Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Woosh: Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada in ay Heshiiskii Kampala ku diidaan cod aqlabiyad ah

“Axdiga Ku meel Gaar ayaa Farmaajo u ogolaanayo in Heshiiskii Kambala la horkeeno Baarlamaanka”

Xildhibaan Maxamed Sh.Cali Axmed (Woosh) oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka ayaa aragtidiisa ka dhiibtey hadalkii R/Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo sida u arko, ee ahaa inuu heshiiskii Kambala u gudbinaayo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliyeed si uu go,aan uga gaaro.

Ugu horeyntii Xildhibaan Maxamed Woosh waxa uu ku bilaabey “waxaan u arkaa hadalka Ra,iisul wasaaraha mid sax ah oo Dastuuri ah waxaana qaba Axdiga Federaalka kmg ah iyo Dastuurkii 60kii heshiis kastoo Dowladu gasho waa in la horgeeyo Baarlamaanka si uu u oggolaado ama u diido waana mid aan soo dhoweynaayo uguna mahadcelinayo Ra,iisul wasaaraha sida uu u tixgelieyey Axdiga iyo Shuruucda Dalka u degsan, waxaana ugu baaqayaa Xildhibaanada Sharafta leh in ay diidaan heshiiskaasi oo ka horimaanaya Axdiga,Xeer hoosaadka iyo dhamaan shuruucda dalka u degsan, waxaana jira qodob Axdiga ku qoran oo dhahaya heshiis kastoo la gaaro hadii uu ka hor imaanayo Axdiga iyo shuruucda dalka u degsan waa waxba kama jiraan sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada Sharafta leh in ay tuuraan heshiikaas oo aan meelna ka waafaqsaneyn Axdiga iyo Shuruucda dalka u degsan ayna ku diidaan cod aqlabiyad balaaran leh.”

“Dhanka kale markii heshiiska la diido ka dib waa in uu ka doodaa baarlamaanka wixii laga yeeli lahaa waqtiga kala guurka, taasoo aan u arko in xildhibaanada Somaaliyeed ay taageeraan Shacabka Somaaliyeed oo dibadbax ku muujiyey rabitaankooda, taasoo ah in dhamaan Hayadaha Dastuuriga ah lagu kordhiyo jiritaankooda hal sano iyadoo aan waxba laga bedeleyn sida ay hadda u dhisan yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Woosh oo hadalkiisii sii wata.

“Sidoo kale waxaan ka soo horjeedaa caburinta shacabka iyo saxaafada, waxaana aad uga xumahay dhibaatadii ka dhalatay Banaanbaxii 10-ka Juun,taasoo hanti uu shacabku leeyahay lagu gubay, balse waxaan ka soo horjeedaa fikirka dhahaya banaanbaxaasi waa la soo abaabulay lacag ayaana lagu bixiyey, waana fikir khalad ah, waayo waxaa la xaqirayaa iraadada shacabka iyo rabitaankooda, waxaana ku talinayaa in ay sii socdaan banaanbaxyada gudaha iyo dibadaba si aysan u dhicisoobin kacdoonkii shacabka ee 9-kii Juun, iyadoo la ilaalinayo nabadgelyada, waana in uu ahaadaa mid nabadgelyo ku dhisan.

“Sidoo kale waxaan cambaareynayaa xiritaankii Ardayda dhigeysey Banaanbaxyada nabadeed iyo saxaafaddii banaabaxaasi Tabineysey si ay ugu gudbiyaan shacabka Somaliyeed iyo Caalamkuba waxaana falkaas lagu xir xirey geystey Ciidamo ka tirsan Dowladda Federlka kmg ah ee Soomaaliya, waana mid ka hor imaaneysa Axdiga iyo shuruucda Dalka u degsan Arday Banaanbax nabadeed dhigeysa iyo Wariyeyaashii tabinaayey in la xirxiro. Sidaa darteed waxan ku talinayaa Ciidankii falkaasi ku kacay oo xirxiray Ardayda banaabaxa nabadeed dhigeysey iyo Wariyeyaashii tabinayey in Maxkamad la horgeeyo si looga qaado tallaabadii ku haboon ee sharciga waafaqsan,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Xildhibaan Maxamed Woosh.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro AT hotmail. co.uk
E-Mail amiinkhasaaro AT yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Maxamed Woosh: Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada in ay Heshiiskii Kampala ku diidaan cod aqlabiyad ah "

  1. XAGALEEY says:

    waxaan kaxumahay inay soomaalidu leeyihiin halaga noqdo heshiiskii kambala, laakii dadkii heshiiska iyo qayaanada intaas leèg sameeyey hanoosii joogaano. xataa digniin culus lamasiinin.