Home » Warar »

DFKMG oo Hawada ka dul-degtey Mowjaddii ay ka hadli jirtey Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan

Dowladda Federaalka oo Weerar Dhinaca Mowjadda/Hawada ah ku qaadey Idaacaddii Islaamiga ee Al-Furqaan –

Waxaa Weerarkaan ka Hadley Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla iyo Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Odayaasha Dhaqanka, Qurba Joogta  iyo Maamulka Idaacadda.

Idaacadda Alfurqaan oo si weyn looga dhageysto Dalka Gudhiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa maalmahaan Weerar ku ahaa Dowladda Federaalka ka dib markii Mowjadii ay ka hadleysey ee 106.5 MH ay kor deg tey Idaacadda Dowladda Federaalka oo iyadu ka Soo geli jirtey 90.00 MH.  Hadaba kor degidaas ayaa waxaa si aad ah uga Hadley qaar ka mid Siyaasiyiinta soomaaliyeed  , Dhageystayaasha ,Odayaasha Dhaqanka iyo Qurba Jooga soomaaliyeed oo ku tilmaamey mid Xadgudub ku ah Sharcigga Saxaafadda.

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo Waresi siineysey Idaacadda islaamiga ee Al furqaan  ayaa waxay Cambaareysey Cadaadiska iyo Xayiraada ay Dowlalda Federaalka ay dul saartey Idaacada A-Furqaan ka dib markii Mowjaddii ay ka soo geli jirtey ay Dul fuushey Idaacadda Dowladda Federaalka waxayna Carqaladeysey Dhageystayaashii Wararka iyo Daruusta kala socon  jireen   waxayna Caasho Axmed Cabdalla ku tilmaantey arrinkaa mid Sharci darro ah  oo Xadgudub ku ah Sharciyada u yaal Saxaafadda waxayna Dowladda Federaalka u soo jeediseyin ay joojiso Caburinta Saxaafadda Xorta ah.

Waxaa kaloo ka Hadley Xayiraada iyo Cadaadiska la saarey Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan  Xildhibaan Salaad Cali Jeele  wuxuuna sheegey in  wax laga xumaado tahay Xiyaraada iyo Hujuumka Dowladda Federaalka ku sameysey Idaacada Diiniga ee Al- Furqaan  wuxuu kaloo uu sheegey in Dastuurka iyo Axdiga ku meel gaarka uusan dhigeyn in Xayiraad ama la dul dego Idaacad Madaxbnaan oo si gaar ah loo leeyahay wuxuuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay joojiso Weerarka ay ku hayaan Saxaafadda Madaxabanaan” Aniga waxaan ka mid ahay dhageystayaasha ku xiranaa Idaacadda Diiniga ee Al-Furqaan  waxaana ila mid ah Dhageystayaal fara badan oo ku xirnaan Idaacadaas marka waa in ay Dowlada Federaalka ay joojiso Caburinta Saxaafada Xorta ah”

Waxaa kaloo Falka Dowladda Federaalka ku Carqaladesey Idaacada Al-Furqaan  ka Hadley Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Islaamiga Hawiye  Mudane Macalin Muxyadiin Maxamuud Gaabow  isagoo ku tilmaamey Mid Xadgudub ku ah Sharciga Saxaafada waana mid Isbaaro loogu dhiganayo Dhageystayaasha Faraha badan ee ku xirnaa Idaacadaas  wuxuunau soo jeediyey Shaqaalaha iyo weriyayaasha in shaqadooda laba jibaaraan islamarkaan u shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed.

Iyadoo Maalintii Shanaad ay socoto Caraqaladii dhinaca Hawada ee Dowladda Federaalka ku haysey Idaacada Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa waxaa arrinkaa si aad ah uga Xumaadey Qurba Joogta Soomaaliyeed oo si weyn u dhageysan jirey Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan,  waxayna ku tilmaameen mid Xadgudub ah oo ka horimaanaya Xoriyadda Saxaafadda, waxaana ka mid ahaa Qurba joogta ka Hadley Faarax Deeq oo ku sugan Cariga Ingiriiska isla markaana si weyn ugu Xirnaa web-ka Idaacadda ayaa gu baaqey Dowladda Federaalka in ay joojiso Caburinta ay ku hayso Warbaahinta Al-Furqaan.

Saxafiyad ku takhasustey Arrimaha Saxaafadda oo lagu Magacaabo Qamar Haashim oo u warameysey Idaacada Al-Furqaan ayaa aad uga Xumaatey Weerarka Dowlada Federaalka ku qaadey Idaacadaas waxayna sheegtey in wax wanaagsan ahayn in la xayiro Idaacada ay ku taxan yihiin Dhageystayaa Fara badan.

