Home » Warar »

Shacabka Muqdisho oo ku tilmaamey Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Nairobi Saddexdii Haween ee dhabarka laga wada Taabtey

“Waxaan leeyahay Saddexda mus’uul waa in ay deg deg isku Casilaan maadaama Masiirkii Soomaaliya la hoos geeyey Qaramada Midoobey, shirka soo socda aysan soomaali Maamuli doonin” Ing Faarax Ismaaciil….

Magaalada Nairobo lagu soo gabagabeeyey kulan loogu magacdarey “kulanka la tashiga ee Xaalada kala guurka Soomaaliya”, waxaana ka soo baxay Go’aano ku saabsan Xaalada Soomaaliya iyadoo Masuuliyiintii ugu Sareeysey ee lagu martiqaadey kulankaas uu mid weliba uu sheegey in ay soo dhaweynayaan Go’aanadaas, hadaba Shacabka Muqdisho sidee buu u arkaa kulankaas – waxaana ka soo ururriney aragtiyo kala duwan  oo ku aadan Shirkaas:

Dr Xasan Ibraahiim oo ah macalin wax ka dhiga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa waxa ka weydiiney aragtidiisa ku aadan kulakaas wuxuuna yiri”Hadda ka hor ayaa nin waxaa jeclaadey sadex Haweenka ka dib Haweenkii Baa isku qabsadey Jaceykii ninka ka dib waxay u soo jeediyeen ninkii in uu kala saaro Sadexda Haween, waa uu fakerey ka dib wuxuu u sheegey in Haweentii uu dhabarka ka taabto uu jecel yahay , sadexdoodii buu indhaha ka xirey kadibna  dhabarka u jeediyey wuxuuna bilaabey in mid weliba uu dhabarka ka taabto, sidaa bay ku soo baxeen iyadoo mid weliba  is leedahay adiguu dhabarka kaa taabtey uuna ku jecel yahay,marka waxaa Xaqiiqi in sadexda Masuul dhabarka laga soo wada taabtey waayo Go’aano aan si wanaagsan  loogu kala saarin baa laga soo saarey iyadoo mid weliba uu ku qancan Qodobadaas waayo waa la ogaa in tiro afar jeer oo ay ku kulmeen Muqdisho ayey ku heshiin waayeen ayaa hadana waa la soo yiri soo heshiiya oo khilaafka dhameeya marka waxaan u urkaa Shirkaad mid lagu sii kala fogeynayo labada Shariif waxana kama duwana Haweenkii Dhabarka laga wada taabtey.”

Ing Faarax Ismaaciil oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed  oo isna aan wax ka weydiiney Qodobadii ka soo baxay kulankaas ayaa yiri”Aad baan uga xumahay  in Masuuliyiintii ugu sareeysey ay maanta heshiisiyaan Xubno Danjirayaal oo weliba si aad ah ah u canaantaan taasi waa mid meel ka dhac ku ah Qaranimadii Soomaaliya waxaana hadana iga sii yaabiyey markii la yiri waa in aad ka dambeeysaan ergeyga  Qaramada Midoobvey ee Soomaaliya Mahiga wuxuu idiin soo jeediyana aad yeeshaan, waxaa loo sii raaciyey waa in aad kaga dambeysaan Shirka lagu qabanayo Muqdisho waana  mid kale oo gef ku ah iyadana Qaranimadii Soomaaliya , waxaa soo if baxay wararkii aan maqli jirey ee ahaa haddii Dadka Soomaaliyeed heshiin waayaan in la geliyo Soomaaliya Maxmiyad Qaramada Midoobey hoos tagta marka soo kuuma muuqata Xiligaan ay na maamulayaan Qaramada Midoobey marka waxaan leeyahay Saddexda mus’uul waa in ay deg deg isku Casilaan maadaama Masiirkii Soomaaliya la hoos geeyey Qaramada Midoobey shirka soo socda aysan soomaali Maamuli doonin.”

Yuusuf Maxamed Cali oo isna ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa wax ka weydiiney Go’aamadii ka soo baxay kulankii Nairobi wuxuuna ku jawaabey” Shirkii wax Go’aano ah oo ka soo baxay ma jraan waayo waxaan markii hore is lahaa waxaa lagu heshiisiinayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo iyagu horey ugu heshiin waayey Magaalada Muqdisho Tiro afar jeer ah marka waa Go’aano lagu sii abuurayo Colaad hor leh waayo shirka Nairobi waa   fursadii keliya ee lagu heshiisiin lahaa labada Shariif balse ma ahayn in la yiraado Khilaafkiina Ku dhameeya Muqdisho marka Beesha Caalamka dhab kama aha in Soomaaliya ay lugaheeda isku taagto marka shirka soo socda wax natiijo ah kama soo baxayaan Soomaaliya waxaa loo rabaa in Xaaladeeda iska sii jiitanto .”

