Home » Warar »

Aragtiyo kala Duwan oo Shacabka Muqdisho ay ka bixiyeen iscasilaadii Farmaajo

“Waxay ahayd in uu raaco Rabitaanka Shacabka haddii aan ogaan lahayn in uu iscasilayo wallee uma bannaan-baxneen” Faadumo Muuse….

“Farmaajo waa ku balan furey shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo Dibadiisa,” Macalin Isxaaq Xuseen Maalin…

“aniga waxaan qabaa in farmaajo uusan iscasilin balse la casiley,”  Dr Cali Kaahiye Cali

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ay sameeyeen Banaanbaxyo looga soo horjeedo in uu iscasilo Raiisul Wasaarihii hore ee DFKMG Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa markii ay maqleen in uu iscasiley  Farmaajo ayaan waxaa bilaabey in aan uruuriyo aragtidooda ku saabsan Iscasilaada waxayna dhamaantood ka sinaayeen in ay aad uga xumaadeen iscasilaadiisa , qaarkood waxay sheegeen in soomaaliya waxa ay ka degi la’adahay ay tahay wax loogu yeerey beesha Caalamka.

Macalin Isxaaq Xuseen Maalin oo ka mid ah Bahda waxbarashada oo aan wax ka weydiiney sida uu u arko iscasilaada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna yiri” aad baan uga xumahay in Farmaajo uu tixgelin waayey Rabitaanka Shacabka oo u dhigey Banaanbaxyo ay ku dhinteen shacab, hanti fara badan ay ku luntey , waxay ahayd in uu dhagaha ka fureysto beesha caalamka oo wadankaan aan u ahayn wax tixgelin ah iyo soomaaliya dhibaatada ka baxdo  waayo waxay dhageysan lahaayeen  rabitaanka shacabka,  marka farmaajo waa ku balan furey shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo Dibadiisa.

Faadumo Muuse oo ka mid ahayd Haweenkii qaybta ka qaatey Banaanbaxyadii looga soo horjeedey iscasilaada Farmaajo ayaan waxaan wax ka weydiiney sida ay u argagto iscasilaada Farmaajo waxayna Tiri:

“Waxay ahayd in uu raaco Rabitaanka Shacabka haddii aan ogaan lahayn in uu iscasilayo wallee uma banaanbaxneen, marka waxay ahayd in uu diido  Beesha Caalamka iyo Uganda Xitaa haddii uu ku mudanyo , Dil , Xarig , Hanjabaad iyo Masaafurin , waxaa uu noqon lahaa Geesi isagoo difaacaya Qaranimadiisa iyo Rabitaanka Shacabka sidaa layeelo  , Taariikhdana way Xusi lahayd laakiin wuxuu qaatey waxa ay beesha caalaka rabtey wuxuuna diidey Rabitaankii Shacabka Soomaaliyeed”…

Xuseen Barre  Cali oo ka mid ahaa dhalinyaradii aad u taageersaney in aanu  iscasilin Farmaajo ayaa isna yiri” Inkastoo aan Taageersanaa in farmaajo uu Xafiiska sii fadhiyo hadana waan ku taageersanahay in uu iscasilo waayo waxaan ogaaney Saaxiibkeen iyo Caddowgeeenna marka , beesha Caalamka markii hore waxaa islahaa waxay doonayaan in soomaaliya ay ka baxdo dhibaatada balse waxaa ii soo baxday in aysan rabin in soomaaliya ay ka dhalato Dowlad shaqeysa marka waxaan leeyahay soomaaliyeey isku tashada oo ka digtoonaada Dhagaraha Qaramada Midoobey , Igad iyo Dowladaha Itoobiya , Uganda , Kenya Burundi iyo kuwa kale oo aan ogaaney in ay yihiin Caddowga Koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed”.

