Home » Maqaallo »

Muxuu keeni karaa kacdoonka dhalinyarada soomaaliyeed ee sagaalka jun???

Tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya heshiiska ay kugaareen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kooxaha iskukhilaafsan siyaasadda soomaaliya waa guddoomiyaha barrlamaanka Shariif sakiin iyo shariif Jooker oo ah madaxweynaha dawladda KMG ee soomaaliya .Heshiiskaas oo dhigaayey qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen

1- In doorashada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa dib loo dhigo isla markaana dib loo dhigo muddo hal sano ah lana qabto doorashada madaxweynaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ka hor bisha Agoosto 2012.

4- Dhismaha golaha wasiirada waa in la tixgeliyaa qaabka 4.5 iyo in laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla sodon cisho gudahooda uu isku casilo ra’iisul wasaare maxamed c/laahi farmaajo lana soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo oo isna xukuumaddiisa ku soo dhisa isla soddonkaas cisho,waana arrinta keentay in ay dhammaan umadda soomaaliyeed ay dareenkooda ka muujiyaan waxa ay doonayaan iyo in waxwalba lagu saleeyo rabitaankooda iyadoo aan la afduubin.

Kacdoonkan oo ah kii ugu baaxadda weynaa labaatankii sano ee ay soomaaliya burburka ku jirtey inkastoo sanadkaani aaney cusbayn kacdoomo caynkaan ah oo ay wadaniyiinbanoo ku nool afrika iyo bariga dhexe kuwaas oo codsanaya in loo meelmariyo rabitaanka iyo dareenka ay ka qabaan kiligi taliyayaasha mayalka adage e naxariislaawayaasha ah isla markaana xukunka ku fadhiyey muddo 30 sano iyo ku dhowaad
Haddaba su’aasha la isweydiinayo ayaa ah muxuu keenikaraa kacdookaas oo aan mid lamidi horay uga dhicin dalka soomaaliyeed mase dhici kartaa in ay soomaaliya raacdo walaalahood Maser iyo Tuuniisiya oo ay ku talaabsadaan horumar iyo demoqraadiyad aan horay dalka uga dhicin iyo in ay ilaawaan wixii soomaray labaatankii sano ee la soo dhaafay ???.

Qore: Said Isse Mohamed(Rubaani)
simjamac AT yahoo. DOT com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.