Isku soo wada duuboo Shirkii Nairobi shacabka Soomaaliyeed Badankood waxay u arkaan mid aan Natiijo rasmi ah ka soo bixin iyadoo qofkii aad weydiiso oo aad tiraahdo ka waran shirkii Nairobi wuxuu ku leeyahay isagoo Careysan” Soomaaliyey isku tashada intaad Shisheeye aad wax ka sugeysaan waqtiga yuu idiin ka dhamaan waayo waxaa Xaqiiqo ah in dalkaan ay heysato Faragelin Shisheeye oo ay isku haystaan dalal fara badan oo mid weliba uu danno gaar ah ka leeyahay.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaro1@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shacabka Muqdisho oo ku tilmaamey Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Nairobi Saddexdii Haween ee dhabarka laga wada Taabtey "

  1. Mahad says:

    Waxaa nasiib xuma ah in ninka qoray qormadan inuusanban ka warqabin systemka UN ka ushaqeeyo, goormeey shaqeeyaan, sideey ushaqeeyaan io meesha ay kashaqeeyaan,
    Somalia waxay security councilka ka arimaneysay 1971-1972.
    Silsilada from dowlad ilaa UN ka u dhaxeysa wa in lafahmaa marka hore,
    UN ka waxay wa golaha looga arimiyo dowladaha dunida, bal aan fiirinoo dowlado xoog leh oo futada laga feedo sida North korea, Iran, Iraq, waxaad lawada socotaan hay ad yar ama laan yar o kaso baxda UN ka ayaa xataa madaxweynayaasha sida axmed najaad dabagediyo ayago baarayo nuclear,
    IAEA International Atomic Energy o waagi Sadam madax ka ahaa Hans Blixt, hadana Axmed el-berdai, marka ma dhahnaa Axmed najaad waa udhaamatay ileen arimihi iyo sirti ayuu qarin la yahay oo mula dagaalo beesha caalamka ? ogaada in meesha laga fatwoodo dunida tahay UN ka siiba General Assembly amaba securtiy councelka, bal isweydiiyaa Qaafi yaa Nato kudiray, yaa geeyay Gbaggo Haag, amaba Charles tylor, Milosovic, amaba kii hada qoyanaa ee reer serbia Maladic.
    Waxaan rabaa inaan idiin sheego in UN ka ay wada saxiixeen wadankasto oo leh sovereign amaba madaxbanaani somaliyana ay saxiixday in lagu dhaqmo international law, UN ka shaqadooda waxaa kamid ah Peace and security, devolopment,ama horumarka, Human rights ama xuquuqda aadanaha, international law, carabtu security councelka waxay uyaqaanaan MAJLISUL AMN, mid lasocoda in Somaliland 20 sano raadinaysay aqoonsi ayadoon lacasuumin shirki xoog kutagtay ileen 20 sano ayay raadinayeen inay lakulmaan Security councelka ninkan isku sheegay Ingineerka hadana aan ogaynba xajmiga securtiy councelka waa wax laga xumaado aqoon la’aani waa iftiin la’aan pls gala UN:ORG aqrista qawaaniinta UN ka, ogaadana in ay dunida dhan leeyihiin axdi qarameed kaas oo ah CHARTERKA UN KA asc wr wb.

  2. natiijada shirki nayroobi waan wada aragnaa soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa ninkii aan Quusan isagaa Quus ah.waxay ila tahay in shacabka soomaaliyeed maanta quus yahay waayo waxay 21 sano waabaryeyba usoo taagnaayeen shaqada uu qabto danayste soomaali ah afkaar shisheeye iyo waliba dowlado shisheeye kudaroo Ururka Qamada ee power axesku samaysteen markii ayku guulaysteen dagaalkii labaad ee aduunka in marba wax u yeeriyo masuuliyiinta soomaalida micnaheedu waa (Ri’walbaa shilalkay isdhigtaa lagu Qalaa.) hadal iy dan soomaliyeey Haday talo kugu hartay talaa kula gudboon maanta, hada ogaadoo wax qarsoonina majiraan.!!!!

