Home » Warar »

Kampala: Kulan Madaxda Puntland iyo Jaaliyada Reer Puntland ee Uganda – Warbixin iyo Sawirro

Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo Madaxweynaha Puntland uu la yeesho Jaaliyada Reer Puntland ee ku nool Dalka Uganada ayaa waxaa lagu Qabtay Hoteelka weyn ee Sarena kulankaan oo ahaa Xaflad aad u balaaran oo uu soo qabanqaabiayay ganacsade Cumar Xaaji Axmed ( Mondela ) oo ah Ganacsade Reer Uganda ah oo Soomaaliyeed markastana aad u soo dhaweeya Madaxda Soomaaliyeed ee timaada Dalka Uganada qaas ahaan caasumada Kampala.

kulankaan oo ay ku kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo uu hogaaminaayo wafdi uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose Puntland Gen Ilkajiir iyo Jaaliyada Reer Puntland oo ay iskugu jiraan Hogaamiye Dhaqameedyo, Ganacsato, Culama oo diin, Ardey, iyo Haween ayaa ku bilowday jawi aad u degan iyo Furiyaanka Quraanka kariimka ah.

Halkan ka daawo Sawirada RIIX/GUJI

Kulanka oo ahaa is xogwareysi Madaxda Puntland ee uu hogaaminaayo Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeentii ay ka hadleen xubno ka mida Jaaliyada Reer Puntland oo iskugu jira Dhaqanka, Ardeyda iyo Ganacsatada oo intaba Madaxda ku soo dhaweeyay kulanka iyo xaflada aadka loo soo agaasimay.

Ardey matalayaya Ardeyda waxkabarata Dalkaan Uganda ayaa ka warbixiyay sida adage e ay wax ku bartaan aygoo gaaraya ilaa 560 ardey oo iskugu jira Rag iyo Dumar Ardeygaan ayaa Madaxda Puntland ka codsadey in ardeyda ka qalin jabisa Jaamacadaha Dalkaan Uganda la siiyo Shaqo si ay uga qeyb galaan Horumarka Amniga iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

Ganacsade ka hadlay xaflada ayaa ka codsadey madaxda Puntland in ay dowladu samayso jawi lagu maalgashan karo Degaanada Puntland oo Bangiyada Puntland ay sameyaan dhiiragalin maalgashadayaasha si loo sameyo horumar xaga ganacsiga iyo shaqo abuurid loo sameeyo dadka ku nool Puntland gancasadahaan ayaa tilmaamay in ay Ganacsato badan rabaan in ay maalgashadaan Degaanada Puntland.

Xildibaan Cabdixakiin Dhooba daareed oo lagu soo dhaweeyay in uu xiriiriyo Madaxda Puntland iyo Jaaliyada ayaa sheegay in uu ku sugnaa Uganada caasimadeeda kampala mudo shanbilooda intaa uu joogay Uganada uu la yaabay sida qadarinta leh ee Madaxda iyo Shacabka Uganada ay u siiyeen Dadka Soomaaliyeed aydoo dhibaato aad u weyn lagu sameeyay Dadka Uganda hadana ay aad u qadariyaan Dadka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in abaalkaa aan la ilaawin sida uu sheegayna dhibaato lagu hayo Dadka Soomaaliyeed dalal ka mida Afrika.

Waxaa lagu soo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Puntland Gen Ilkajiir oo ugu horeen uga mahadceliyay Qabanqaabiyayaasha Xaflada oo ahayd mid mahiima oo loo baahnaa Wasiirka ayaa sheegay in ay u farxad galisay Roobkii ka da,ay Puntland ayna u xigtay Kulankaan oo isagana farxad galiyay wasiirka ayaa u mahad celiyay Madaxda Dalka Uganda waxaana uu ku ka codsadey ganacsatada ay maalgashtaan Dalkooda wasiirka ayaa tilmaaay in ay jiraan Website-yo been sheega dadku in aysan aqrisan oo hadii ay wax maqlaan ay la soo xiriiraan wadankii Aqoonta xiriirka ayaa keena hogaan fiican ayuu yiri wasiirku oo Aqoonta la kobciyo ayna hada Puntland ay leedahay ilaa 5 Jaamacadood oo ay horumar ay ka sameynayaan xaga aqoonta wasiirka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay ka furan Xafiis Dalaka Uganda oo ay leedahay jaaliyada Puntland eek u nool dalka Uganda.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ugu horeen uga mahadceliyay Qabanqaabiyayaasha iyo Ardeydii iyo Dhaliyaradii ku soo dhaweeyay Dalka Uganda Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee Degaanada Puntland oo sheegay in ay wadaan Dadaal lakiin ay inbadan ka maqanyihiin xaga ganacsiga oo u bahaan in la habeeyo oo la helo dad fahansan canshuurta la bixinayo, madaxweynaha ayaa ka hadlay dhisidii Puntland oo keentay horumar xaga Amniga iyo Horumarka tasoo Dowladii hore ee Soomaaliya ay dhulkaa waxaba ka qaban oo aysan lahayn Airpor wanaagsan oo lwaxiisa ay u dhanyahiin Dekadana aysna lahayn wixii looga baahnaa Dekad shaqeynaysa.

Madaxweynaha oo qudbad aad u dheer ka jeediyay Xaflada Kulanka Madaxda Puntland iyo Jaaliyada Reer Puntland ayaa sheegay in ay u yimaadeen Dalka Uganda sidii xal loogu heli lahaa dalkii Soomaaliya oo wali arintiisu aan xal loohelin Madaxweynaha ayaa ku waaniyay Ganacsatada iyo Ardeyda ku nool Dalka Uganda in ay dadaalkoda aysan yareynin ayana ku dadaalaan in ay ka qeyb qataan Wadanka ay ku noolyahiin Amnigiisa oo cidii wax yeelaysa Dalka iyo Dadka Uganada ay iska qabtaan aysan ku soo hoos gaban oo aan la oran Dad Soomaaliyeed ayaa Amniga wax yeelaya/

Madaxweynaha ayaa gabagabadii ka jawaabey su,aalo ay weydiiyeen ka soo qeyb galayaashii Xaflada isagoo sheegay in ay jiraan fadhi ku dirir wax in uu haleeyo mooyee aysan jirin wax in uu wanaajiyo iyo Website-yo been lagu qoro kuwaas aan la dhageysan waxaa uu ku tilmaamay in ay jiraan kuwa wata tanag faaruqa oo qeylo dheer sameynaya marka ay garaacaan lakiin tanagoodaa uu yahay mid maran oo ay Puntland tahay mid isku xiran oo aan cidna waxba ka sameyn Karin midnimada Puntland.

Halkan ka daawo Sawirada RIIX/GUJI


A/Fatah jama Mire

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kampala: Kulan Madaxda Puntland iyo Jaaliyada Reer Puntland ee Uganda – Warbixin iyo Sawirro "

  1. rajo says:

    Madaxweyne Faroole, waa nin runtii dadaalaya. Waa markii ugu horeysay oo ay puntland u soo baxdo barxada siyaasada adduunka

    Bishii la soo dhaafay waxaa booqday Bosaso senater Kirk; waxaa Garowe tegay wasiirka arimaha UK oo la kulmay odayaasha reer Sool
    Puntland waxaa looga yeeray shirka wadamada safka hore, oo laga reebay Galmudug iyo gobalada kale. Good Job Mr. Presiden