Home » Maqaallo »

Hadii aad ku kalsoontahay in roob uu da’ayo maxaad u soo qaadan weyday dallad ?!

 

W/diyaariyay Qoraa sare : Cali Cabdi Cali “Suxeyfa”

Waxaan aqristay qisso , taasoo ku saabsaneyd in abaar ay ku dhacday tuulo , oo roob li’i uu asiibay , odaygii tuulada ayaa waxa uu go,aansaday in dadka uu ugu yeero inay sameeyaan salaada roob doonka oo lagu qabto goob banaan ah , si uu allah ugu arzuqo daruur roob leh si murugada ay uga baxaan , dadku markii ay kulmeen ayaa wadaadkii tuulada uu ku qeylo dhaamiyay “ dadka aan iimaanka laheynow .. naxariis ma muteysanaysaan” , dadkii meeshaas joogay ayaa waxa ay muujiyeen layaab , mid ka mid ah dadka ayaa waxa uu weydiiyay odayga sababta uu u careysan yahay , waxaanu yiri “hadii aad xaqqa aaminsan tihiin , baryadiina allah wuu aqbali lahaa , roobna wuu da’i lahaa , waxaadna soo qaadan laheydeen dallado ka hor salaada roob-doonka, si roobka aad uga gabaadsataan marka aad guryihiina ku laabaneysaan , hayeeshee dhab idinkama aha salaadaha aad dukaneysaan, ee sidee allah uu idinkaga aqbalayaa?”

Sheekadan waxa ay na xasuusineysaa Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya , kuwaasoo sita baasabooro dowlado kale ,oo uu u dheeryahay Passport-ka elektarooniga ah ee Soomaaliya .

Wasiirada iyo mudanayaasha baarlamaanka qaarkood waxa ay sitaan Passport-yada wadamada Britain, USA,Finland, Kenya, Ethiopia, Djibouti, Sweden, Canada, Holland, Italia ,Yemen iyo kuwa kale , waxaa intaa dheer in Madaxweynaha ,Gudoomiyaha baarlamaanka iyo R/wasaaraha ay wada sitaan seddex passport oo kala ah wadamada Mareykanka , Jabuuti iyo Kenya .

Waxaa wanaagsaneed in Mas’uuliyiintan markii xilalkan ay qabteen inay ka laabtaan dhalashooyinka shisheeye ee ay sitaan oo ay ka dhabeeyaan howlaha lagu xasilanyo xasaradaha siyaasadeed , ammaan , iyo dhaqaale , laguna dajinayo mustaqbal iftiin badan si dadka Soomaaliyeed ee qurba jooga ah iyo kuwa kale ee qaxootiga ah ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya , waxa ayna tani suura gelineysaa in maalgeshi ay sameeyaan dowlado,shirkado iyo shaqsiyaad shisheeye.

Dadka odorasa arrinkan ayaa waxa ay ku sheegaan in sii heysashada Passport shisheeye uu ka dhigayo Mas’uulka xil ku magacaaban inuu weli u ahaado dowladda Passport-keeda uu sito muwaadin caadi ah, si uu u difaaco danaheeda siyaasadeed , ammaan iyo dhaqaale.

Mas’uuliyiinta dowladda FS ee sheegay inay ka daacad tahay u adeegida danaha dalka ,dadka Soomaaliyeed iyo diinta islaamka , hadaba balanqaadkaasi wuxuu noqonayaa mid aan waxba ka jirin oo beer laxowsi ah , waayo waxa ay ku dhaarteen been iyo inay lacag lunsadaan , si ay guryo uga dhistaan magaalooyinka Nairobi, Qaahira, Dubai , Kuala Lumpur iyo Minnesota.

Hadaba hadii ay sii wataan mas’uuliyiintani Passport-yada ajnabiga waxa ay la micno tahay inay yihiin dad shisheeye ah , xaqna uma laha inay xukumaan dalka Soomaaliya , hadii ay sitaan sidoo kale passport-yo kala duwan ( dual nationality) , taasi micnaheedu waxa weeye inay yihiin basaasiin , waxa ayna muteysanayaan xabsi , ee ma ahan inay wasiir ,safiir ama xildhibaan ay noqdaan .