Dr Cali Kaahiye Cali oo ka mid Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiiney aragtidiisa ku wajahan iscasilaada Farmaajo ayaa waxaa uu yiri” Shacabka ha ogaadeen in Farmaajo uusan isku casilin Khilaaf kala dhaxeeyey labada Shariif arrinka waa ka weyn yahay midaas aniga waxaan qabaa in farmaajo uusan iscasilin balse la casiley waxaana aka mid ah arimaha loo casiley isagoo bilaabey in uu la xisaabto Qaramada midoobey iyo ururada kale ee Calaamiga , wuxuu wax ka qabtey Masuqmaasuqii ka jirey Dowladda Dhexdeeda , isagoo u bilaabey Mushaar Ciidamada qalabka sida , Guulaha ay gaareen Ciidamada Dowladda , isagoo soo xushey Aqoonyahano doonaya in soomaaliya dhibaatada ka baxdo , isagoo diidey shirkii ka dhacay Nairobi iyo isagoo shirar uga baxay Maamulada ka jira dalka intaas arrimood oo is biirsadey buu Farmaajo Xilkiisii ku waayey marka waxaan shacabka u soo jeedinayaa in ay tashadaan oo ay iska ilaawaayan waxa loogu yeerey Beesha Calaamka”

“Aniga wixii haatan ka dambeeya waxaan taageeradeyda u wareejinayaa dhinaca Xarakada Al-Shabaab waayo waa dad Maya yiri in wax loo meeriyo kana soo horjeeda waxa la yiraahdo Beesha Calaamka oo aan marnaba dooneyn in soomaaliya dhibaatada ka baxdo marka iscasilaada Farmaajo waxaa aan aaminsanahay in Taaageero Far badan ay ka helayaan Xarakada Al-Shabaab  waayo dadka taageersan Xarakada Al-Shabaab waan ka soo horjeedi jirey oo waxaan dhihi jirey war dadkaas waxba nooma hayaan ee aan taageerno Dowlada Faderaalka maanta waxaa ii soo baxay in dadkii taageersanaa Al-Shabaab ay iga saxsanaayeen marka waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed jn ay Taageeradooda u weeciyaan Dhinaca Xarakada Al-AShabaab” ayuu yiri Yuusuf Diini Maxamed oo ka mid Ciidamada Dowladda Federaalka.

Jaamac Cali kediye oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka oo isna wax ka weydiiney sida uu u arko Iscasilaada Farmaajo wuxuuna yiri “ Shaley waxaan Soomaaliya Dowladnimada u diidanaay Miles Zanaawi oo muddo 20 sanno ah na hortaagnaa markii aan ka hornimid Fikaradihiisa Guracan ayaa waxaa Isteerinkii la wareegey Musafini oo aan naga dhaxeenin wax Xuduud ah marka waxaan leeyahay Musafini wadankaan waxaa uu soo marey Dibandaabyo iyo Dhagaro Fara badan waxaa ugu horeeyey Duulaankii Ciidamadii Mareykanka hor kacayey iyana Ilaah baa Fashilyey , Waxaa qorshiihii diban daabyada loo weeciyey Hogaamiye kooxeedyadii iyana Ilaah baa Fashiliyey , waxaa ku xigey Ciidamadii Itoobiya iyana qorshahoodii Ilaah baa Fshiliyey marka waxaan Aaminsanahy in Uganda iyo Burundi ay mari doonaan Wadadii Fashilka marka waxaan leeyahay Shacabka soomaaliyeed ka digtoonaada kuwa aan marnaba aan dooneyn in soomaaliya ay hesho Nabad iyo Dowlad adag”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Aragtiyo kala Duwan oo Shacabka Muqdisho ay ka bixiyeen iscasilaadii Farmaajo "

  1. Maxamed says:

    Waan idin salaamay bahweynta soomaliyeed meel walba ay joogaan.

    Anigu waxaan qabaa in ay dhibaatada u wadankeena ku jiro bilow iyo hada ay ka masul yihiin soomalida, waxana dhibatadan ka saari kara soomaalida iyo ilaah o ay weydiistaan caawin.

    Hadan misaal kaaga soo qaado intaan soomaliya dagaalka ka dhicin waxaan xasuustaa in trafic light ama nalka zaxmada ilaaliya in qof soomaliyeed u inta dhagax u qaata nalkii jabiya, sababna uga dhigo in ay dowlada markaa jirtay ay leedahay nalka.

