Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Dr. Gaas u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay C/weli M. Cali Gaas, waxana uu bedeli doonaa Maxamed Farmaajo. Goobtii magacaabista waxaa hadal ka jeediyey Shariif Xasan, afhayeenka Baarlamaanka DFKMG iyo Farmaajo. Waxaa kale oo goobta k ahadlay Mr. Gaas, ra’iisul wasaaraha magacaaban ee DFKMG. Hoos ka dhegeyso Khudabadahaas.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaas_jun2311.mp3]

“Waxaan taageerayaasha Dawladda ee qurbaha iyo kuwa gudaha ka codsanayaa in halganka meeshoodii ay ka sii wadaan, oo aysan niyad jabin,” ayuu yiri Mr. Gaas, oo khubadiisa kula hadlayey taageerayaasha DFKMG.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Mahiga, ayaa soo dhoweeyey magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, waxana uu Sheikh Shariif ku amaanay sida dhaqsaha ah ee uu u soo magacaabay ra’iisul wasaaraha, isagoo mahiga sheegay in uu dhawrayo in deg-deg loo ansixiyo ra’iisul wasaaraha magacaaban, deg-degna loo soo dhiso gole wasiiro cusub.

Ka hor khubadii magacaabista waxaa warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG  oo ku qornaa luqadda Ingiriisiga, kana soo baxay xafiiska wasaaradda warfaafinta DFKMG ayaa looga hadlay waxbarashadii Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Waxa kale oo DFKMG ay faafisay CV-ga ra’iisul wasaaraha cusub oo ku qoran Af-ingriisi.

Laga soo bilaabo shirkii Carta ee 2000 waxaa DFKMG soo maray 5 ra’iisul wasaare oo ku tegey khilaaf.

  1. DKMG (Carta): Cali Khaliif Galaydh: 8 Oct 2000 – 28 Oct 2001
  2. DFKMG (Nairobi): Cali Maxamed Geeddi: 3 Nov 2004 – 29 Oct 2007
  3. DFKMG (Baydhabo): Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde): 22 Nov 2007 – 12 Feb 2009
  4. DFKMG (Jabuuti): Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke: 13 Feb 2009 – 21 Sept 2010
  5. DFKMG (Muqdisho): Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo): 14 Oct 2010 – 19 Jun 2011

Warbixin: C/wali Maxamed Cali Gaas loo Magabaabey Raiisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG Soomaaliya

19-kii bishan ayay ahayd markii Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif uu damcay in uu Ra’isul Wasaare u magacaabo Wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/wali Maxamed Cali Gaas kadib markii la sheegay in uu ka biyo diiday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan taasina waxay keentay in dib loo dhigo magacaabistaa, waxaana bilowday kullamo looga tashanayey magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub, hase yeeshee maanta June 23, 2011 ayaa madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay C/wali Maxamed Cali Gaas in uu yahay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo ka hadlay xafladdii magacaabista Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in C/wali uu qalmo xilkaan maadaama uu horey Ra’isul Wasaare ku xigeen u ahaa, isagoo kula dardaarmay in xilkaasi Alle la garab galo, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mudada sanadka ah loo baahan in hay’addaha dowladaha ay si wadajir ah u shaqeeyaan si looga baxo dhibaatada dalka haatan ka taagan wuxuuna kula dardaarmey in uu soo dhiso Dowlad Tayo Wanagsan .

Waxaa xafladii lagu magacaabayey Cabdi weli Cali gaas ka Hadley Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan wuxuu sheegey in Gudoonka Baarlamaanka uu soo dhaweynayo Magacaabuist aCabdi weli sidoo kale wuxuu sheegey in Magacaabista Cabdi Weli uu qayb ka yahay Heshiiskii Kambala sidoo kale waxaa ka hadlkey Goobta Magacaabista Raiisul Wsaarah Hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sheegey in aad ugu faraxsan yahayn in Cabdi weli lagu bedelo , wuxuu kaloo uu sheegey in uu la sii shaqeyn doono Dowlada uu dhis doono Dr Cabdi weli.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo maalmihii ugu dambeeyey la tashiyo la sameenayey qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka, xildhibaanada baarlmaaanka iyo siyaasiyiin ayaa waxaa laga codsaday in xilkaasi uu u magacaabo C/wali Maxamed Cali Gaas oo la tilmaamay in uu yahay nin karti leh oo xilkaasi u qalma, isla markaana loo baahan yahay in Wasiirada uu soo magacaabi doono uu ku soo xulo habka ay Dowladda Federaalka ku dhisan tahay, waxaa la filayaa golaha wasiirada oo horey u ahaa 18 xubnood, in laga dhigi doono 23, wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Dowladda uu soo dhisi doono C/wali uu ku jiri doono Maxmed C/llaahi Farmaajo oo noqon doono Ra’isul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta.

