Home » Maqaallo »

Giraangirta Gumeysiga (The Cycle of Oppression)

Waxaan marar badan isweydiiyey habeena badana ka seexan waayey, su’aasha maanta igu kaliftay inaan qoraalkan qoro. Taasoo ah, sideey ku dhacday in gumeysigii awowgey Sh. Axmed daldalay, awowgey Sh. Cabdi dabka ku shiday, aabahay Sh. Moxamud dibada u raray, anna maanta ii dulmin karaa? Akhristow su’aashan jawaabteeda shaqsiyan in mudda ah ayeey igu qaadatay. Hadaba si aan jawaabta su’aashan u helo ugana oonbaxo waxaan dib u baadhay taariikhda gumeysiyadii Abyssinia (Ethiopia) lagasoo bilaabo Menelik ilaa iyo Meles. Baadhitaan dheer kadib, waxaa aad iiga yaabiyey sida ay gumeysiyadani isugu sansaan eg’yihiin ee qaabka iyo nidaamka ay ushaqeeyaan waxba isaga badalin. Taasoo markii aan barbar dhigay gumeysiyada kala duwan ee adunka soo maray aysan iyana waxba kaga duwanayn.

Waayo gumeysi kasta waxaa weeye ama uu leeyahay qaab giraangireed oo wareeganeysa, haddii marka aan isticmaalo cilmi Science, wax kasta oo dhaqaaqa wuxuu ku dhaqaaqaa xoog (force) kaasoo ka unkama energy. Marka si giraangirta gumeysigu u wareegato waligeedna aysan u istaagin waa in lahelaa xoog ama energy ay kusocoto. Gumeysi kasta marka wuxuu ka siman yahay xoogga girangirtaa dhaqaajinaya kasoo ah qaybi oo xukun (divide and rule).

Nidaamka qaybi oo xukun waa mid noocyo badan isla markaana siyaabo farabadan u shaqeeya, qaar waxay ku saleysan yihiin qaab diini taasoo la’isku dirrayo umad isla daggan oo kala diin ah sida Lebanon ama Sudan. Qaar waxay ku saleysan yihiin qaab jinsiyadeed (race) sida South Africa ama Zimbabwe. Qaar waxay ku saleysan yihiin hayste iyo ma hayste (the haves and the have nots) sida Rwanda, qaar kalena waxay kusaleysan yihiin qabiil. Hadaba gumeysiga Ogadenia wuxuu ku saleysan yahay qaab qabiil, Kaasaana ilaa iyo maanta ah xoogga wareejinaya giraangirta gumeysiga Abyssinia.

Gumeysiyadii kala duwanaa ee ina soo maray iyaga oo isticmaalaya qabiil ayey hadana ku kala duwanaayeen qaabka ay u isticmaalayeen. Math’alan Menelik wuxuu ballan qaaday qabiilka isaga la shaqeeya unuu siin hub iyo dhul-daaq (grazing lands). Taasina waxay sahashay iney qaabaa’ishii Soomaaliyeed u kala tartamaan kadibna khilaaf dhaxdooda ka abuurmay. Haile Selassie wuxuu ballan qaaday Ugaaskii amarkiisa yeela inuu magac iyo maal isugu dari taasina waxay sahashay iney ugaasyadii ukala tartamaan. Mingistu muraadkiisu wuxuu ahaa inuu Soomaali madaxa ka dilo wuxuuna aas aasay jabhado si ay u daciifiyaan dawladii Somalia oo ahayd madixii Soomaaliyeed. Meles isagu wuxuu ahaa nin kuwa kale Soomaalida kaga xeel dheer, aadna u kala yaqaana. Sababtoo ah xiligii uu jabhadka ahaa wuxuu in mudda ah kunoolaa Jamhuuriyaddii Somalia. Halkaa oo uu ka hogaaminayey jabhadda TPLF oo marka ahayd gobanimodoon.

Muddadaa ayuu Soomaalida sifiican ukala bartay, wuxuuna ogaaday iney yihiin dad ehel iyo qaraabo jecel. Shaqsiga laftooda ka dhashana markasta taageero hiil iyo hooba lagarab istaagaan. Wuxuu hadaba isticmaalay kadib markii uu Ethiopia qabsaday nidaam madax wayne taasoo u sahashay inuu maalinba qabiil diirada saaro oo uu cadaw u sameeyo. Waayo ninka uu maanta madax weynaha ka dhigo wuxuu ogyahay in qabiilkiisu ay taageero buuxda siin, kadib gabood falka uu sameeyo qabiilkiisa dusha loosaaro. Hadaba si nidaamkani u shaqeeyo waxaa muhiim ah in baddalidda maamulku joogto ahaado (frequent change of administration as oppose to five year terms). Waxaa markaa halkaa kasoo baxay nidaam joogta ah oo ah in qabiil kasta maro sadexdan shuruudood 1. shalay dulmane 2. Maanta dawlad 3. Barri ugaadh ama la daydayde. Hadaba su’aashu waxaa weeye hadii ay xaaladu sidan tahay sideen giraandirtan gumeysiga ee wareeganaysa ku istaajinaa? How can we stop this cycle of oppression?

Si marka arrintaasi u suura gasho waxay ila tahay inaan gumeysiga hal ama mid u aragno kaasoo ka koobanan kara qoomiyado farabadan sida Tigray, Oromo, Amaha, Afar, Somali IMW. Shaqsi kasta oo ma’baadiida iyo ujeedada gumeysiga fulinaya ama caqabad ku noqonaya halganka loo arko mid gumeystaha kamid ah ee aan loo arag ina adeerkaa. Waayo dambiguu doraad galay, inaad barri dusha uridataa madowbaa? Inaad shalay dulmane ONLF taageerayey ahayd, maantana aad dawlad sheegato markii nin qabiilkaaga madax wayne laga dhigo, barrina laguu dulmiyo dambiguu galay iyana madowbaa? War Soomaaliyey ma sidanaan waligeen kujiraynaa? War damiir aynu yeelanno oon baranno sida shisheeyaha, danaystayaasha iyo dawladda Ethiopia loogu yidhaahdo MAYA! waxaan u malayn aadbey u fududahay oo anaaba kuu odhan MAYA! ama NO! ee kolba kii kuu fudud adna dheh!

By Abdirahman Hollywood
Hollywood619@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.