    Waxaa iigu xigtay markii dagaaladi sokeye ay dhaceen in nin Kenyan ah markii uu arkay soomali badan oo wadankiisa soo galeysa u yiri “ma soomaaliya oo waligen himigeenu ahaa in aan gaarno, in maanta ay qaxooti wadankeeni ku noqdaan waa wax lala yaabo”.

    Waxaa iigu xigtay markii an arkay dhalinyaro ayagana kasoo cararay dagaalkii lagu af ganbiyey mingisto in ay maalintii danbe i sheegen in ay ku laabanayaan wadankoodii. Marka waxaan weydiiyey o wadankiinii soo dagaal kama socdo, waxayna igu yiraadheen xafiiskii mingisto qalinkii iyo waraaqdii sideedii ayuu u yaalaa.

    Micnaha an sedexdaas masaal usoo qaatay waxay tahay in hadii aan nahay soomali ay nagu yartahay wadani nimada, taasi waxay dhalisay in 21 sano oo lasoo dhaafay in somaaliya iyo soomaalida ay jaahwareer ka bixi la’yahiin.

    Hadii an u soo laabto faro galinta shisheeye in taasi wax shaki ah aysan ku jirin. Wadamada horay u maray haka lahaadaan dan ee waxaa ugu daran in wadamo dhaqaale iyo cilmi aan ku dhereen dan hakaa lahaadaan, taasi micnaheedu waxaa weeyaan jab oo u jab mid aan waxba ku dhaamin.

    Waxaan anigu qabaa xalka soomaaliya in uu ku jiro in soomalida dhamaan si wadani nimo ah in ey dadkooda iyo dalkooda ugu adeegaan.

  2. abdirahman says:

    Runtii dadka Somaliyeed wax badan ma fahansana, gaar ahaan ma fahansana dhagarta gaalada. Wadamada dariska la ah Somalia sida Kenya, Ethiopia, iyo kuwa kale ee aan xuduuda la lahyn waxay doonayaan in somaliya aysan marnaba yeelan amni iyo kala danayn cidkasta ka maamusho. Isla markaasna soomalia la isu bahalo galiyo oo la kala fogeeyo. Waligeen waynu ogeyn in dowlada ku sheegu tahay gacan ku rimis reer galbeed wadato oo aan marnaba ku salaynayn dano somaliyeed. marka xaqiiqda loo yimaado somalia kooxaha ka jira al shabab ayaa ugu saxsaxan. Sababtu waxay tahay waxay diideen in Keyna, Ethiopia, Uganda iyo America ay wax u yeeriso, isla markaasna ay amaan ka dhigaan meelaha ay maamulaan.

    Sidoo kale, waxay wax weyn ka qabteen qabyaaladii somalia dhextiilay.
    marka aynu shabaabka taageero, haddii kale, waligay gumaysi iyo dabadhilif, xoogaa lacag ah qaata baa hadba mid la inoo dhiibayaa!.

  3. Farah says:

    Marka aad dib u eegto sawirka dhabta ah ee somaliya iyo nabaarada ka muuqda, waxaad ogaanaysaa kuwaooda ugu culculus in ay Somalidu isku dhifteen, cadaabta geeri baa ii kaday ayaa la yiri: Mlez, Musefeni iyo Mahiga meesha ma yimaadeen haddii somalidu garanayso waxa dadka dad ka dhiga, waxaanse ogaadey in ay somali u tahay qomiyad aan garanayn sida ay noloshooda u rabaan waana tan noo keentay jawahareerka aan ka bixi la’nahay, nabarka ugu daran wuxuu ku yaal shacabka Muqdisho oo maalinba Shaati cusub usoo gashadaan kuwa diirka uga eg oo ku beer laxaysada qabiil, uuna cadowgu ka dhigtay maqaalintii Kallluunka lagu soo dabi jirey.
    waxaan soo xasuustey Gabaygii Abwaanka Alla ha u naxariistee: Khaliif Sh. Maxamuud: uu yiri : (Sokeeye isu daran daalin waa ugu dugaalaa) !! somalidu waa sokeeye isu daran waa xaqiiq!
    Ogaada inta Ra’yigiinu ku xiran yahay Beeshaya sidaas ayaad ahaan doontaan ilaa aad waxa aad jeceshahay la jeclaato walaalkaaga ama dhiig ama dhaqan aad wadaagtaan waana Xadiis Nabawi ah(NNKH).

