Home » Warar »

Sheikh Shariif: Shirkii Kampala ayaa (Guddoomiyaha) Baarlamaanku ka Sheegay in aysan la shaqayn karayn Farmaajo oo ay tahay in uu iscasilo

Shir jaraa’id ayaa Sheikh Shariif ka sheegay in Shirkii Kampala markii la isku raacay in DFKMG waqtiga loo kordhiyo hal-sano ayaa waxaa soo baxay caqabad, taas oo ah in baarlamaanku diidey in ay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha, taasoo ah in ra’iisul wasaarahu iscasilo, isaguna sidaas ayuu aqbalay” ayuu yiri Sheikh Shariif oo shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho June 12, 2011. Waxana uu madaxweynaha DFKMG hadalka raaciyey in Shariif Xasan uu sheegay in arrinta ah in baarlamaanku uusan la shaqayn karayn ra’iisul wasaaraha, balse uusan asagu xaqiijin…

Halkan ka dhegeysoo shirkii Jaraa’id ee Sh. Shariif

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shariif_jun122011.mp3]

Warbixinta shirkii Jaraa’id:

Shiikh Shariif : “Dad Danno gaar ah leh ayaa Abaabulaya Banaanbaxyada marka dadkaas waxaan leeyahay..”

Iyadoo weli ay sii socdaan Banaanbaxyada lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo islamarkaana uusan hore uga  hadlin Banaanbaxyadaas Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Shiikh Shiikh Axmed ayaa waxaa goor dhaweyd Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif wuxuuna ka Hadley dhowr arrimood oo ku saabsan Go’aanadii ka soo baxay shirkii Kamballa , Banaanbaxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo warar ay sii daayeen Warbaahinta Caalamka oo ahaa dil Cidamada Dowladda u geysteen Fasuul Cabdalla inkasto Xarakadda Alshabab ay beeniyeen.

Madaxweynaha DFKMG wuxuu sheegey in dilka Fasuul Cabdalla uu yahay guul u soo hoyatey Dowladda Federaalka islamarkaan wuxuu sheegey in fasul uu ka mid ahaa rag qayb ka ahaa Dagaalada iyo Qaraxyada ka jira soomaaliya sidoo kale wuxuu tacsi u direy Qoyskii iyo shacabkaa soomaliyeed geeridi wasiirkii arrimaha Gudaha Cabdi shakuur Shiikh Xasan Faarax isagoo sheegey in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihi ka dambeeyey dilkaaas.

Sheikh Shariif wuxuu soo hadal qaadey Shirkii Kamballa oo uu sheegey in shirkaas ay isugu yimaadeen Dowladaha Daneeye arimaha soomaaliyeed kuwaas oo uu sheegey in ay doonayeen in Xal laga gaaro Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegey inay Cuuryaamiyeen Howlahii Dowladda Federaalka hase yeeshee si xal loo gaaro ayaa waxaa uu sheegey in loo yeerey Raiisul Wsaaraha Maxamed Cabdulahi Farmaajo taasoo markii dambe Gudoonka Baarlamaanka uu codsadey in Raiisul Wasaaraha meesha ka baxo.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif waxaa u yiri” Aniga waxan doonayey in la is cafiyo lana wada shaqeeyo hase yeshe Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku adkeystey in Farmaajo is casilo waxaana soo dhaweynayaa in Go’aamadii ka soo bay Shirkii Kamballa la horkeeno Baarlamaanka si uu u ansaxiyo waxaan raiisul Wasaaraha ku qamcinayaa in uu iscasilo , waana garan kartaa Xanuunka iyo Dhibaatada ay leedahay in Raiisul Wasaaraha uu meesha ka baxo , anigaa markii hore soo magacaabey waana la ogaa wixii laga soo marey waxana rajeynayaa in Raiisul Wsaaraha uu aqbali doono iscasilaadiisa”

Madaxwenaha DFKMGi Shikh Shariif mar uu ka hadlayey Banaanbaxyada ka socda Magaalada Muqdsho wuxuu yiri” Banaanbaxyadaas waxaa abaabulaya oo lacag ku bixinyaa shaqsiyaad Dano gaar ah ka leh waxayna sababeen in la gubo hanti ummad a leedahay waxay sababeen in lagu diley Wasiirkii arrrimaha Gudaha marka waxaan leeyahay dadka ku bixinaya dhaqaalaha waa in ay u leexiyaan Dib u dhiska dalka mana ka aqbaleyno in ay sii socoto Fowdada”.

AKHRI: Golaha Wasiirada DFKMG: Heshiiska Kampala waa in la horgeeyo Baarlamaanka

AKHRI: Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano

AKHRI: Sawirka Farmaajo qofkii aan sidan oo aan mari karin jidadka Muqdisho inta ay ka taliso DFKMG

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sheikh Shariif: Shirkii Kampala ayaa (Guddoomiyaha) Baarlamaanku ka Sheegay in aysan la shaqayn karayn Farmaajo oo ay tahay in uu iscasilo "

  1. Salaam,

    Waxay aniga ila tahay in aan taageerno sharciga kana fogaano in shaqsi la taageero ama shaqsiyaad.

    Baarlamaanka ama sharci oogayaasha hajoogaan si ay usoo doortaan kuwii hogaamin lahaa.

    Shariif sakiin, Farmaajo iyo wasiiradiisa iyo madaxweyne shariif waa in ay iswada raacaan ayaagoo fiirinaya badbaadinta Soomaaliya.

    Waqtigoodi wuu dhamaaday xoog iyo qabqabsasho iney meesha kujoogaan aniga ilama ahan.

    Mahadsanidiin.

  2. Magan says:

    Waxay ila tahay dadka somaliyeed inay ka daaleen dadka danaha gaarka ah leh waana waxa ay ka banaan baxayaan maanta. Runtii waxaa wax laga xishoodo ah in la marin habaabiyo kacdoonka maanta oo u jeedadiisu ay tahay in heeryada gumaysiga cusub la iska tuuro aanay wali fahmin in badan oo masuuliinta ka mid ah. hadaanay iska dhaga tiraynin waxa shacabku doonayo.