Home » Maqaallo »

WAX HUBSADA | Abdiaziiz Mohamed

Dabcan sida daawadu u leedahay dhinac dawo ah ayay u leedahay dhinac cudur wata sida markaad u isticmaasho cudur aan loogu tala galin ama in ka badan intii loogu talagalay, saas oo kale sheeko walba waxa ay ledahay dhinac kale oo aan ahayn kan muuqda.

Marka hore waxaan ugu hanbalyaynayaa dadweynaha reer muqdisho biseylka siyasadeed ee ay muujiyeen markii ay si soomaali nimo ah oo aan ahayn nin jeclaysi u taageereen ra’iizul wazaare aan u dhalan gobolka isla markaasna aan ka keenin ciidan gobolkii uu ka soo jeeday laakiin la yimid qalin iyo shaar cad laakiin waxa ay ku raaceen ayaa ah wax qabadka muuqda iyo isbedelka ku yimid miisaanka iyo maamulka dagaalada jira,waxaase la yiraahdaa dadkaaga hortood hadii aad wax garatid waxaad u ekaanaysaa qof waalan.

Muqdisho dadka ka wada dhibka waxa ay ka kala yimaadeen gobolada dalka Soomaaliyeed,dadka ku nool muqdishana waa dadka kaliya ee weli aaminsan magaca ay Soomaali inteeda kale ka tagtay ee ah Soomaali weyn waana sababta ay ku burburtay sababtoo ah sida gobolada qaar Muqdisho layskama tarxiilo ama hadii aad ku leedahay ganacsi uma baahnid kafiil.

Kaliya waxaan doonayaa in aan reer muqdisho ugu mahadnaqo wanaaga ay leeyihiin xusuusiyana arin u baahan in la xusuusto.

Anigu ka mid ma ahi taageerayaasha Shariif Axmec sababtuna waxa ay tahay doorkii uu ku lahaa Maxaakiimta iyo gacantii uu kulahaa ajaanibta dalka joogta iyo sida uu dhibaato ugu gaystay ciidamadii qaranka waagaas isgoo ku tilmaami jiray in ay yihiin gaalo laakiin saas oo kale waxaanan inkiri karin reer muqdishana aan xusuusinayaa in uu yahay isaga kan u suura galiyay Farmaajo in uu noqdo ra’iizul wazaare kan u suura galiyay in uu u ogolaado in uu masuuliyadiisa u guto sida uu doono waana sira guusha Farmaajo.

Waxaan wada ognahay Cabdi qaasin iyo C.Hi Yuusuf sidii ay faraha ugula jiri jireen in ay wax ka dhisaan golaha waziirada ilaa heer la arki jiray waziiro hoostaga toosna uga amar qaata madaxweynaha kana weyn ra’iizul wazaaraha kuwaas oo ku shaqayn jiray rabitaanka madaxweynaha taas oo markasta keeni jirtay khilaaf hoosna u dhigi jirtay wax qabadka ra’iizul wazaaraha.

Hadaba ma haboona in indhahaagu arkaan kaliya waxa xun laakiin sidaas oo kale waa in indhaheenu qabtaan waxa fiicanna, waa in aan ku amaano shariif Axmed xuriyadii uu siiyay ra’iizul wazaarihiisa iyo dulqaadkii iyo biseylkii iyo wada shaqeyntii uu mujiyay,waana in aanan iloobin hadii uu faraha kula jiri laha asidii ragii ka horeeyay in raiizul wazaaruhuna noqon lahaa sidoo labadii Parfasor (Galayr iyo Geedi) ee soo qabtay jagadaas asaga ka hor shaqadana ka wadi waayay tadakhulka madaxweynaha.

Sidaas oo kale biseylka reer Muqdisho muujiyeen ma yeelanayo wax qiimo ah hadii sidaas oo kale aysan samayn gobolada dalka, waayo hadii uu jiro biseyl waxay ahayd in bari iyo bartamaha Soomaaliyaba laga taageero ra’iizul wazaaraha laakiin hadda waxa ay u egtahay in laga taageeray gobolkii uu ka yimid iyo Caasimadda Soomaaliya oo ay weli ku jirto riyadii Soomalaiweyn.

Ra’iizul wazaare farmaajo asna waxaan leeyahay ha noqonin abaal dhaan ugana mahad haay shariif gacanta uu kugu siiyay shaqadaada hadii uu jiro wax uu ku qaldan yahay ogow in ay jirto wax uu ku saxan yahy ogoowna ciidanka aad ku faanayso 60%kiiba in ay yihiin dadka soo jeeda gobolka madaxweynaha ka soo jeedo dadka ku taageerayana in ay yihiin dadkiisa laakiin ay Soomaali nimada ka door bidayaan wax walba.

Hadaba Mr farmaajo ogow in baanan baxa dhacaya ay ka muhiimsan tahay is fahamka iyo wada shaqeynta madaxda dowladda sababtoo ah baanaan bax ma keeni karo guusha aad ku keenteen wada shaqaynta xusuusana in waxa qabsamay marki loo eego waxa dhiman in aysan dhamayn 0.5% .

Shacabka muqdishana waxaan kula dardaarmayaa in ay dhagaystaan dhinaca kalana si ay u helaan aqbaar dhamaystiran diintuna waxay qabtaa in dadka dacwada isu qaba lawada dhagaysto laakiin aan lala duuban kan soo hormaro.

Abdiaziiz Mohamed.
aziizxg AT hotmail. DOT com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.