  4. Abdirisaq says:

    Aniga iyo Somali aad u badanba waxaan ogahay in aan ka xumaannay iscasilaaddii raissulwasare Farmaajo iyo sida meesha looga saarey labadaba.
    Waxaanse ugu cudur daaraya ninkaasi madaama ciidanki loogu talo galay in ay Sonmali ka caawiyaan in ay dawlad xor ah oo nabaddeeda iyo dawladnimadeeda dib cagaheedaa isugu taagto ka kaalmeeyaan oo ayagu haystey hubka jugta culus sida madaafiicda iyo tankiyadu ku hanjabeen in ay awood ku maquunin doonaan masuuliyiinta dawladdi la rabay inay xoojiyaan ama ku hanjabeen inay ciidankooda dalka kala baxayaan si degdeg ah haddi warkooda la diido.Taas oo la ogyahay labda jeerba inay dhabar jab ku tahay guushi ay ku faanaysay dawladda raiisulwasaaraha uu ka yahay Farmaajo iyo ciidanka curdunka ah ee XDS.
    Waxaa khasab noqotey kol haddi gobonnimo in lo wada dhaqmo meesha ka baxday nin kastana awooddiisa iyo wixi uu meesha keenay si aad ah ugu gorgortamay, shacabka Somaliyeed iyo xukuumaddi ay tageerayeenba waxay noqdeen kuwo aan haysan wax ka badan niyad sami iyo waddaninimo aan awood ciidan iyo xiriir caalami ah oo siyaasadeed oo lagu difaaco aan lahayn.
    Caalamki aan taageerada ka sugaynnayna kollay wuxuu door biday dawlado ayaguba meesha danahooda ka dhex fiirsanaya oo ilaashanaya inay wax kasta noo soo mariyaan taladana ayaga keliya ka dhagaystaan oo wax noogu qaybiyaan.dee annagu option kale ma haysanno.

    Waxaan kale oo maskaxda qof kasta oo Somaliyeed gelin lahaa marka Dawlad ku meel gaar ah la sheego waxaa caalamku ku doodi karaa in xukuumadda Muqdisho joogtaa aannu soo dooran shacabka Somaliyeed oo gobollada iyo caasimadda markaa aysan ku doodi karin mid matasha dadka Somaliyeed, sidoo kale awood ciidan oo ay ku daboosho meel kasta oo dalka ka mid ah oo ugu taliso nabdgelyada iyo nadaamki dawladnimo ku hergelisana weli ma yeelan,gobollo Somaliya ka mid ah ayaa sheeganaya madaxbannani buuxda iyo madaxbannani heer dawlad goboleed ah oo an ayagu muqdisho u hoos imaan sugidda amnigooda, maamulka dawladahooda gaarka ah iyo difaacodaca xuduudahooda midna.
    Markaa maadaama dawladdani ay gebigeedba tahay mid ka dhalatey kulamo ay soo qabanqaabisay,malgelisay 100% isla markaasna ay biileeyso xildhibaannadooda iyo dawaddodaba beesha caalmku, haddaba in xukuumaddu isla mar keliya u dhaqanto sidi dawlad isku filan oo goaankeeda u madax bannan waa wax aysan ka yeeleyn dawladihi iyo hayadihi caalamiga ahaa ee intaas qarash iyo hawlgalba isku mashquulinayay dalkaan danta ay donaanba haka lahaadaan ayaguye.
    Somalida waxaad moodda beryahan dambe in afkeeda u batey waxan ka codsanaynaa beesha caalmka in nalala soo gaaro waxaas iyo waxaas.
    Qofna qado bilaash ah ma bixiyo ayuu ingiriisku ku maahmaahaa. oo macnaheedy yahay markuu qado kugu yeero ruux hadal ayu daba dhigtaa qadada kaddib oo dantii uu kuugu yeertey kuu sheegtaa.
    Inaan isku tashanno oo cududdeena,ciidankeenna iyo ammaankeenna annagu ilaashanno oo ismqalno oo qarannimadeenna ilaashanno waa nala gudbooneyd. haddannu arrimaheenna oo dhan ajnabi u daba fadhiisannayna inaanan sidi dad gob ah u hadalnaa waa noo nacasnimo.
    Hadda iyo dan caano daatey waa la bar qabtaaye aannu ku talo gallo inaan dawlad kasta oo la dhiso taageerraa qalallasaha si uun aan mar uga baxno, dhaqaalaha aan hellana aan ku fara adeygnaa oo ciddiyaha kula diriirra cidi isku dayda inay shilin ka xaddo, si mar ammanka dalka dhan loo sugo oo loo doorto dawlad dadka matasha oo hubkeeda soo gadan karta deyn iyo deeq caalamka ka qaadan karta bari iyo galbeed ka ay doonto kolkaas ka maaranta ciidan shisheeye oo caradeenna taagnaada oo farta noogu yeera.

