Home » Warar »

Golaha Wasiirada DFKMG: Heshiiska Kampala waa in la horgeeyo Baarlamaanka

Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobada kale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshaha Baarlamaanka…

Sidaas waxaa lagu sheegay Warasaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, kaas oo warka intaas raaciyey “Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, si Xukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.”

Warsaxafadeedka Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shir_jun112011.MP3]

Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri:

Halkan ka soo rogo (pdf)

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ref: XRW/Tacsi 103/06/11  / Date: 11 June 2011

War-Saxaafadeed

Muqdisho, Sabti, 11 June 2011 – Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii shalay ku timid Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, muddaaharaadyadii labadan cisho ka dhacayey waddanka gudihiisa iyo waddamada dibedda iyo heshiiskii Kampala.

Golaha Wasiirada waxey ka tiiraanyeysan yihiin geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Farax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ku geeryooday qarax argagaxiso oo ay soo qorsheeyeen kooxaha xagjirka ah ee khawaarijta ah ee diiddan nabadda dalka. Golahu waxa ay tacsi u direen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumku.

Golaha Wasiirada waxay soo dhoweeyeen, rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ku muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo xukuumaddiisa. Taasoo ah markii ugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo ay shacabka si hagar la’aan ah u muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) waxa uu golaha siiyey warbixin ku saabsan kulamadii iyo heshiiskii Kampala. Kadibna Golahu waxay ka doodeen qoddobada heshiiskii Kampala waxayna go’aamiyeen arrimahan:

1. In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo Baarlamaanka, lana waafajiyo Axdiga KMG ah iyo shuruucda dalka u degsan.

2. Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobada kale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya. Golaha Wasiiraduna waxay diyaar u yihiin inay aqbalaan go’aanka Baarlamaanka.

3. Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, si Xukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

– DHAMAAD –

+252615479911 +252699998854 E-mail: ayarisow@opm.gov.so Mogadishu, Somalia

……..

Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Golaha Wasiirada DFKMG: Heshiiska Kampala waa in la horgeeyo Baarlamaanka "

  1. XAGALEEY says:

    bacda salaan:
    sxb.TOGANE waad saxan tahay . balse waxaad dib uxasuusataa markasto baarlabaanka waxaa uyimaado arin dibada lagusoo dhisay, ama dibada loogasoo hadlay. markaas ayey ayaguna iskuqabsadaan wixii lagayeeli lahaa.
    markastoo ay madaxdu murmaan waa in qilaafka dibada looqaadaa ileyn baarlabaanku malaha awood ay waxkuxaliyaane. calaa ayi xaal waxkasto dibada ayey nooga yimaadiin. madaxda dowlada sida madaxweynaha, r/wasaaraha,afhayeenka baarlabaanka iyo baarlabaankaba, ciidamada qalabka sida,booliska dhamaantood marasho iyo masruuf waxay kasugaayaan dibada . sxb, sow markaas xamar umaeka xero weyn oo qaxooti kunool yihiin. waa kaxumahay saaxiib.

  2. Togane says:

    Hadddii heshiiska ogolaanshihiisa ay ku raacayaan Golaha Baarlamaanka maxay u diideen go’aankii baarlamaanka ee ahaa in doorasho la qabto August 2011?
    Farmaajo ma dadkuu ku dheeldheelayaa waa sidee saaxiibayaal mise anigaa qaldan ? arrinta halkeey iska qaban la dahay? see wax u jiraan meeshaan?

    Waxaa iigu war dambeysa Farmaajo oo diidan baarlamanka. Mise jalaafo kale ayaa jirto meesha?

  3. maxamuud says:

    golaha baarlamaanku mayahay baarlamaan xor ka ah shaqsi iyo kooxaysi mise waa mid sharci kusocda ,hadii uu yahay mid xor ah waa suurta gal in ay sharciga raacaan wixii wanaag umadda ugu jirtana u codeeyaan hadiise ay tahay ijiid aan kujiide waa hafadhido faroow