Home » Faallo »

Bannaanbax Deg deg ah oo ku wajahan Commonwealth iyo Damacooda Badda Soomaalida in la sameynayo 26 June 2011

May 07, 1979, markii uu¬†Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee¬†WESTERN GECO, waxaan ahaa mas‚Äôuulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha(Charg√© D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada¬†Sweden, Denmark iyo Norway .

—————————–

Bashir Sheikh Mohamed

Waxaan Halkan ka salaamayaa Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaana ILAAHEY ka baryayaa in uu naga qabto KENYA, NORWEY iyo COMMONWEALTH oo dhibkan haysta badda Soomaaliya aay ka dambeeyaan.

Inta aanan guda galin warbixintan waxaan rabaa in aan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiiyo qorshihii ahaaBannaanbax Deg deg ah oo ku wajahan Commonwealth iyo Damacooda Badda Soomaalida in la sameynayo 26 junyo 2011.

Waxaan kaloo aan Ummadda Soomaaliyeed  gaarsiinayaa in qabanqaabada   iyo  isku daubaridka barnaamijka Banaanbaxa aay qabanayaan  Ururka Wadaniyiinta Soomaaliyeed oo lagala xiriiri karo E-mail:info@waddaniga.org ama soomaalibaanahay@hotmail.com iyo web-ka www.waddaniga.org.

Waxaannu la wada soconna in haweenka Soomaaliyeed aay qeeb weyn ka qaateen xilligii xorriyad doonka ayagoo waxaay dahab lahaayeen ugu deeqay xorriyaddii Soomaaliyeed. Maantay dahab bixiya idinmalihi, laakiin waxaan idiinla socodsiinayaa in la-aantiin aaysan waxba qabsoomeen.

Raggii waa seexdeene ee toosiya  oo soo abaabula bannaanbaxan si dhul badeedka Soomaaliyeed uu u nabad galo.

Waxaan kaloo Baarlamaanka ka codsanayaa in uu soo  saaro xeer uu ku cadaynayo in Badda Soomaaliya, laga bilaabo 2009 ay tahay 350 mayl-badeed, si sheekada 200 mayl loo soo afjaro.

Waxaan idiinla socodsiinayaa in Norwey iyo Commonwealth aay si cad oo bareer ah uga go-antahay in aay badda Soomaaliya u gacangaliyaan Kenya ayagoo meel kasta u maraya, taas ayaana keentay in dhibaatada badda Soomaaliya aay soo noqnoqoto.

COMMOWEALTH waa urur ku shuqul leh xiriirinta Dowladaha Barwaaqo sooranka. Commonwealth ma lahan awood aay ku masaxdo ama ku tirtirto sharciga badaha ee Soomaaliya uga diinwaangashan Qaramada Midoobay, laakiin khayaanada aay wataan  waa  madaxdii soomaaliyeed oo aay adeegsanayaan ayagoo si dadban u caddeynaya in aay ka tanasuleen sharcigii badaha ee Soomaaliyeed, kaddibna aay dhahaan CID KU KHASABTAY LAMA HAYO ee ayagaa iskood uga tana sulay, Arrintaan oo kale horay ayeey u dhacda oo waxaa la yiri HESHIISKII ISAF-GARAD  LAGUMA KHASBIN SOOMAALIDA ee iskood bay u saxiixeen.

Hadda tii oo kale baa socota waana arrinta uu ku dhaqaaqay Wasiirka Kallumeysiga oo aay UK kula kulmay kuwa khiyaanada la DIG IYO DAM LEH  ayagoo usoo dhiibay dokumenti iyo qariidado cusub oo la leeyahay waa cabirkii cusbaa ee wax hore ma jirin ee halloo gudbiyo Qaeramada Midoobay.

Walaalayaal waa arrintaas midda aan banaanbaxa ka sameyneyno ee sidaas ula socda.

Waxaan rabaa in aan Ummadda Soomaaliyeed u sharraxo sida aay ku billaabatay dhibaatadaan boobka dhul badeedka soomaaliya ayadoo aanu wada  ognahay in wax dhibaato ah aaysan horay u jirin intii ka horreysay HESHIISKII IS-AFGARAD oo ahaa bilowgii dhibkan oo illaa iyo hadda socda.

Markii uu bilowday qabanqaabadii Heshiiskii IS-AFGARAD ayaa waxaan qoray warbixintii ugu horreysay oo ciinwaankeedu ahaa:- Warbixintani waxaay ku saabsantahay Batroolka badda oo loo qodayo dalka Kenya, waxaana lagu soo daabacay QARANKA ONLINE.

