Home » Warar »

Xafalad qalin jabin heersare ah oo ka dhacday magaalada Wuhan ee dalka shiinaha

Xafalad qalin jabinta dufcadii ugu horeysay arday soomaali ah oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa  heenimadii axada oo ay taariikhdu ku beegneyd 12 june 2011 ka dhacday magaalada Wuhan ee caasimada gobolka Hubei ee bartamaha dalweynaha shiinaha.

Xafaldan qalin jabinta oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomalida ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan WSSU(Wuhan Somali Students Union) ayaa waxaa ay ka dhacday hotelka Ruifang Hotel oo ku yaal faras magaalaha magaalada Wuhan,xafalada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa mudane Cawaale Cali Kulane oo ah qunsulka ahna sii hayaha xilka danjirenimo ee safaarada soomaalidu  ku leedahay dalka shiinaha, ganacsato soomaali ah oo ka kala timid dhamaan magaalooyinka ganacsiga ee dalka shiinaha sida Magaalada Guanzhou iyo Yiwu, waalidiin ka kala yimid daafaha caalamka, waxaa kaloo xaflada kasoo qeyb galay in ka badan 200 arday oo soomali ah oo ka kala yimid dhamaan jaamacadaha kala duwan ee magalada Wuhan iyo kuwa gobolada kale ee dalka shiinaha sida jaamacada Wuhan university, Tongji medical college of HUST, Huazhong University of science and technology( HUST) , China university of geosciences iyo kuwa kale, waxaa kaloo marti sharafta ka mid ahaa dad badan oo ajaaniib ah oo xaflada lagu marti qaaday.

Xaflada oo si jawi aad u macaan badan ku bilaabatay ayay daadihiyashii xaflada oo kala ahaa Maxed deeq C/llahi Xasan iyo Ifraax Axmed Nuur waxaa ay inuu xaflada daah furo ugu soo dhaweeyeen Dr Mahdi C/qaadir Ciise oo ka mid dhaqaatiirta soomaliyeed kana mid ah dadkii dadaalka aadka u xoogan u galay in intaa arday la eg oo soomaali ahi ay magaalada wuhan wax ka bartaan, intaa ka dib waxaa xigsaday maxadaro lagu wacyi galiyay ardayda iyo dhamaan ka soo qeyb galayaasha iyo gaar ahaan qalinjabiyayasha xaflada loo qabtay oo uu soo jeediyay Sheekh C/qaadir nuunow ( Shariifka) oo ka yimid gobolka Minnesota ee dalka maraykanka.

Intaa ka dib ayaa waxaa dhamaan ka soo qeyb galayashaa loo shiday Video uu soo diray Dr Xusen Abshir oo jooga magalada Toronto ee dalka Canada, kasoo oo uu hambalyo iyo bogaadin ugu dirayay qalin jabiyaasha, Dr Xuseen Abshir waa aasaasihii arday faraha badan ee soomaalida ah oo wax ka barta magaalada wuhan, Dr Xuseen markii uu hambalyada dhameeyay ayuu hoolkii xaflada hal mar waxaa is qabsaday sacab aan kala joogsi lahayn iyo mahad naq balaaran oo ay ardaydu iyo waalidiintu u jeedinayeen, Dr Xuseen Abshir oo lagu naaneyso ina Abshir baando oo aan filayo inuu magacaasi dhabyahay maadama uu baando fara badan ka abuuray magaalada Wuhan oo markuu imaanayay kaligii uu joogay, maantana in ka badan 300 oo arday soomali ahi oo barta maadooyinka caafimaadka iyo injineyada oo uu dhamaan isagu keenay.

Xafalada ayaa kadib waxaa mid mid u hadlay qalin jabiyayaashii xaflada loo dhigay oo ahaa 7 dhaqtar iyo hal injiniir oo kala ahaa sidan:-

  • 1)       Dr Maxed C/raxmaan Caarre(Bachelor)
  • 2)       Dr Amiin Maxud Xuseen      ( Bachelor)
  • 3)       Dr C/qaadir Xasan Nuur       ( Bachelor)
  • 4)       Dr C/fitaax Cumar Xasan     ( Bachelor)
  • 5)       Dr C/xamiid Maxed Xareed ( Bachelor)
  • 6)       Dr Axmed Xasan Cali          ( Bachelor)
  • 7)       Dr Deeqo Adan Cilmi          ( Bachelor)
  • 8)       Eng. Maxed Adan Rooble    ( Master  degree)

Dhamaan qalin jabiyaashu waxay u mahad naqeen Allah (SW) oo u suura galiyay in ay fursadaan qaaligaa helaan , Allah ka dib waxay u mahad celiyeen waalidiin, walaalo, xaasas, hey,ado  iyo dhamaan intii ku galab istaagtay xiligii adkaa ee shanto ahaa ee wax barashada iyo waliba dhamaan saaxiibadii ku jaamacada ahaa oo markasta garab taagnaa iyo waxay si qaas ah ugu mahad naqeen Dr Xuseen Abshir.