Hadaba Ra’isul Wasaare cusub ee C/wali Maxamed Cali Gaas wuxuu xilka kala wareegay Ra’isul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isagu Ra’isul Wasaarenimada ku waayey khilaaf soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana la isweydiinayaa sida uu C/wali uga gudbi doono khilaafyada soo kala dhex gala labada Shariif oo hareeyey dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti, waxaana horey u tagay Cumar C/rashiid, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Farmaajo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warbixintii Shalay (June 22, 2011) hoos ka akhri…..

Shiikh Shariif oo Shaaca ka qaaday in uu Ra’iisul Wasaare u Magacaabayo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ay xal ka gaareen arrimo Fara badan oo ay isku haysteen oo ka dhashey Magaabista Raiisul Wasaaraha cusub iyo arrimo kale oo ku saabsan qaabka qaybsiga Golaha wasiirada iyo Xilalka kale ee ugu muhiimsan Dowladda Federaalka KMG, waxaana Xarunta Madaxtooyada saacadihii la soo dhaafey ka socdey Kulamo ay lahaayeen labada Shariif.

Shiikh Shariif ayaa Arbacadii Shaaca ka qaaday in uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabi doono Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo xukuumaddii hore ee Maxamed Caabdulaahi Farmaajo ka ahaa Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga.

Sheikh Shariif waxa uu magacaabistaas shaaca ka qaaday mar uu Arbacadii la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG oo ah kuwa ay tahay in ay ansixiyaan magacaabistaas. (Hoos ka dhegeyso hadalka Sheikh Shariif).

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cweli_magacaabid.mp3]

Waxaaana khamiis ah oo bisha ay tahay 23 Juun 2011 lagu wadaa in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu Raiisul Wasaaraha cusub si rasmi ah ugu magacaabo Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, sidaan ka soo xigey rag ku dhow dhow Madaxweynaha DFKMG.

Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa Wasiiradii ugu firfircoonaa Dowladi farmaajo ayaa Xildhibaano diiidey in magacooda la sheego ay noo sheegeen in laga yaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka mid Noqdo Golaha Wasiirada uu soo dhisayo Cabdi weli, waxay kaloo ay sheegeen in uu qaban doono Xilkii uu hayey Cabdi weli oo ahaa Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyadoo maalinkii uu iska Casilayo uu sheegey farmaajo in uu la sii shaqeyn doono Dowladda la soo dhisayo.

Madaweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa maalinkii uu iscasilayey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu isna daboolka ka qaadey in Farmaajo uu ka sii mid ahaan doono Dowladda Federaalka islamarkaan uusan naga dheeraan doonin taasoo dad fara badan u fasirteen in farmaajo uu ka mid noqon doono Golaha Wasiirada, hase yeeshee waxay su’aal ay ka taagan tahay sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan uu u aqbalayo in Farmaajo ka mid noqdo golaha Wasiirada cusub, maadaama arrimaha uu Shariif Xasan ka biya diidey ay ugu weynaayeen.

Raiisul Wasaarhii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa marka uu Xilka Raiisul Wasaaranimo ku wareejyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo Magaalada Muqdisho iyadoo Faramaajo uu maanta sagootiyey Dhamaan Shaqaalihii ka howlagalayey Xafiiskiisa iyo weli Taageerayaashiisa , waxaana la sheegey in uu u kicitimo doono Dalka Mareyakanka oo uu markiisii hore ka yimid.

Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas waa nin Caynkee ah ?