Warbixintaas waxaan ugu tala galay in aan Ummadda Soomaaliyeed ka dhaadhiciyo in Shirqoolka aay wadaan Kenya iyo Norwey uu ku saabsanyahay Batroolka ku jira  dhul xeebeedka Soomaaliya oo la rabo in Kenya loo gacangaliyo, taas ayaana keentay in dhibkan dhul badeedka Soomaaliya in uu soo noqnoqdo.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aan warbixin kale ka qoray markii uu bilowday isku daygii labaad ee Boobka dhul badeedka Soomaaliya oo ku beegnaa shirkii Istambul lagu qabtay laguna dhawaaqay in Somaliya baddeddu cabirneyn, loona cabbirayo ayadoo lagu marmarsiyoonayo ka faaideysiga kallumeysiga Soomaaliya.

Warbixintaas waxaan qoray Shirkii Istambul oo socda maalintiisii Kowaad, ciinwaanka warbixintana waxuu ahaa:- Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran.

Walaalayaal, waxaan Ummadda Soomaaliyeed  la socodsiinayaa in assalka dhibaatadaan dhul badeedka Soomaaliya soo foodsaaray uu yahay Batroolka ku jira dhul badeedka Soomaliya oo la rabo in Kenya loo gacan galiyo, ayadoo lasoo ogaaday in dhul badeedka Kenya uusan batrool ku jirin.

May 07, 1979, markii uu¬†Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee¬†WESTERN GECO, waxaan ahaa mas‚Äôuulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha(Charg√© D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada¬†Sweden, Denmark iyo Norway .

Haddaba, aniga aad uga xun boobka iyo bililiqeysiga lagu hayo dadkeygii iyo dalkeygii hooyo ayay ila noqotay inaan walaalaheyga Soomaaliyeed u soo gudbiyo wixii waayo aragnimadeyda ah, aana garab istaago walaalaha qalinka u qaatay sidii ay u difaaci lahaayeen dalkeenna iyo guud ahaan danaheennaba.

Waxaana aan isku dayi doonaa aniga oo soo koobaya inaan idiin soo gudbiyo waxa aan ka ogahay sida uu ku billowday qorshahaan shidaal baarista ee ay Norway ka waddo Bariga Afrika, anagoo la soconna meesha halista ah ee maanta xaalku marayo iyo in hadda la isku dayo in dhulbadeed ay Soomaaliya leedahay loo sharciyeeyo Kenya.

Walow ay Qaramada Midoobay dhowaan hor istaagtay heshiiskii is IS-AF-GARAD, waxba kama jiraanna ay ka soo qaadday. Haddana weli waxaa taagan khatar weyn oo mudan in aad looga foojignaado. Waxaana beryahaan soo shaacbaxaya warar ka soo baxaya shirka Istanbul oo la leeyahay dhulbadeedka Soomaalidu soohdin sharci ah ma laha, lana leeyahay haddaa soohdin loo sameynayaa.

Sidaan horay u sheegay  Mudane Cabdullaahi Ciise (AHN)  oo markaas ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Stockholm (Sweden) ayaa soo qalqaaliyay heshiisna la gaaray shirkadda WESTERN GECO oo ay xarunteedu tahay waddanka Norway.

Shirkaddaasi  sanadkii 1980kii ayay billowday in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe. Wajigii labaadna Baraawe ilaa Hoboyo.

Baaritaankaas shidaalka lagu sahminayay wuxuu qaatay muddo laba bilood ah, kadibna si loo ogaado natiijadii ka soo baxday baaritaanka markabkii howsha waday wuxuu dib ugu laabtay saldhiggiisii STAWANGER ‚ÄďNorwey. Ka dib, waxay inoo sheegeen¬†¬†in baaritaankii ay ku guuleysteen qeybtaas dhul-badeedka Soomaaliya ee ay baareenna ay ka heleen¬†¬†laba god oo aad u waaweyn.¬†¬†Waxay noo sheegeen in keydka bartoorka ee ku jira labadaas god uu ka badanyahay keydka betroolka ee ku jira waddanka Norway oo dhan, ayadoo Nowey lagu tilmaamo dalalka ugu keydka batroolka badan qaaradda Yurub.

Shirkadda WESTERN GECO iyada oo ku faaneysa guusha ay ka gaartay sahmintii batroolka ayay warbixin arrinkaas ka hadlaya ku qortay  Warside ( Bulletin) bishiiba mar soo baxa oo ay shirkaddu iska laheyd. Waxayna warkooda gaarsiiyeen shirkadaha batroolka baara si ay ugu muujiyaan guusha ay ka gaareen batroolkii ay Soomaaliya ka sahmiyeen.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN),  ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR,  Total-Fina-ELF (French company).  Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.

Waxaan rabaa hadalkan aan idiin sheegay in aan mar kale idiinku soo celiyo sababtoo ah waxaa ku jira xigmad aad u qoto dheer oo ku saabsan sababta Norwey looga joojiyay  shidaalbaristii aay Somaliya ka waday.

