Home » Warar »

Ururka SOWJ-GROUP oo Gabdho Suxufiyiin ah u soo gabagabeeyey Barnaamijyo Dhinaca Nabadda ah

Bilooyinkii la soo dhaafey Ururka Suxufiyiinya Haweenka Soomaaliyeed ee Sowj-Group wuxuuu waday Siminaaro , Dood Cilmiyeed iyo Tababaro la siiinayey Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed kuna aadan sida Suxufiyiinta looga baahan yahay in Dalkooda Nabad ku soo dabaalaan , waxaa ururka mar kasta Howlahaas gacan ka siinayey Hayadda Somali Peace Line waxaana Maalintii Axadda ahayd la soo dhaafey ururka Sowj-Group uu qabtey dood Cilmiyeed waxaana loo qabtey Tifafatirayaasha Idaacadaha , Wargeysyada iyo Web-site-yada waxaana laga doodey sidii Warbaahinta uga qayb qaadan lahayd Nabad ka dhacda Dalka maadaama maalmahaan dambe Warbaahinta looga bartey in ay buun buuniyaan Colaadaha.

Halkan ka daawo sawiro

Dood Cilmiyeedka ayaa gabagabadii waxay Qaybihii warbaahinta ka qayb galey ay isku raaceen in ay Xooga saaraan Dhinaca Nabada iyo sidii loo siideyn lahaa Barnaamijyo la xiriira Nabada , waxay kaloo ay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya ay Diirada saari doonaan Nabada iyo dib u heshiisiinta waxaa Warbaahin kasta loo direy in ay diyaariso Barnaamijyo la xiriira nabada taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyey Bahda Warbaahinta iyadoo dooda uu xiriirinayey Ustaad Cabdiqaadir Barnaamij . sidoo kale waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiintii ka socotey Peace Line iyo Ururka SowJ-Group

Maanta ayaa waxaa Xarunta Nakadsa lagu qabtey Xaflad ku saabsaney sidii Gabdhaha Saxafiyiinta loogu dhiirigelin lahaa ka qayb qaadashada Nabada waxaana ka soo qabgaley Gabdho suxufiyiin ah oo tiradooda gaareysey 25 Xubnood waxaana ugu Horeyntioi halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Sowj-Group Raxmo Isaaq Aadan ( Babelmo) oo sheegey in intii ururku dhisnaa uu qabtey Howlo fara badan oo la xiriira sidii haweenka suxufiyiinta loogu baraarujin lahaa ka qayb qaadashada Nabada , waxay sheegtey in ay qabteen Mudadii u dhaxeeysey 2010-2011 Barnaamijiyo isugu jirey Siminaaro , Dood Cilmiyeedyo iyo Tababaro ay sheegtey in ay siinayeen Gabdhaha Sxufiyiinta si kor loogu qaado Aqoontooda iyo u ololeynta Dhinaca Nabadda

Barnaamijyadaas ayaa intii ay socdeen Waxaa Macalin ka ahaa Ustaad Maxamed Amiin Daahir oo si aad ah ugu dheeraadey doorka Haweenka Suxudiyiinta ay ku leeyihiin Nabada isagoo sheegey in wadamo fara badan oo nabad ka dhalatey ay gacan ka geysteen Haweenka , wuxuu kaloo uu sheegey in Gabdhaha Suxufinnta Soomaaliyeed looga baahan yahay in La tartamaan Ragga Marka ay timaado dhinaca Aqoonta

Ugu dambeyntii Waxaa Barnaamijyadaas soo gabagabeeyey Axmed Diini oo ka socdey Hayadda Peace Line oo ugu horeyntii u mahad celiyey Ururka Sowj-Group oo uu sheegey in uu qabtey howl Muhiim oo la xiriira sare u qaadida Gabdhaha Suxufiyiinyta Aqoontooda , wuxuu kaloo uu sheegey in Gabdhaha looga baahan yahay in ka shaqeeyaan Dhinaca Nabada iyo dib u heshiisiinta waayo Haween aan ka dhexmuuqan Nabada iyo Dib u heshiisnta wax miro dhal ah lagama gaarayo waxaa gabagabadii halkaa lagu gudoonsiiyey Shahaadooyin Saddex Gabdhood oo kaalin Muuqatay ka qaatey Dhinaca Nabada ka dib markii ay Xarumaha ay ka shaqeeyaan ka hirgeliyeen Barnaamijyo inta badan ka hadlaya Nabada waxayna Gabdhahaas kala ahaayeen Faadumo Cabdi Warsame oo ka shaqeysa Radio Danan , Nasro Cabdi Bakaal oo ka shaqeysa Raadiyaha Codka Nabadda iyo Farxiyo Maxamed Khayre oo ka shaqeysa Radio Shabeelle

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.