Cabdi weli Maxamed Cali gaas wuxuu dugsiga Sare ku dhameystey Magaalada Dhuuso Mareeb wuxuuna ka mid ahaa ardeydii ugu horeysey ee lagu furey Dugsiga Sare ee Dhuuso Mareeb sanadkii 1976-dii oo ka koobnaa Lix ardey waana markii ugu horeysey oo dugsi sare uu yeesho Gobolka Galgaduud, wuxuuna xilgaas uu la joogey adeerkii Cabdulaahi Cali Gaas, markii uu dhameystey Waxbarashadii Dugsigii Sare ayaa wuxuu ka mid noqdey ardey heshey Jaamacadda ummada Soomaaliyeed Qaybteeda Dhaqaalaha ka dib markii uu dhameystey ayuu ka mid noqdey Shaqaalaha dowlada Siddeetameeyadi ka dibna wuxuu waxbarashada jaamacadd qaybaheeda kala duwan ku dhameystey Dalka Mareykanka taasoo u saamaxdey in Macalin ka noqdo Jaamacadaha dalka Mareykanka ka dib waxaa u shaqeeyey Hayada UNDP, waana nin ka soo jeeda Maamulka Pundland , wuxuu haystaa Dhalashada Mareykana iyadoo waqtiyadii ugu dambeeyey uu Macalin Jaamacadeed .

Waxaa la sheegey in uu yahay Nin firfircoon oo daacad ah iyadoo dadka qaar ay sheegeyaan in uu ka sii wanaagsanaan doono Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, hase yeeshee dadka ayaa is weydiinayaa sida uu ula shaqeyn doono labada shariif, balse Shirkii kamabala ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ahaa in saddexda Masuul ee ugu sareysa aan laga keeni Karin wax Mooshin muddo Sanad ah taasoo ay sheegeen in uu kaga badbaadi karo labada Shariif.

Dowladda Kumeel gaarka ah ayaa ilaa shirkii Jabuuti ee 2000 waxaa soo maray 5 ra’iisul wasaare oo ku tegey khilaaf iyo is casilaad ama la casiley.

2001: Xaaladda iyo Nolol Maalmeedka Muqdisho

2004: Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka

Burburka Xamar: https://somalitalk.com/2004/sawiro/xamar2.html

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

###

Aflaanta anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le’eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Sheikh Shariif oo Dr. Gaas u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG "

  1. Abdirisaq says:

    Check and balance waa shaqada baarlamaanka, waana sax oo waa shaqada uu qaranka u hayo.
    Goormaase u dambaysay hawl dawladeed oo baarlamaan la horgeeyo.
    soo lama xirin baarlamaankiba muddo inti ahba furihina nin keliya jeebka ma gashan oo madaxweynihi oo dacwo loo haysto muusan geyn dal shisheeye oo ku handadin in doorasho la qabanayo ama inuu eryo xukuumadda si sanad loogu daro. oo ku qasbin inuu saxiixo in uu eryo raiisulwasaaraha iyo sababtuna tahay asaga oo aan la shaqayn karin.

    Sharciyan baarlamaanku waa in uu diidaa wax kasta oo xuukuumaddu usoo gudbiso oo aysan sharciyeyn, haddi aysan waafaqsanayn dastuurka iyo danta umadda Somaliyeed. waana inay ansixiyaan oo sharci ka dhigaan wixi dan ugu jirto dalka iyo dadka Somaliyeed ee xukuumaddu usoo gudbiso, ayagoo mar walba la eegaya dastuurka dalka iyo shuruucda gaarka ah ee tilamaamaya waxa laga doodayo. Sidoo kale la xisaabtan iyo faahfahin arrimo jira oo adag ayuu baarlamaanku ugu yeeri karaa xukuumadda, haddii uu jiro qalad weyn oo ay xukuumaddu gashayna ama arrin adag oo saameyn ku yeelanaysa nabad gelyadaqaranka ama dhaqalaha noloshadadka amaxirrirka dalku caalamka laleeyahay oo dadku raalli ka ahaynna codka kasoonida ayaa baarlamanku u qaadi karaa raiisulwasaraha iyo xukuumaddisa sidaasna ku ridi karaan ama ku oggolaan karaan inay shaqadooda sii wataan.
    Marka laga reebo go’aamada xukuumadda ee la horgeeyo baaralaaanka si uu u ansixiyo ama u diido ayadaoo uu shirguddominayo afhayeenka ama labadiisa kuxigeen haddi ayagu shaqo ku kala maqanyihiin. Mudane xujaale waxan leeyahay maxay tahay shaqo maalmeedka intaas aan kor kusoo tilmaamay aan ahayn ee guddomiyihu ku leeyahay xafiiska raaisulwasaaraha ama xukumadda kala dhaxayn karta iina soo sheeg meesha ay uga qorantahay shuruucda dalka iyo dastuurka oo aanu kula shaqyn karin ama kula shaqyn karo asagu xukuumadda ama sharciga oggolaanaya inuu asaga ama asaga iyo madaxweynuhu casili karaan oo ku heshiyaan sidaas oo saxiixaan..