Waxaan idin iri Shirkadahaas aan soo sheegay waxaay iska leeyihiin XUQUUQDA SHIIDAAL BAARISTA BAD IYO BIRRIBA. Xasuusta hadalkaas. Shirkadahaasi markii ay heleen akhbaartii ku qorneyd warsidaha (bulletin) ee Western Geco,  wey baraarugeen oo Soamaaliya ayey isku wada shubeen, ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta shirkadda WESTERN GECO loogu oggolaaday in badda Soomaaliya batrool ka baarto. Waxayna shirkadahaasi ku doodeen in lagu xadgudbay heshiisyadii caalamiga ahaa ee lala galay.

Dowladdii Soomaliyeed waxaa khasab ku noqotay in ay si deg deg ah baaritaankii batrool uga joojiso shirkaddiiWESTERN GECO, ayadoo heshiisku ahaa in ay baaraan badda Soomaaliya oo dhan. Baaritaankaas kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2 malyan oo doolar, siddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baaritaan batrool. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay rajadii ay Norway ka qabtay batroolka Soomaaliya.

Haddaba sanadahaan dambe Norway ayadoo ka faa‚Äôideysaneysa qaska iyo dowlad la’aanta ka taagan Soomaaliya ayay markale isku dayday iney soo nooleyso damacii ay ka laheyd batroolka Soomaaliya oo ay weli ka samri la‚Äôadahay. Waxaase nasiibdarro ah in dowladda Norway ay arrintaas u martay waddo qaldan oo sharci darro ah. Waxaan la wada soconna in Norway ay sanadahaan dambe shidaal baaris ah ka wadday xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan kale oo aan la soconnaa kaalintii firfircooneyd ee Norway ku laheyd heshiiskii IS-AF-GARAD ee Kenya iyo Soomaaliya ay wada saxiixdeen. Arrinka kale ee la yaabka lihi waa kaalinta Qaramada Midoobay iyo ergeygeeda ah ee arrimaha Soomaaliya Ahmed Oloude Abdalla ay ku leeyihiin isku dayga lagu doonayo in lagu  booboo badda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la yaab leh shirka hadda socda (soo gabagaboobay May 23, 2010) waddanka Turkiga ee la leeyahay Soomaaliya ayaa bad loo sharciyaynayaa (ayadoo loo marayo kalluumaysiga). Maxay iskaga indhotirayaan kuwa arrimahaan aan laga fiirsan faraha kula jiraa heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya horay u gashay oo muujinaya in Soomaaliya ay leedahay xuquuqda batroolka badda ee ku jira ilaa 200 mayl-badeed (370km) ? Kuwa Soomaalida matalayaase miyeysan u warheynin in Soomaaliya ay leedahay xeerar si cad muujinaya xuduudaha badda Soomaaliyeed oo caalamku aqoonsanyahay, heshiisyo caalami ahna ay ku gashay?.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si aad ah uga horyimaadaan iskudayada iyo heshiisyada lagu doonayo in lagu booboo dhulkooga iyo khayraadka ku jiraba. Ma jirto maanta cid noo maqani, waana in aan gacmaha isqabsanno kuna dadaalno wixii tabarteenna ah inaan ku difaacanno dalkeenna.

 

Bashir Shekh Moxamed (Holland)

bashirmohamud@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bannaanbax Deg deg ah oo ku wajahan Commonwealth iyo Damacooda Badda Soomaalida in la sameynayo 26 June 2011 "

  1. Waan idin salaamay bahda Somalitalk iyo qoraha maqaalkan iyo intii daacad ka ahba in aan la boobin biyaha badda Soomaaliyeed iyo dhulkeeda. Runtiina waxaa aad u xun in qof amaba koox sheeganeysa in ay mas`uuliyiin ka yihiin Qaranka Soomaaliyeed ay u shaqeystaan danahooda gaarka ah ayaga oo raba si aan sharci ahayn in ay ugu ansixiyaan biyaha iyo dhulka badda Soomaaliya, taas oo aad moodo in ayba qarinayaan biyaha badda Soomaaliyeed oo horey u cabirneyd waxayna ilowsan yihiin in ay jireen ayna jiraan dad la socda oo haya yaqaanana cabirka badda Soomaaliyeed, waxaan idin leeyahay Illaahay ayaa gudi kara abaalkiina ee halkaas ka sii wada dadaalkiina. Umadda Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in ay dhagaha u furaan oo dhageystaan baaqayadda ay ku baaqayaan raggan Soomaaliyeed ee dadaalaya, kuna dhiiri galisaan dadaalkooda kana soo qeyb gashaan mudaaharaadyadda ay ku baaqayaan. Baarlamaanka tiradda badana waxaan leeyahay baaqa raggaan maqla oo biyaha badda Soomaaliya cadeeya sidii hore loogu aqoonsanaana haddana ah 350 mayl badeed diidana 200 mayl badeedka dhagarta ah sida ay cadeeyeen dadka la socda xeerka baddaha caalamiga ah iyo heshiisyadii horeba.