Agaasimaha Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan Maxamed Abshir Nuur ayaa markii ugu horeysey ka Hadley weerarka Dowlada Federaalka ku qaadey mowjadda Idaacada Al-Furqaan ka dib markii Mowjaddii ay ka soo geli jirtey Idaacadaas ay Dul degtey Idaacada Raadiyo Muqdisho wuxuuna Sheegey in arrinkaan uu yahay mid gef ku yahay Xoriyadda Saxaafada maadaama laga  carqaladeeyey in dhageystayaasha ay si fasiix u maqlaan Idaacadda oo iyagu kala socon jirey Daruus Diini iyo warar ku saleysan Xaqiiqda.

Wuxuu sheegey in aysan garaney in weerar intaa la’eg lagu soo qaado Idaacad u adeegeysa Shacabka soomaaliyeed hase yeeshee wuxuu sheegey in ay iska cadahay in sababaha loo weerarey ay tahay in laga horjoogsado Xaqiiqda iyo run sheega ay u tabineyso Shacabka Soomaaliyeed  isagoo sheegey in aysan ku xadgudbin hadey ahaan lahayd Xarakada Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka wuxuuna u soo jeediyey Dowlada Federaalka in ay joojiso Dagaalka dhinaca Hawada ay ku hayso Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan. Wararkaan waxaan ka soo ururiney Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " DFKMG oo Hawada ka dul-degtey Mowjaddii ay ka hadli jirtey Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan "

  1. wadaad yare says:

    Waxaan moodayey idaacada Alfurqaan iney aheyd mid ay leeyihiin Shabaabku ama la shaqeysa! Haddey tahey idaacad dhex dhexaad ah Shabaab ayaaba xiri laheyd oon ogoleyn idaacad dhex dhexaad ahe sidee wax u jiraan?

    Ma anigaa qaldan oo mid kale ku kahaya mise waa idaacaddii laga soo daayey wareysigii laga qaadey ninkii basaaska Shabaabku ku sheegeen dabeedna ay dileen Axmed Keyse?
    Haddey sidaas tahey oo ay tahey idaacad la shaqeysa Shabaab hadde iskuma heleysaan inaad hal doolshe cuntaan isla markaana keydsataan!

    Xorriyatu saxaafa waa shaqo gaalo waanan kasoo horjeednaa sowtii la lahaa maxaa hadda loogu doodayaa?Cajiib!

  2. mahdi says:

    acww dhaman waxan salamayaa dadwaynaha somaliyeed meel walba oo ay joogaan
    waxan si xushmad leh u waydiisanaynaa dowlada somaliyeed inay qaado xayiraada idacada al furqaan waayo saxaafadu maaha wax lagu ciyaaro ama laysku dhibo
    malabad plze dowladu haku noqoto lambarkii ay lahayd ee horay loogu yiqiin
    cali mahdi U.S.A minnesota ,minneapolis

  3. Shuuriye says:

    Waa wax aad looga xumaado in Shariif Sh.Axmed iyo Jameecadiisa ay carqaladeeyaan Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan isla markaana ay soo dhaweeyaan oo karaameeyaan Idaacada Maraykanka VOA .

    Waa Damiir xumo midii ugu weyneed in Idaacad Islaami ah oo Qur’aan sii deyneysa la dulsaaro Idaacad Hees iyo Music sii daynaysa oo Qur’aankii iyo Heestii iska hoos qaylinayaan.

    Al-Furqaan ha daalina howshiina sii wada waanan idinla jinaa mar walba.

  4. ismail says:

    Asalaamu caleykum

    Waxaa wax laga xumaado ah in ruux sheeganaya maamul ama mas’uuliyad noocay doontaba ha ahaatee in uu ku dul habsado mowjadii
    Radio alfurqaan isagoo markaas leh Dowlad baan ahay ” waa yaab”……….
    sidee bay ku gadmaysaa dowldaan ahay ” cakuye ileyn tanina waa noo
    dambaysay….. Geeri dheh … waxay u egtahy sidii reer gurigii ay degenaayeen aad alaab ku soo daabulatay ood tiri anaa leh … tani waa
    wixii xamar yiilay labaatankii sano oo shaar dowladeed loo sheegay ..akhas
    Qof aan xaajo aqoon indhuhuu ka ridaaye ,ma anshax xumadaas iyo waxmagardnimadaas baa loo cudurdaari karaa ,maya ….maya ..maya
    ka dhowrsada kheyr sheegi meysaanee.

    Idaacad aayadaha quraankiyo warinaysa axaadiistaad
    af maroojis ku daydeene ma aamusin kartaane
    abaaliis yahay idinkiyo af qushuushlihiinuye

  5. XAGALEEY says:

    waa waxlaga xumaado shariifkii shalay lahaa shareeco islaam ayaan waxkuxukumeynaa inow is hotaag kusameeyo idaacadii islaamiga aheyd..arintaan maxay kayiraahdeen adeerkey maxamed xaad iyo axmed diiriye , soomaaliyeey shariifka iyo afrikaantiisaba hanadhaafaano. oo goaan halaqaato hadii kale tafaariiq ayaa loodhamaanaayaa. war ninkaan maskaxiyan caadi maaha ee halabaaro.