ay ku caleemo saareen deegaanka ceelCade ee gobolka gedo

Ugaaska ayaa ugu baaqay in beelaha kale ee wax dooranayo ay doortaan dadka qiimaha leh ee yaqaano diinta iyo ku dhaqankeeda iskana dayaan odoyasha gaboobay oo joogo xiligii ay nasan lahaayeen aan la dhibin iyagana ,

Maxamed Weli “reer garad baa ku doortay,nabadoon reer garad ah ayaa tahay nabadoon mariixaan ayaa tahay ,nabadoon daarood baa tahay ,nabadoon Somaliyed baa taha aad ayey xeradaadu u weyn tahay anagaguna guud iyo wax qabad dhab ah ayaan kuu rajeyneynaa ayuu hadalkiisii ku daray

Ugaas Maxamed Weli ayaa nabadoonka la doortay kula taliyey in uu ka shaqeeyo midnimada dadka muslimiinta ah midniada reer garaad ,midnimada marixaanka,midnimada Somalida waa in uu si wanagsan uga shaqeyo .

Afhayeenka beelaha daarood ayaa dhanka kale ka hadlay xaalada guud ee uu kusugan yahay gobolka gado oo uu tilmaamay in uu yahay Gobol ay heystaan qeyb waxaa heysta isbaaraleydii gobolka u dhalatay kumana jiro hal nin oo aan oron karno aqlaaqdiisu waa wanaagsantahay ayuu si caro leh u yiri ugaas oo la hadlayey boqolaal dadweyne oo ka qeybgalayey doorasahda nabadoonka beesha reer garaad oo ka mid ah qabilka sade mariixaan “qolo walbo markii ay dagaal isugu noqotay waxay ogaatay in wiilsha ka mqan ay yihiin kuwii isbaaraleyda ahaa ee cuni jiray tubaakada ,sigaarka iyo jaadka .

Inta dalka ku soo duushay ayuu shegay in ay ka mid yihiin ajaaniib ka kala timid wadamada Ethopia .ugaandha , Kenya ,

Ugaas Maxamed Weli “waxaa waajib nagu ah manta in aan wada dhimano oo aan wada shahiidno waayo intaas oo dalka noogu timid wax naga dhaxeeyo ma jiraan dal iyo diin toona “Ugaas Maxamed Weli “Waxaan ugu baaqayaa umadda Somaliyeed dhamaanteed gaar ahaana Gobolka gado in aan dagaal galno waa gunimo waxaan oo kale ”

Bayaan ay beesha reer garaad ka soo saartay shir ka socday 5 ta maalmood ayaa waxaa uu u qornaa sidaan

1. Beeshu waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay allana ku mahadisay nimcoyinka faraha badan ee uu alle ku maneystay taas oo ay ugu horeyso islaanimada waxayn aku balanqaaday in ay dhinac istaageyso dadka muslimiinta ah si ay ugu gargaarto kitaabka ilaahey iyo sunada nabaiga NNKH

2. Beeshu waxay Go’aan ku gaartay in l ailaaliyo midnimada qaranka Somaliyeed wax kasta oo dhibaato ahna lagu xaliyo shareecada islaamka ,

3. Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan umadda somaliyeed in ay ka qeybqaataan Jihaadka lagula jiro gaalada kuwaas oo ku soo duulay dadka ,diinta iyo dalka

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo beesha reer Garaad ka wado meel kasta oo dunida ay uga nool yihiin dorashda nabadoonka ayaa waxaa soo dhaweeyey beesha inteeda kale waana arin uu u dhanyahay sade mariixaan oo dagaalo jihad ah ay ka jiraan qeybo ka mid ah Gobolka Gado

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wilaayada gobolka Gedo oo taageertay qodobodii ka soo baxay shir 5 maamlmood soconayey "

  1. mohamed says:

    sharaf iyo dadnimo wataaas, waxaan rajaynaynaa beelaha somalida oo dhan in ay ku daydaan beesha reer garaad, somalitalk waa page ay ka muuqato somalinimo aad uhufan iyo wadaniyad aysan lahayn pages-ka somalida intooda badan. allah garabkiina ha galo. ilaahna wadanka hayno hagaajiyo. N.B kamatirsani beeshaas, shabaabna kama tirsani lkn waxaan isku ekayn oo nin walba kala garankaraa nin xaqqa wada oo umada soomaliyeed kheyrka la jecel iyo ninka sharwadaha ah.