  2. Walaalayaal waxaan rabaa in aan ka faaiidesto boggan, anigoo raba in aan
    daba dhigo qoraalkeygan , fikir uu soo jeediyay muwaadin Soomaaliyeed kolkii uu akhriyay qoraalkeygii aan ka qoray batroolka Soomaaliya.
    Fakarkiisaan anigu waxaan u heystaa in uu yahay warbixin rasmi ah oo uu
    noogu sheegayo damaca aay Keenya ka leedahay batroolkayaga in uu
    qoto dheer yahay.
    SOOMAALIYEEY yaan arrintan la sahlaninee inta aay gori goor tahay aan kulligayo hal meel kasoo wada jeesanno si QORSHAHANI u xirmo.
    Walaalkeey Moxamed Xaaji Xussen aad ayuu ugu mahadsanyahay warbixintan qaaliga ah oo uu nasoo siiayay, waana tan:-

    1. Mohamed says:
    Saturday, June 5, 2010 at 9:59 am
    Magaceygu waa Maxamed Xaaji Xusseen, waxaan ahay Muwaadin Somaliyeed,
    Waxaan aad u xasuustaa 2003 dii Habeen aan daawaday TVga NTV Kenya anigoo jooga
    Nairobi wexey wareysanayeen Nin Kamida Shirkad baareysa Shidaalka kenya halka
    ugudhaw ee Kenyanku aay kasoo saaran karaan Shidaalka,
    Ninkaan Jarmal ayuu ahaa wuxuu leeyahay waxaan tegay Lamu, Mombasa, iyo Gobolka
    Somalida ee North Eastren oo uu katilmaamay Mandheera,

    Wuxuu sheegay nin Mandheera Shidaalka kenya ugubadan uu kujiro laakiin baarid
    dheer kadib aay shirkaddiisu ogaatay Afga Shidaalkaasi in uu kuyaalo LUUQ, aad
    ayey yaab iigu noqotay wariyihii ayaa weydiiyay Su’aal ah oo LUUQ waa Somalia ee
    sidee kusuurtageleysaa? wuxuu ugu jawaabay Dowladda Kenya ayaa taas Jawaabteeda
    laga doonayaa ee Shirkaddeyna wexey leedahay Sheegidda halka ugu dhaw Shidaal,
    iyadoo aay intaas maskaxdeyda kujirto ayaan maqlay wax loogu yeeray IS AF GARAD,
    usameyn xuduud badeed 50 sano kadib!!! aad ayaan ulasiiyaabay una soo xasuustay
    sheekadii Shidaalka Kenya Afkiisa LUUQ ayuu jiraa,

    Waxaan doonayaa in aan halkaan ugu sheego Dhamaan Muwaadniinta Somaliyeed
    inDhulkeynu yahay Dhul u wada calaameysan Cadowgeena iyo Shirkado lana doonayo
    marba kiisoofuula Kursiga laga saxiixdo meeshii ladoono marka waa in aan
    sameynaa sidii aan uga hortegi laheyn,
    wexeyna ilatahay in Baarlamaanku uuqabankaro oo uu joojinkaro heshiisyada
    qaarkood sida hadaba dhacday in kastoo laftiisu uu hurday oo mardambe uu kusoo
    baraarugay.
    Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Saxaafadda Soomaaliyeed ee ka dhiidhisay Boobka
    Dhulkeykna, iyo Aqoonyahanada soobandhigaya sirta Dalaalada doonaya iibinta
    Hanti Qaran, Taariikhda ayaa xusi doonta intii ka dhiidhisay Xadgudubka aan
    gabashada laheyn,
    Maamulka Sare iyo Dhamaan Qorayaasha Somalitalk waxaan leeyahay
    leeyahay Iga Gudooma Abaal marin taas oo ah in aad hesheen Dhamaan inta Qalbi
    wanaagsan ee Somaliyed in aay kadaawatay Webkan been xaduudeedka ah, waxaan
    tegay Mogdishu 2009 awalkiisii Bari ayaan tegay Woqooyi Djabouti, South Africa,
    DUBAI Mexcio oo aan hadda Joogo intii aan arkay wexey kadaawadeen Somalitalk,
    waana dadaalka aad sameyseen taariikhda ayaad Baal dahab ah Kagasheen ee siiwada
    Horumarka..
    By: Mohamed Haji Hussein.