Home » Faallo »

Maqaal: Talo soo jeedin Xal u helida shaqaaqooyinka iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca deegaana Puntland.

Waxa qoray: Bootaan Barre Samatar.

Anigoo ah muwaadin reer Puntland ah kana mid ahaa aasaasayaashii Puntland ee sanadii 1998dii waxaa tiiraanyo iyo argagaxnimo ah in maalin walba dhegaheena ay ku soo dhacaan falal argagax ah oo ka dhaca deegaamada Puntland,kuwaasi oo isugu jira aano qabiil oo aan dhamaad la heyn iyo kuwo kale oo cadowga Puntland soo abaabulaan si khalkhal loo galiyo xasiloonida iyo amaanka deegaamadeena. Falalkaas naxdinta leh oo waliba intooda badani ay ka dhacaan degmooyinka Puntland ugu muhiimsan,uguna shacbiyada badan sida Boosaaso iyo Gaalkacayo.

Haddaba,waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa maamulka hadda ka taliya Puntland oo uu Madaxweynuhu ugu horeeyo in arrimahan hoos ku qoran oo aan filayo haddii la fuliyo wax weyni iska bedeli karaan xal u helida mishaakilaadka soo noqnoqonaaya:

1. In bulshada ku nool dhamaan deegaamada Puntland la abaabulo,lana wacyi geliyo,laguna dhiiri geliyo in ay guddiyaal iska dhex doortaan xaafad xaafad oo aysan tirade qoys ee ku nool xaafada aysan ka badnaan 400 oo qoys. Guddiga ay iska dhex doortaan waxa xilkooda ugu muhiimsani noqonayaa: Ilaalinta amaanka deegaanka,iska warqabka,wadatashiga,talo kala qaadashada kor iyo hoos ilaa qoyska,waxayna xiriiri toos ah oo joogta ah iyo war gelinba la yeelanayaal maamulka degmada.

2. In xulka xubnaha deegaamada habka hadda lagu soo xulo wax laga bedalo sidda beel walba oo deegaankaas ka tirsan oo ah in tirade xubnaha beesha la siiyo ha keensadaan taasi oo ay qofkii ay beeshu u aragto jiffo ahaan in loo geeyo.

Waxaan dhaamaanteen wadda garan karnaa xulka amaba qof noocaas shaqada ku hela in uu isu arko qof beeli keensatay oo halkaas waxaa ku dhuma masaalixdii guud iyo shaqadii bulshada loo qaban lahaa. Haddii aynu isla garano waxaan oran lahaa in aynu sidaas suurto gal ku aheyn in la helo xubno deegaan oo hanan kara howsha loo idmaday. Haddaba waxaan qabaa in habkan lagu bedeli karo mid dhaama oo waxna u dhimeyn hab qaybsigii qabaa’ilka xubnaha inta la gaarayo asxaab siyaasadeed oo noqon doona doorasho dadku codkooda ku kala doortaan kuwa rabba in ay hogaamiyaan ama maamulaan,waxaan qabaa in degmo walba laga abaabulo gudi xulka xubnaha deegaamada kuwaas oo ka kooban culumaa’udiinka,aqoon yahanada,ganacsatada,waxgaradka iyo haweenka .

Waxaana xilkoodu noqon doonaa xulka golaha deegaanka ka dib markii beeluhu xubnahooda soo gudbistaan,waxaa shardi loogaga dhigayaa beelaha xubnaha ku leh deegaankaa in beel waliba inta loo qoondeeyay saddex jibaar magacyo ah u soo gudbiyaan guddiga. Waxaa shardi ah in xubnaha ay beeluhu soo gudbisanayaan qof walba ku soo lifaaqaan: Habdhaqankiisa,aqoontiisa,qibradiisa iyo wixii kale oo sharuud ah oo uu guddigu weydiisto.

3. Ka dib xubnaha loo soo xulay xubin nimada golaha deegaanka waxey iska dhex dooranaayaa duqa magaalada,ku xigeenkiisa iyo guddiga joogtada ah. Waxaan shaki ku jirin in xubnaha qaabkaas loo soo xushay ugu yaraan ay fahmi karaan waxa masuuliyadoodu tahay.