  2. Xujaale says:

    Walaalka kore waxaan leeyahay dowlada guud ahaan wada shaqeyn ayaa ka dhaxeysa, xukuumadana gaar ahaan barlamaanka shaqo ayaa kala dhaxeysa oo arrintaas yeysan kaa hoos bixin, because wax check and balance ku sameeya ha’yada dowlada aysan jirin, jaantaa furan ayey wax kastaa noqonayaa, waana tan keentey khilaafka xukuumada iyo barlamaanka. Anigana waxaan qabaa ninka la yiraahdo Farmaajo ayaa masuul ka ahaa inuu kasbado xubnaha barlamaanka xitaa haddi gudoomiyaha barlamaanka laga tago faragalintiisa.

    Dhowr jeer ayuu si aan gambad laheyn meel uga dhacey barlamaanka guud ahaantiisa. waa tan keentey in kursigiisa gorgortanka soo galo bedelkii doorashada madaxda sare ee dowlada la aadi lahaa. Taasina waxay noqotey option kale oouu shariif xasan ka gadi karo xubno barlamaanka iyo saaxiibadiisa barlamaanka.

  3. Abdirisaq says:

    Mudane Cabdi weli waxaan leeyahay hambalyo, Allaha kuu fududeeyo xilkaada. Kolley meeshaan laba nin oo madaxweyne iyo raiisulwesaare ah oo nabad muddadi xilka ku wada dhammaystey oo sharaf ku wareejiyey ma hayno oo waa taas shaxda korkeenna ku qoran aan aragno.

    Waxaan isweydiin lahaa suurto gal ma tahay intaan oo madax ah midna xilligiisi inuusan dhammaysan si nabad ah. Muddo yar gudaheedna ay isntaas oo madax ah mid waliba asagaoo careysan uu meesha ka baxay.
    Ma wada qaldanaan karaan dhammaantood. Jawaabtu waa maya.
    Haddaba xaggay wax ka qaldanyihiin.

    Tusaale kii ugu dambeeyey aan u qaadanno sidi wanaagsanayd ee asaga iyo madaxweynaha iyo asaga iyo wasiirradiisu u wada shaqaynayeen. Asagi iyo madaxweynihi oo ah ruuxa shaqo maalmeedka maalinlahaah kadhexeeyey oo aan marna is khilaafin wasiirradiisina ay garab taaganyihiin ayaa la yiri guddoomiyaha baarlamaanka ayaan kula shaqaynkarin ee degdeg xilka u tiri sidaasna madaxweynaha iyo guddomiyaha baarlamaanka ayaa ku hehsiyey si khilaaf ayaga dhexdooda ah loo xalliyo.

    Maxaa isu keenay guddomiye baarlamaan iyo raiisulwasaare waa su’aale, raiisulwasaaruhu wixi xukuumaddisu keento oo shurruc ama hindise shaqo ah oo ay soo jeediyaan baarlamaanka ayaa la horgeeynayaa baaralaamnakuna waa oggolaadaa ama diidaa oo ku celiyaa xukuumadda.
    maxaa shaqo gaar ah ka dhexeeya guddomiye iyo raaisulwasaare oo ayna ku wadashaqayn karin waa yaabe.
    Mid waliba waxa uu keeno madaxweynaha ayuu la aadaa oo raaisulwasaarahana wixi uu qabanayo madaxweynaha ayuu ku wargeliyaa inttusan baarlamaanka u gudbin, baarlamaankuna wixi uu diido ma ahee wixi uu ansixxiyo madaxweytnaha ayuuu gudbiyaa si uu u saxiixo oo sharci qarameed u noqoto.