  5. Hadalka dad qaar waxa ay yiraahdaan Ra’isul wasaarihii hore balse aniga waxaan leeyahay Ra’iisal wasaarahayna, Dhanka kale Farmaajo ma ahan Caado qaate! Farmaajo waxa uu soo muujiyay aragtiyada dhabta ah ee ka jira dalka soomaaliya iyo cadowga Umadda Soomaaliyeed, Waji walbo oo ay leeyihiin haddaba maxaa la gudboon shacabka soomaaliyeed haday uu runta daah furay Farmaajo.?

    “Sababta Dhabta ah ee iscasilaada Farmaajo”

    Waxay timid kadib markii uu diiday dhaga maqalka (Mihiga) ee ahaa dhaan ii noqo Farmaajo.
    Markii uu la xisaabtamay QM iyo Hay’ada dowliga,
    Markii uu meesha ka saaray caado qaatayaasha, keenay dad aqoon iyo Muwaadinnimo leh,

    Si kastaba shacabka waa ka dharkeen runta meesha taallo,
    waxaan u sheegayaa inta damiir iyo dadnimo leh Soomaaliyeey hogaan haka dhiganina dadkii 21 sano halkaan idin dhigay gacanta idin geliyay cadowga dowlada deriska ah sida Ethopia, Ugand,Burinti,Kenya,iyo Djabuti.
    oo ay gaashaan ka dhigtaan QM iyo Beesha Caalamka

    Horboodayaasha kuwa aan soo sheegay waa dad soomaalimiirto aan u bixiyay waxaa ka mid ah shaqsiyaad hadaan ka carabaabo.

    Shariif Sakiin lagu ogaaday dheh!
    Shariif Lamood lagu arag dheh! Alla afgaduudanaa Ma dhiiga dadkaa

    Mihiga Soomaaliya anigaa leh dheh, hadii kale ciidamadaan kala bixi
    Akhritayaasha marka ay arkaan ereygaan Mahiga Soomaaliya anigaa leh
    Ma ogtahay Akhristoow in Farmaajo ay isku gacan qaadeen taliye ka tirsan Amison ee dalka Ugand, Subaxnimadii uu iscasilayay haweenkeedii,

    Naf jacayl waa ay ka wada simantahay Umadda sidaa darteed waxa uu go’aansaday markii uu la tashtay dadkii uu ka agdhawaa ayuu go’aan saday inuu iscasilo waa tii uu ku dhawaaqay subaxii