4. Sidoo kale waxaan ku talin lahaa marka la dhiso maamulada degmooyinka oo lagu soo xulay hab aqoon iyo mid waayo aragnimo, in madaxda degmooyinka ee gobol walba oo ka kooban duqa magaalo kasta oo gobol ka tirsan,ku xigeenka iyo guddiga joogtada ah doortaan gudoomiyaha gobolkaas si looga kaaftoomo soo magacaabida madaxweynaha.

Ma sahlaana arimahan kor ku xusan fulintooda laakiin waxaan u arkaa in xilligan bulshadu u bislaatay hanashada maamul wanaag,loona howl geli karo shuruucna loo sameyn karo. Waxaan is lee yahay haddi arimahaasi hir galaan loona howl galo fulintooda waxaan hubaa in la helaayo kalsoonida shacabka,xaalada amniguna wax weyni iska bedeli karaan.

Bootaan Barre Samatar
bootaanbarre@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Maqaal: Talo soo jeedin Xal u helida shaqaaqooyinka iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca deegaana Puntland. "

  1. amniga gaalkacyo says:

    aminiga gaalkacyo waxaa wax looga qaban karaa ayadoo lasameeyo dhalinyaro dhar cad ah, kala yaqaan dadka magaalada degan iyo kuwa kale , kadibna dadka la istaajiyo lana weydiyo meesha ay u socdaan, iyo halka ay kayiaadeen, iyo ayadoo luuq luuqyada laxiro maxaa yeelay qofka markuu dil geysto markiiba waxaa u sahleysa in uu cararro luuq luuqyada, marka waa in luuq luuqyada laxiro.
    dadkuna wadooyinka ku socdaan
    hadii gaalkacyo wax laga qabto putland waa fiicannaesaa.

  2. sahal Liban says:

    Mr. Botan aad ayaad ugu mahadsan tahay xal u helida nabada Puntland.
    Sidaan u jeedno ama aynu arkayno nabadu faraha ayay ka baxday sida loo soo celin karaana waa arrimaha aad soo jeedisay laakiin waxaa la ogaan doona taladaada markay Bosaaso noqoto sida Muqdisho, Galkayo na noqoto sida Kismaayo oo kale.
    Mahadsanid
    Sahal Liban

  3. Saalimi says:

    Bootaan, Walaal aad baad u mahadsantahay, Labada qodob oo aad xal ahaanta u soo gudbisay waa loo qaateen, qiimo maamul iyo nabadegelyo samaynaya, waana “practical” in lagaaga mahadceliyaad mudantahay,,,, Dawlad wanaaga oo degmooyinka iyo Gobalkii, iyo barnaamigja (Community policing/neighboring) aad bay u qiimo leeyihiin.
    Walaaloow iyana waxaa jira in loo baahanyahay shirweyne Puntland oo maamulku kala tashanayo ummaddiisa xaalada taagan, Bosaso, Sanaag – Galgala- Baargaal/Caluula, Gaalkacyo, dhamaan mashaakilaad political crises ah baa ka jira oo mid walba inay dawlda dhufaanto karta, waxaasna kuma filna dawladdu xataa hadday ismoodo, waxay u baahantahay geesinimo ay ku tiraahdo ma karno hadaydnaan gacan nasiin, waxay u baahanyihiin talooyin nabadda, amaanka, siyaasada, arimaha bulshada, dhaqaalaha, dawldanimada,
    walale waxaa jira caro gobolada qaar ama beelaha qaar ay ka qabaan sida dawlada dheefteeda loo qaybsado – taasna waayeel hortiisa caano lagu barxaaye- in ay hufnaan, talo wadaag, wax wada qaybsi, ay muuqdaan dawladaa laga rabaa.haddii kale beelaha qaar ayaa hoy u noqonaya bahallo aanay laftoodu iska eegin.
    Waa kula ogolahay in ay jiraan dhinacyo doonayaa inay Puntland xagal daaciyaan dawlda ayaa laga rabaa inay keento siyaasad iyo strategy loo qaateen ah oo shifo u noqda bukaanka, dadweynahana hiil uga goobto.
    midda kale oo u baahan in Dawladdu ay ka gaarto go,aamo wax ku ool ah oo dadku ku aamino,
    Madaxweynihii waxaa taladiisa ku xeran wiilal uu dhalay iyo kuwo la jifo ah (AARAN JAAN) oo markii qof milgo ama maamus ku leh umadda dhexdeeda doono inuu arko ay tahay in iyagu ka ergeeyaan taasi walaaloow waxaan ka ilmeeyaa inay waydo dad gacanta ka qabta ileen waxay abuuraysaa karaahiyo iyo is nacayb.
    arimaha diinta waxaan arki lahaa in culimadu ay shirweynayaal, socdaalo, dood furid, waanooyin, tolo siin, iyo afka oo ay furtaan bilaabaan, xilkoodu kuma dhacayo khudbo masjid iyo nadwo la qabto markii tuke cad la arko, ugu yaraaan dhiiga socdaa in uusan xalaal ahyn waa inay cadeeyaan oo qaarka isu egi waa inay iska hufaan oo banaan ka istaagaan si aan culimaa samaysay loo oran dhacdoioyinka qaarkood
    walaal security companies ayaa iyana wadanka ku soo kordhay, PIS, Alshabaab, sirdoonka dawladaha inagu xeeran iyo kuwa inaga fogba, waxaad oo dhami gacmahoodu nadiif ma wada aha,
    Puntland waxay xoog ugu baahantahay armed forces reform, ciidamada amniga ma laha ugu yaraan kartidii, awoodii, aqoontii, tababarkii, qiyamkii, akhlaaqdii, wadaninimadii, diintii looga baahnaa inay ku gutaan waajibkooda loomana tayaysiin arintaas,, ninkii Policska ahaa ee aan xamar ku aqaanay isagoo markaas pension galay ayaa wali qori sita oo bileyka ka tirsan…

