Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo labo Jibaaray Madaafiicda ay ku Garaacayaan Goobaha Dadka Rayidka ah Degan yihiin

Iyadoo weli uu jiro dagaalo u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada DFKMG oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab ayaa dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho waxay si aad ah ugu walaacsan yihiin madaafiicda xoogga leh oo ka soo dhaceysa fariisimada ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdii ugu dambeeyey ku dhacaan Xafaadaha Yaaqshiid, Huriwaa, Kaaraan iyo Dayniile iyadoo Madaafiicdaan dhimasho iyo dhaawac u gaystay dad fara badan oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay dad fara badan oo aan waxba galabsan.

Marka la weydiiyo ciidamada AMISOM gaar ahaan Afhayeenkooda waxa uu sheegaa in ay garaacayaan Bartilmaameedyo ay leeyihiin Xaradaka Alshabaab hase yeeshee waxaa xaqiiqo ah oo shacabka rumeysan yihiin in Xarakada Alshabaab aysan laheyn saldhigyo Milatari oo loogu soo hagaago, waxayna ku sugan yihiin furumaha hore ee dagaalka ee ay isaga soo horjeedaan labada dhinac ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha ay ciidamada AMISOM ay u beegsanayaan goobaha ay dadka rayidka ah ay degan yihiin.

Xildhibaan Maxamuud Geedi Aw Hilowle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ayaa Madaafiicda Ciidamada AMISOM ku garaacayaan ku tilmaamay mid xasuuq ah isagoo sheegay in ciidamada AMISOM waqtiyadan dambe ay bilaabeen in ay Madaafiic aan daryankooda loo adkeysan Karin ay saqda dhexe habeenkii ku garaacaan dadka rayidka ah oo Guryahooda Hurda waana xilli dadka ku dhaawacma lala gaari Karin Wax Isbitaalka iyadoo dadka qaarkood ay dhiig bax iyo Daryeel la’aan ugu dhintaan Guryahooda.

“Anagu waxaana xildhibaan u nahay in aan difaaco shacabka Soomaaliyeed, umana dulqaadan karo in maalin walba iyo habeen walba lagu garaaco Madaafiic arxan daro ah” ayuu si kulul u yiri xildhibaan Maxamuud Geedi Aw Hilowle oo ugu baaqay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda KMG in ay gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa Madaafiicda lagu garaacayo goobaha ay dadku rayidka ah degan yihiin ee ka baxsan furumaha hore ee dagaalka, waxa uuna sii raaciyey “Waxaa la laayay dad Aroos ah, waxaa la xasuuqay qoysas aysan cidna ka soo harin, waxaa la burburiyey hanti fara badan, marka waa wax ay la soo baxeen ciidamada AMISOM xiligaan, marka waa in ay shacabka ka joojiyaan Madaafiicdaan”.

Markii ay ciidamada UNISOM yimaadeen Magaalada Muqdisho 1992 ayaa afhayeenkoodii waxa uu subax walba bixin jiray warbixin ku aadan halka ay mareyso hawlgalada ciidamada UNISOM, ayaa habeenkii Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Mareykanka waxay garaaceen Gaari Dameero tiradoodu gaareysay ilaa 16 Gaari Dameer oo hilib u soo siday Magaalada Muqdisho, markii subixii la weydiiyey Afhayeenkoodii sababta loo beegsaday dadkaa Masaakiinta ah ee Dameerada watay ayaa waxa uu yiri “Waxaana xalay duqeynay bartilmaameedyo ay lahaayeen Maleeshiyada Gen. Caydiid”. Saxafiyiintu xiligaasi si aad ah ayay ugu qosleen, waxayna Saxaafaddu soo bandhigtay Sawirada Dameeradii iyo hilbihii oo isku darsamay, hase yeeshee Afhayeenku waxa uu ku sii adkeystay in ay garaaceen bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Gen. Caydiid. Haddaba dad badan ayaa tilmaamaya in dhacdada hadda taagan aysan ka duwaneyn middii hore, waxa uuna Afhayeenka ciidamada AMISOM ku soo celceliyaa in ay beegsadeen bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen Xarakada Alshabaab.

Xildhibaan Zakeriye Xaaji Maxamed ayaa isna si aad ah u cambaareeyey xasuuqa ciidamada AMISOM ay ka gaysanayaan magaalada Muqdisho isagoo sheegay in waqti ay ahaataba lala xisaabtami doono ciidamada AMISOM isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka dagaalamaan xasuuqaasi waayo ciidamada AMISOM kama duwan ciidamada Itoobiya ee xasuuqa ka gaysanayey Magaalada Muqdisho sida uu tilmaamay, sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho ay yihiin dad aan marnaba ka damqaneyn shacabka Soomaaliyeed ee maalin walba la xasuuqayo, wuxuuna sheegay in iyana waqti ay ahaataba lala xisaabtami doono.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhaasro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.