  6. maxamed somali says:

    sc dhamaan umada soomaaliyeed bacdu sallan waxaan wax yar ka oran lahaa arinkan ku saabsan iscasilaada farmaajo,umada soomaaliyeed waxaad moodaa in ay is indha tiraan ama dhagaha markeey doonaan fur gashtaan ,sidaan ognahay farmaajo maalinkii uu is casilay galabtii ka horeeysay waa tuu diiday oo uu gurigiisa iska galay subaxii xigtay waxaa amar ka soo baxay kampala lagu amaray in uu qasab isku casilo ka dib waxaa ugu yimisd xafiiska askarta ugandha waxaan lagu qasbay in uu si deg deg ah isku casilo hadii kale uu la kulmayo mid uu ka shalaayo waxaan si cad loogu qasbay in uu hadlo waan loo qoray asgoo fiigsan ayuuna hadlkii ka hor akhriyey mediyadii joogtay oo laisugu wacay.marka waa nala heeystaaye oo waxa nalaga xukumaa dibad iyo ajaanib aan xaq u laheeyn waxeey nalagu dhaqmaye ee maxaan ka yeelaynaa aan joojino calaacalka ee lets do something about it…gumeeysi ayaan ku jirnaa oo xor ma nihin runta hadaan isu sheegno soomaaloo dhan baa rabtay sabata loogu dari lahaa sanadkana waxeey aheey in dowlada farmaajo sii shaqeeysi si howsha wacan ee ay noo qabteen halkeeda uga sii wadaan not in shariif tuug awood qaybsi lala galo,beesha caalamka waa tuugo ku cuna dolar dhiiga shacabka soomaaliyeed waxeeyna rabeen cid la qeeybsan karta not cid ku fulisa meeshii loogu tala galay marka farmaajo had to go..

  7. Gaatame says:

    Salaan kadib, Waxaa la yiri DOQONTA USHA AGTEEDAA LAGU DHUFTAA, HADAY GARANWEYDANA KORKEEDAA SI FIICAN LOOGU HUBSADAA. Hadaba intii waxgaranaysay horey u ogeyd in waddankeena lahaysto, hadee doqontii aan horey waxba u ogeyna waxaad moodaa in ay hurdadii ka baraarugtay.

    Waxa aan dagaal ahayn nooma furna waa aniga ra,yigeyga.

    dadka ku riyoonaya Shariifbaa Shariifka kale col la,ah, fadlan hadalkaa iska ilooba, waayo nimankan Haragga soomaalida ka ah waa shaqaale, Ma dagaalami karaan amar la,aan mana heshiin karaan amar la,aan.
    Bal,e xitaa iskama tegi karaan oo waxa ay fara kula jiraan kama dhexbixi karaan amar la,aan.
    marka wallee ninka nimankaa iyo kuwa lamidka ah khayr kasua ayaa khasaray.

    Waxaan intaa ku darayaa

  8. Bilqeyr says:

    Anigu waxan oran lahaa shiiq shariif xagiisa bey sheekadu ka socotaa waayoo haduusan dhulka isdhigilaheyn lama oran laheyn farmaajo hala casilo wuxuu ahaa ninkii ugu horeeye oo wax qabadkiisa la Amaano
    marka shiiq shariif sababta loogu amray in uu is casilo farmaajo waxay aheyd in ishiisa laga arkay in uu yahay nin suufi ah hadanalagama harayo ilaa uu lasoo baxo miciyo libaax, shariif sakiin ilbaa ufurantay amarkana waa sii wadayaa horaa loo yiri ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa”””’

  9. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay in beesha caalamku rabto in iyagu ay maamulaan dalka somaliya waadna ogaan doontaan is qabqabsiga joogtada ah iyo masraxiyada ay shacabka u dhigayaan labada shariif in aanay waxba ka jirin.
    markaa anigu waxaan oran lahaa shacabka somaliyeed filinka meesha ka socda ha fahmaan oo iyaga dhexdooda yaan mardambe la is cunsiin oo qabiilka iyo wixii wiiqaaya ha ka tagaan.
    runtii hawl adag ayaa somali oo dhan sugaysa waxa hadda taagana in ay dhamaadaan lama ogol. markaa waxaa loo baahan yahay in si feejignaan leh looga fekero sidii godka la galiyay sharaftii iyo qaranimadii somaliyeed loo ga soo saari lahaa.