Home » Warar »

Xildhibaanada Shacabka ee golaha Deegaanka Gobolka banadir oo sheegay in guriga ra’iisal wasaaraha DFKMG Xoog looga soo saaray xili ay qaabilaad ka sugayeen

“markii raiisal dowluhu ay na fadhiisisay salootada raiisal wasaraha qabilaadiisa lagu sugo una sheegtay xoogheynta in inagu aan ku xigsan doono wasiirka gaashaandhiga oo xiligaa xafiiska qaabilaad ugu jirey markii wasiirul dowluhu baxday ka dib ayaa xoogheyntii Raisalawasaaruhu si asluub xumo ah nooga soo saaray xafiiska.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xildhibaanada golaha shacabka ee Deegaanka Gobolka banadir –

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan xildhibaanada golaha deeganka ee gobolkani banadir ayaa intiisa badan looga doodayey xaalada uu marayo Gaar ahaan Gobolka banadir iyo culayska ku soo kordhay sidii ay howlahoda u gudan lahaayeen xildhibaanada golaha deegaanka ee Gobolka banadir.

Kulankaan oo diirada lagu saarayey dib u dhaca ku yimid gudashadoda waajibaadka shaqo ee loo igmaday iyo waxa hortaagan ayey intooda badan eeda dusha ka saareen madaxda ugu sareyso ee dowlada fadaraalka KMG somaliya .

Ibraahim Maxamed Xasan oo ku saxiixnaa warmurtiyeedka isla markaana saxaafada u akhriyey ayaa ka cowday isla markaana dhaliil dusha ugu tuurey mas’uuliyiinta dowlada oo u sheegay in howlahooda ay is hortaag ku sameeyeen waxaana warsaxaafadeedka la qeybiyey oo aan nuqul ka mid ah helney u qornaa sidaan:

Ujeedo warsaxaafadeed :

Golahaan markii la dhisay waxay doorteen gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalada iyo ku xigeenadiisa iyo xoog haayaha guud ee Gobolka Nabadir

Halkan ka daawo sawirada shir saxaafadeedka

Waxaase wax aad looga xumaado noqotay in iyada oo aan wax tixgalin ah la siinin Golihii howshaan lahaa in la soo magacaabo gudoomiye Gobolka Banadir Cusub iyo ku xigeenadiisa iyo Xoog haaye ‘maamulkii hore loo doortayna laga xayuubiyey Xilkii :

Waxaa taas ku xigay in xafiiskii uu lahaa Golaha deegaanka Gobolka ( city council ) ku shaqeynayey isaga oo xiran uu amar ku bixiyey in la jabiyo xoog haayaha Gobolka la magacaabayFurihiina uu haayo Maamulkii Golaha deegaanka la doortay waxaana xafiiskii la siiyey hay’ad aan wax shaqo ah ku laheyn howlaha Gobolka banadir .

Iyada oo arintaas xumi ay jidho ayaan waxaan la kulanay Madaxweynaha Jamhuuriyada fadaralka KMG Somaliya June 16-2010 waxaana u sheegnay waxa dhacay oo dhan ,wada hadal ka dib wuxu noo sheegay in u dib inoogu yeeri dooono ilaa iyo hada wax nala soo xiriiray ma jiraaniin .

Waxaa hadana dhacaday in mar labaad la soo magacaabay Gudoomiye Cusub inaga oo tii hore ka walaacsan oo aan welina wax talo ah nala weydiinin hadaan nahay ( city council ) Muqdisho.

Arimahaas oo dhan markii ay dhaceen ayaan warqado qoraal ah oo cabasho ah u dirnay madaxda Hoos ku cad

1. Raiisal wasaaraha dowlada fadaralka KMG somaliya oo aan warqad cabsho ah u qornay 22-12-2010 Taas oo ku taariikhsaneyd 19-12-2010 waxaa nasiib daro ah xubnihii geeyey warqada xafiiska raiisal wasaaraha una sii mareen sida sharciga ah wasiirul dowlaha xafiiska raiisal wasaraha una gudbiyeen warqadii ayaa loo diyariyey qaabilaada raiisal wasaaraha 15-01-2011 markii raiisal dowluhu ay na fadhiisisay salootada raiisal wasaraha qabilaadiisa lagu sugo una sheegtay xoogheynta in inagu aan ku xigsan doono wasiirka gaashaandhiga oo xiligaa xafiiska qaabilaad ugu jirey markii wasiirul dowluhu baxday ka dib ayaa xoogheyntii Raisalawasaaruhu si asluub xumo ah nooga soo saaray xafiiska.

2. Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo aan warqada u geynay 30-01-2011 taas oo ku taariikheysneyd 29-01-2011

3. Gudoomiyaha golaha barlamanka oo aan warqad taa l amdi ah u geyney 25-04-2011
Intaas oo warqadood oo dhamaantood cabashooyin ah kama helin wax jawaab ah iyo xiriir nala la soo sameeyey ilaa iyo hada Sidaas owgeed Golaha deegaanka

Gobolka banadir waxay ula muuqataa arintaan soo noqnoqotay in ay tahay ku tagri fal awoodeed iyo cuuryaamin barer ah oo howshii dastuuriga aheyd oo ay u xilsaarnaayeen Xildhibanada Golaha deegaanka Gobolka banadir

Golahaan ayaa ka kooban ilaa 64 xildhibaan iyada oo la doortay 25/11/2008 dowladii Corneyl Cabduilaahi yuusuf ee uu raiisal wasaaraha ka ahaa nuur Xasan Xuseen Nuur cade 27/11/2007 waxay doorteen fadhigoodii ugu horeeyey godoomiyha Gobolka ahne duqa Magaalada Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo ku xigoonadiisa ilaa iyo hadana waxay ku doodayaan in ay shqadooda wataan isla makraana ay dowlada dhaxe is hortaag howlahooda ku sameyneyso

Warqadaan waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Golaha deegaanka Gobolka banadir

AVV.Ibraahin Cusmaan Mursal

###

Waxaa soo tebiyey

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.