  3. Jama says:

    Waa wax cajiib ah in aan maanta ku dacwoono yaan qaramada midoobay waxba noo sheegin iyadoo Soomaaliya ay qaramada midoobay iyo wadamada reer galbeedku bixiyaan dollarka kasta ee ay mushahar u qaataan dowlada, baarlamaanka iyo amisom. Marki aad dhaqaale ahaan isku filantahay waxaad dhihi kartaa waxba yaan laii sheegin, laakiin marka biilashaada ay rag bixiyaan waxaad ku qasban tahay inaad warkooda maqashid. Hadii aad is adkaysidna waxa lagu dhihi waan kaa jartay mushaharki. Waana ognahay hadii ay goostaan xoogaada ay reer galbeedku bixiyaan in dadkaani aanay ayagu qarash ay isku habeeyaan haysan. Marka Soomaalaay ogaada in aduunka ay kashaqayso wax layiraahdo “awood dhaqaale”. Marka ay imaato in Soomaali ay heshiisana, midkasta oo inaga midi markuu arko cadaalad daro lainagu samaynayo inuu ka xanaaqo, laakiin aynu ognahay inaynaan heshiinayn dhexdeena, sababtuna ay tahay xanuunka ina dilooday ee daawana loo la’yahay labaatanka sanadood. “Qabiil, Qabyaalad”. Marka anigu uma arko in lagu canaanto iyo in lagu yiraahdo hadii aadan saan samayn waxaasaa kugu dhacaya. Sababtuna tahay arinta aan kor ku xusay. Waxaan aaminsanahay in hadii aynu Soomaali nahay aynaan wali fahamsanayn muhiimada qaranimo, sharaf iyo midnimo. Marka in intii muda ah laynoo taliyo, intii aynu wax fahmayno anigu runtii wax dhib ah uma arki.Igu dheh gumaysi baad jeceshay. Taasise xaqiiqda waxba kama bedelayso. Su’aashu waxay tahay intee in le’eg ayeynu sugnaa inaan fahamnu waxay lamid tahay in wadan iyo qaran uu yahay wax aan lagoyn karin qiimohooda. Marka dadku ay eedeeyaan wadamo kale runtii anigu waan xanaaqaa. Sababtu waxay tahay miyaynaan fahamsanayn in wadan kasta uu leeyahay cadow. Laakiin umadaha kale way yaqaaniin cadowgooda, inaguse waxay umuuqataa inaynu fahamno markaan cadhoono. Majiro wadan aan cadow lahayn, waxaase laysku dhaafay inaad aqoonsato cadowga kana gaashaamato. Waxa inaga maqanina waa taas. Wadaniyadi iyo feejignaanti ayaa inaga maqan inaga.Marka la yaab malah in laynoo khudbadeeyo, laynana amro. Maxaa yeelay maahmaahdi waxay ahayd “lax walbi shilalki ay is dhigto ayaa lagu qalaa”. Waxaan hubaa inay inagu jiraan dad badan oo uqalma karti iyo dadnimona leh inay dhibka kasaaraan umadan Allah lajirkiisa hadii fursada lasiiyo.

  4. Shirka soo socda haddii aysan Soomaali maamuli doonin ayaa maamulaya! Shirka waa inay Soomaali maamushaa, waa inuu noqdaa shir isku saamixid, is cafin, mid si caddaan ah laysugu warraysto, laysugu run sheego, lagu casuumo qofkasta oo Soomaali ah oo fikrad haya taas oo wax looga qabanayo dhibaatada daba dheeraatey ee ku habsatay shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay isku casilaan Labada shariif, laguna doortaa madaxweyne iyo xubno baarlamaan oo aan ka badnayn 100 oo lagu doortaa deegaan ee aan lagu doorin qabiil, markaas ayagu iska dhex doorta Af-hayeen baarlamaan. Madaxweynuhu waa inuu noqdaa nin xikmad yaqaan ah, cod kar ah, aragti dheer, aqoon iyo agaasimid leh, isla markaana ka dheer qabyaalad, eex, laaluush iyo dhaqan xumo. Xubnaha baarlamaanku waa inay noqdaan dad aan balwad lahayn, aqoon diineed iyo maaddiba leh, yaqaanaan luuqadaha ajnabiga ama mid ama labo.