Home » Warar »

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye: muddo kordhin hal sano ah ha loo sammeeyo DFKMG

WAR MURTIYEED:

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa kulan howleed isugu yimid maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2011, wuxuuna kulankaasi uga hadlay xaaladda Siyaasadeed, Bulsho iyo Nabadgelyo oo uu haatan dalka ku sugan yahay, gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan Hay’adaha Dowladda ee la xiriira sidii looga bixi lahaa ku-meel-gaarnimada khilaafkaasoo yimid markii uu Baarlamaanku sammeystay muddo kordhin saddexda sano ah uuna ku dhawaaqay inay dhici doonto doorasho uu ku soo dooranaayo Madaxweynaha Dalka iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo markii ay Xukuumadda oo heysata taageerada Madaxweynaha ay muddo hal sano ah ku kororsatay xilligeeda oo ka bilaabanaya marka uu dhamaado xilliga Dowladda ee ku aaddan 30ka Agoosto, 2011.

Haddaba, Goluhu markuu si qota dheer uga dooday khilaafkan dastuuriga ah ee ragaadiyay Hay’adaha Dowladdala, dhinacya bandanna ka fiiriyay dhibaatada uu khilaafkani ku hayo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed , sidoo kalena garwaaqsaday in uu fashil ku dhamaaday isku-daygiisi ahaa iniuu dhexdhexaadiyo dhinacyada is-khilaafsan markii uu Dhinac ka mid ah Dhinacyada uu diiday inuu wax waanwaan ah ka galo mowqifkiisa, wuxuu falanqeyn dheer kaddib, soo saaray war murtiyeedkan:

Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye

 Markuu arkay :

  • inuusan sharciga waafaqsaneyn Go’aankii uu Baarlamaanku ku kororsaday muddo 3dex sano ah Xilligiisa isagoon tashi kala yeelan Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Dhaqanka iyo kala qaybsanaantii Uu ka dhex abuuray Hay’adaha Dowladda iyo Baarlamaanka dhexdiisa.

 Markuu arkay :

  • Waxqabadka dhinacyada badan oo ay ku tillaabsatay Xukuumadda tayada lihi muddadii yareyd oo ay jirtay, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo rajadii ay shacabka Soomaaliyeed geliyeen guulihii isdaba- joogga ahaa oo ay Xukuumaddu ka gaartay dagaalladii ay la gashay Kooxda mucaaradka ah kuwaasoo ay dib uga xoreysay goobo fara badan ee dalka.

 Maarkuu tixgeliyay :

  • Baahida loo qabo in Xukuumadda la siiyo fursad ay ku sii xoojiso dadaalka ay ugu jirto nabad ku soo dabaalidda dalka, sidoo kalena ay ku dardargeliso howlaha qabyada u ah, isla markaana aanan loo baahneyn xilligan in laysku mashquuliyo doorasho iyo qabasho shirweyne.

 Isagoo garwaaqsaday :

  • Fashilka ku yimid dadaalkiisii ku aaddanaa xalinta khilaafka ka abuurmay muddo kordhintii uu Baarlamaanku sameystay kaddib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo taageerayaashiisu diideen dhhexdhexaadintii Golaha halka dhinacii kale uu ogolaaday.

 Isagoo dhageystay :

  • Qeybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiinta, culumaa’udiinka, aqoonyahaannada, Haweenka iyo dhallinyarada, kana qaatay talooyin iyo tilmaamo ku aaddan sida ugu haboon ee loo soo afjari karo isqabqabsigan hareereeyay Hay’adaha Dowladda.

Wuxuu soo saaray soo-jeedintan

1. Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu qabaa, uuna u soo jeedinayaa Golaha Ammaanka, Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub, Kooxda La-Xiriirka Soomaaliya, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD in muddo kordhin hal (1) sano ah loo sammeeyo dhammaan Hay’adaha Dowladda si ay geddigoodba ugu noqoto fursad ay ku qabyo-tiraan wixii howlo ahi ee qabyada ka ahaa sida nabad ku soo dabaalidda dalka iyo xasilintiisa, ka dhaqangelinta dalka Dastuurka Federaalka, tirinta dadka iyo doorasho gaarsiinta dadka Soomaaliyeed kuwaasoo gogolxaar u ah ka-saaridda dalka ku-meel-gaarnimada (transition) iyo sidii looga gudbii lahaa Baarlamaankan tirada badan loona heli lahaa halkaas sano gudihiisa Baarlamaan tayo leh oo tiro yar oo ugu badnaan noqdo 210 xubnood.

2. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa dadaalka beesha caalamka ee ku aaddan xal u raadinta arimaha murugsan ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqayaa inay mideeyaan aragtiyadooda ku wajahan sii wadidda geeddi socodkd nabadda Soomaaliyeed isagoo rajeynayo inay tixgelin doonto soo-jeedintiisa.

3. Goluhu wuxuu sidoo kale ka codsanayaa Beesha Caalamka inay sii laba-laabto taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka ee KMG ah muddada halka sano ah ee soo socda si ay u fuliso howlaha u qorsheysan oo ay dalka uga saareyso ku-meel-gaarnimada-

4. Goluhu wuxuu ugu dambayntii ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay la yimaadaan midnimo oo ay taageero hiil iyo hoobba leh la garab istaagaan Dowladdooda.

Nab. Maxamed Xasan Xaad
Guddoomiyaha Golaha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.