Waxaa intaa kadib lagu soo dhaweeyay hadalka waalidiin uu ka mid ahaa Aabe Xasan Nuur Guuleed oo ilaa Canada uga yimid si uu uga qeyb galo xaflada ardayada oo uu wiilkiisu ka mid ahaa balse uu ku matalayay dhamaan waalidiinta soomaaliyeed, waxaa kaloo isna hambalyo iyo waanooyin soo jediyay Aabe Sheekh Maxed yuusuf Shirwac oo isna ka yimid Washington DC ee dalka mareykanka.

Waxaa si sacab iyo reyn reyn ah lagu soo dhaweeyay ganacsade Cali Catoosh oo ka mid ah ganacsatada magaalada Guanzhou ee dalka shiinaha ahna saaxiib weyn oo ay ardaydu ku dhex leeyihiin ganasatada oo ka hadlay sida ugu haboon oo ay ardaydu wax u dhaqaalaysan lahaayeen qaasatan dhinaca dhaqaalaha walidiintu soo diraan maadama uu yahay nin ku taqasusay dhaqaalaha qibrad weyna iyo aqoona u leh dhinaca dhaqaalaha iyo waliba ardeynimada, waxaa isna goobta ka hadlay Cali Axmed Cabdalla (Cali Yare) oo ka mid ah ganacsatada magaalada Yiwu, Cali yare ayaa hambalyo iyo guubaabo u diray qalin jabiyayaasha xaflada, Cali yare waa mid ka mid ganacsatada si aadka ah ururka ardayda u saacida isaga iyo waliba rag ay ka mid yihiin Maxud saney, C/wali Cabdi Cilmi iyo Burhaan Jaamac oo dhamaan ka soo wada qeyb galay xaflada.

Waxaa kaloo ardayda hambalyo usoo diray dhamaan ganacsatada reer Yiwu iyo Guanzhou ba oo ay ka mid yihiin C/llahi Muumin Caanoy iyo waliba gudoomiyaha ganacsatada reer Guanzhou Cali Macow oo xaflado badan ka soo qeyb galay balse tan uga qeyb qaatay fariin dhinaca telphone ka ah oo hambalyo ah. Barnaamijka oo si habsami ah ku socda ayaa kadib lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha ardeyda  Maxed C/raxman Faarax ( Qooje) oo isna hambalyo u diray qalin jabiyayaasha kadib waxa uu shahaado sharafyo gudoonsiiyay Qunsulka sida sharafta leh oo uu markasta howl wadeen ugu yahay ardayda, ganacsade Cali catoosh iyo qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha oo wiilal iyo gabdhaba isugu jiray, Waxaa iyana sidoo kale arday fara badan shahaadooyin siminaar uu qabtay ururka Somali Young Doctors gudoonsiiyay gudoomiyaha ururkaas Mudane Cumar C/samad ( Cumar Shiino).

Waxaa kaloo xusid mudan ardayada lagu magacaabo Miski Xussen Maxud (Ina Xuseen Baraf) oo qudbad gaaban oo hambalyo iyo waano iyo dhiira galiba ah oo afka shiineysa ay ku soo jeedisay taasoo runrii kasoo qeyb galasyaashii xaflada ay aad ula dheceen sida wacan oo ay afka shiineyska ugu hadashay Miski.

Ugu dambeyntii waxaa lagu soo dhaweeyay makarafoonka  Qunsulka  ahna sii hayaha  danjirenimo ee safaarada soomalida ee dalka shiinaha kaasi oo ku dheeraaday dardaaran ad qiiro u lahaa iyo bogaadinba wuxuu Qunsulku u sheegay ardayda in ay ilaaliyaan shuruucda dalka shiinaha iyo waliba in safaarada soomaalidu u furantahay umada soomaaliyeed sidii ay wax ugu qaban laheyd qunsulkuna uu diyaar uyahay markasta sidii uu ugu adeegi lahaa umada xilka ka saarana u gudan lahaa.

Gabagabadii xaflada ayaa waxaa ay dhamaan martidii ka soo qeyb gashay xaflada ku wada cunteeyeen qeybta cuntada ee hotelka halkaas oo ay gabdho soomaaliyeed oo arday ah ay cuno aad u macaan oo si heer sare ah loo soo sameeyay  ku diyaariyeen, cunadaasi oo ay u riyaaqeen dhamaan ka soo qeyb galayaashii xaflada oo soomaali iyo ajaaniib isugu jirtay, waxaa kaloo goobta lagu jaray Cake ( Doolshe) aad u weyn oo macaan badan oo isna si heer sare ah loo soo

diyaariayay.

By Najiib Ciise Diiriye

najiibcd /AT/ hotmail /DOT/ com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.