Sidee ku suura-geli kartaa in safiirka dowladda FS uu sito Passport-ka dowladda uu ku magacaaban yahay in dalkeeda uu safiir ka noqdo ? waxa ay tani ka dhigeysaa in safiirada ,wasiirada iyo xildhibaanada intooda badan ay yihiin kuwa xambaarsan dhalasho shisheeye .

Waa isweydiinee , sidee ku suura-geli kartaa in wasiir Soomaali ah oo sita dhalashada mareykanka uu wadaxaajood la galo mas’uul kale oo Mareykan ah ? danaha dalkee ayey waajib tahay inuu u howlgalo? Waayo isaga waa muwaadin Soomaali ah ahna sidoo kale muwaadin mareykan ah , Soomaaliya waxa uu ka yahay wasiir , dhanka dalka Mareykankana waxa uu ka yahay muwaadin caadi ah , sidaas awgeed marka uu hor-fadhiyo mas’uulka Mareykanka ee wadaxaajoodka uu kula jiro wuxuu ka dhigan yahay muwaadin Mareykan oo caadi ah ,waxaana waajib ku ah inuu garwaaqsado oo uu fuliyo amarada sarkaalka Mareykanka ah .

Hadii dowladaha reer galbeedka ay ku kalsooni qabaan in tijaabada dowlad dimoqraadi ah ay yeelato Soomaaliya , waxaa u haboon marka hore inay kansal-gareeyaan dhalashooyinka Mas’uuliyiinta cusub ee Soomaaliya hogaamiya oo qaxooti caadi ku ahaa wadamadooda , waxaa u haboon inay u arkaan Soomaaliya inay tahay janno qof waliba uu ku riyoodo inuu ku dhex noolaado , si kastoo ay colaado uga jiraan .

Mas’uuliyiinta dowladda FS ee horey u ahaa qurba-joog waxa ay ku andacoodaan inay dalka u adeegayaan , kana shaqeynayaan horumarkiisa iyo nabadiisa ,hayeeshee qof waliba oo iyaga ka mid ah wuxuu ku han-weynyahay in si qarsoon lacagaha deeqaha ee hey’adaha Qaramada midoobey iyo jaamacadda carabta ugu tala-galeen Soomaaliya uu jeebkiisa ku shubto ,tiiyoo aaney jirin nidaam maaliyadeed oo saxan (check and balance) iyo garsoor madax banaan oo dadkaasi soo qotomiya sharciga , waxaana dalka uu ku jiraa marxalad tii ugu xumeyd muddo 21 sano oo fowdo ah .

Hadaba hadii balan-qaadyada mas’uuliyiinta dowladda FS ay tahay wax dhab ah oo xaqiiqo ah , maxaa u diiday in qoysaskooda dibad-jooga ah ay dalka dib ugu soo celiyaan? Waxaa la ogsoon yahay in caasimadaha yurub iyo Ameerika ay buux dhaafiyeen qoysas badan oo ragga wax xukuma xilligan ku heybtirsada .

Waa isweydiinee, ma waxaa sharaf ah in aad ku safartaan Passport-yo ajnabi ah , iyadoo ay jirto in qofka Soomaaliga ah ee sita Passportka wadankiisa uu yahay mid dhiban oo aan u safri Karin wadamada khaliijka carbeed ,qeybo ka mid ah Africa, Asia iyo guud ahaan qaaradaha America , Australia iyo Yurub .

Muwaadinka Soomaaliga ah ee sita Passport-ka Soomaaliga ah waa mid aad u dhibtoon , waxaa lagu bahdilaa Airport-yada , waxaa muddo saacado ah lagu haayaa qeybaha baarista , tiiyoo ay sii dheer tahay inuu si dhib badan uu ku helo Viso dal ku gal carbeed ama Afrika , iskaba daayee wadamada reer galbeedka .

Ugu dambeyntii waxaan doonaynaa aniga iyo shacbiga Soomaaliyeed inaan aragno  Mas’uul Soomaali ah oo darajo sare ka haaya dowladda FS oo si cad u shaaciya inuu iska riday dhalashadiisii labaad , oo aanu dooneyn in dalka uu ka cararo,dibna ugu laabto wadamada yurub marka waqtiga xilkiisa uu dhamaado , taasi miyey dadka Soomaalida ah arki doonaan ?!

W/diyaariyay Qoraa sare : Cali Cabdi Cali “Suxeyfa”

Email: asuheifa@hotmail.com

Mogadishu-Somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.