Home » Warar »

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka oo Codkooda ku biiriyey Badbaadinta Suuqa Bakaaraha

Kulan ay soo abaabuleen Ururrad Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee oo looga hadlayay sidii lagu badbaadin lahaa hantida taalla Suuqa Bakaaraha oo ay dagaallada ka socda Muqdisho ay ku dhawaadeen ayaa ka dhacay xarunta ay hay’adda SOSCENSA ku leedahay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay 25 xubnood oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Culumaa’uddiinka, Ganacsatada, Ururrada Haweenka, Dalladaha Waxbarashada, kuwa Caafimaadka iyo Suxufiyiinta, waxaana kulanka looga dooday saameynta ay dagaalladii ugu dambeeyay ku yeesheen Suuqa Bakaaraha.

Dood dheer kaddib, kulanka waxaa laga soo saaray baaq ku wajahan sidi lagu badbaadin lahaa hantida taalla Suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn ee gobollada Koonfurta Somalia.

Baaqa oo uu saxaafadda u akhriyay C/qaadir Ibraahim Gacan (Abkow) oo ah guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in hantida taalla Suuqa Bakaaraha oo ah mid ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed la badbaadiyo, waxayna badbaadinteeda saaran tahay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa baaqaa lagu sheegay in Suuqa uu noqdo goob dagaallada ka caaggan ayna dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ay nabadgeliyaan suuqa iyo hantida taalla.

Dowladda Somalia ayaa laga dalbaday inay bixiso ballanqaad cad oo ku wajahan badbaadinta Suuqa Bakaaraha. Iyadoo sidoo kale Xarrakatul Shabaab iyada laga codsaday inay gacan ka geysato sidii uu suuqa bakaaraha u noqon lahaa goob ganacsi oo ka madaxbannaan in lagu dagaalamo.

Gabgabadii baaqa ayaa lagu sheegay in ciidamada DFKMG ah, AMISOM, Ahlusunna iyo Al-shabaab ay xil iska saaraan badbaadinta suuqa Bakaaraha, dagaalkana ka wareejiyaan. Maadaada ay Tahay Hanti Umadda Soomaaliyeed ay ka wada dhaxeyso

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiin khasaaro @ yahoo. co. uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.