    Waxaa meesha ka cad haddii xataa la waayo qiil kale oo lagu burburiyo dawlad dhisan ee Somaliyeed; in tan oo kale la keenaayo, oo laba qof oo aan shaqo toos ah ka dhexeyn la leeyahay waa wada shaqayn waayeen, oo hadba ruux lasoo salladay oo diran oo dano fulinaya qoorta loo gelinaayo dawladda si ay khilaaf iyo isqabqabsi madaxa ula gasho, kaddibna dibedda looga yeero oo loo eryo midkood, kan kalena in yar kaddib looga daba geeyo. Somaliyana ay weligeed ku jirto uun kow kasoo billoow ( back to square One).
    Waxaan shacabka Somaliyeed ku baraarujinayaa in aad indhaha loogu hayo arrimuhu meesha ay ka socdaan iyo cidda mar walba loo adeegsanyo khilaafka aan dhamaan ee madaxda si lo ogaado meesha ay ka soo afuufmayso fitnada aan dhamman ee dalkeennu ka degi waayay 20 sano oo na dhaaftay.

  4. Xujaale says:

    Professor ama aqoonyahan qurbo joog ah naguma cusba, dhamaan inta kor ku wada xusan waa wada professors marka korneelka laga reebo, marka aniga oo aysan iga aheyn xumaan waxaan hubaa in ay wadii ay mareen kuwii ka horeeyey uu mari doono anigoo u sababeynaaya dadka ay shaqada kala dhaxeyso oo ah dad aan u qalmin in shaqo dowladnimo mudneyn. waana marka hore in 2da shariif ay ummada ka hortagaan whatsoever, barlamaankuna meesha baneeyaan. Haddii intaas la waayo aqoon ayaa lagu soo xuley ama waa Phd holder ama waa nin sumcadiisu fiican tahay intaas oo dhan ma shaqeyneyso ilaa isbaaroleydaas ummada ka hor wareegaan oo ay meeshaas ka baxaan.

  5. kamaal says:

    Dowlada kmg ah ayadoo dhiman rabta ayuu farmaajo life support ku xiray markii la arkay inay soo noolan rabto ayaa laga siibay life supportigii hadana waxay saran tahay miiska qaliinka waxaana dhaqtar ka ah ama suergen sidaad u taqaanan Indhacade, waxaa assistance suergen ka ah shariif sakiin waxaa medicenka u qoraya Madaxamed dheere waxaa Nurse u ah sheekh shariif sheekh ahmed waxaana advicer u ah faroole marka dowlad wax la yiraa meeshan ma jirto ee nin walba arigiisii haku noqdo.

  6. cali says:

    Waxaan u maleeyey in xasan abshir laga ilaaway, markaan warka akhriyay mar labaad waxaan fahmay waxa laga hadlayaa waa raysulwasaayashii la kulmay khilaafka laga soo bilaabo carta.

  7. Mr Gaas habalyo marka hore waxaan kuu rajaynayaa guul, Viva Soomaliweyn.

  8. Bilqeyr says:

    Asc. waad salaaman tihiin somali talk.com

    salaan kadib hadaan fikradeyda idin soo gudbiyo waxay ila tahay in uusan la shaqeyn karin ra’isalwasaare lamagacaabo ha xumaado ama ha fiicnaado sababtoo ah barlamanka ayaan wax laga wadi karin haddii uu wax qaban lahaa marka waa iska cadahay in aan la rabin somalia in ay dhisanto ama ay dowlad xasiloon yeelato kii daacad ah jalaafa loo dhigaa kii qas wadaana korbaa loo qadayaa magaciisa waxa la arkay ra’isalwasaare fiican oo lawada amaanay qadka ayaa laga saaray waxa la arkay madaxweyne fiican cadawgiisa ayaa ka badan marka qof aan la arag wax qabadkiisa ma sheegi karo siduu ku danbeyn doono laakiin farmaajo ayaa lawada amaanay mana umaleynayo in farmaajo booskiisa uu soo fadhiisan doono inkastoo aqoonyahan uu yahay

    waxa jirto in hal qof kaliya uu wadan dumay dhisi karin haddiise dowladdoo idil garabkiisa taagan tahay wax waa qaban karaa asagoo adeegsanayo aqoontiisa lakiin haddii waqti loo xisaabiyo oo laga soo daba qeyliyo wax uu qaban karaa ma jiro waa in waqti dheer la siiyaa kadibna wax lala qabtaa markaas waxii ka danbeeyo ayaa la sheegi karaa waxtarkiisa.