    waxaa looga bixi karaa in labeenta reer Puntland dibad iyo dal la isugu yimaado shirweyne lagu lafa guro mashaakilaadka inagu xeeran kuwa la inoo gaysto iyo kuwaan gaysanaba.. iyadoo aan maanta laga hadlayn Maamulkan jiritaankiisa ee laga hadlayo maxaan ka saxi karnaa oo lagu biirin karaa.

  4. Aad buu umahadsanyahay Mr’ Bootaan Barre Samatar waana talo runtii lagafakaray isla markaana qiimo leh hadii ay cid qaadata lahelo intaana kabixin mahad celintayda waxaan markale umahadcelinayaa shabakadda somaliyeed ee wadaniga ah ee somalitalk waana mahadsantihiin macsalaamo

  5. inaqasim says:

    Ma xuma taladiina marka laga eega nolosha,balse haddii laga eego xagga
    aayatiinka,diinteenu wxey na faraysaa inaad walaalkaa u gargaartid haddii
    laga gardaran yahay iyo hadduu gardaran yahay,garanay hadii laga gardaran yahaye,haddii uu gardaran yahay in gardartada laga qabto ayaa u gargaar ah.
    Hadaba wanaaga puntland waa wanaaga Somali,wa wanaaga Islaam.dawlada isku sheegta shacabka gumaadaysa culumada laynaysa arinku inta uu sidaa ku socdo haddii aan lga hadal loogana nasteexeyn
    danbiga ay galaan cawaaqib xumadiisa iyo ciqaabtiisa iyaga khaaas ku ahaan meyso ee wey nawada camimi.

  6. Awke kamal says:

    Bootaan waad mahadsan tahay waxaa ka muuqda fikirkaaga niyad wanaag, laakiin walaal marka hore waxaa isweydiin mudan, maxaa mashaakilkaan keenay, labadii maamul ee hore waa habacsanaayeen, laakiin sidaan oo kale ma ahayn, hadaba aan ku daro fikirkayga ku aadan mashaakilka Puntland iyo xal u raadinteeda, maadaama aan ahay muwaadin ku nool, aadna ula socda howlaha ka jira, waxaa oron lahaa:-
    1- waxay xukuumada faroole bilowday wax ka bedel dhinaca dhaqaalaha iyo qeybinta jagooyinka si aqoon iyo karti ku beegan, taas oo keentay in rag dhardhaaro ka ahaa qabaa’isha ay ka haraan wareega siyaasada, kuwaas iyo rag badan oo qaadan jiray lacagaha fadlanta ahba waxay qorsheeyaan dhibaatooyin.
    2- dowladan isbedalada intaas le’eg waxay usamaysay qaab degdeg ah, oo loo fakarin, sida ugu sahlan ee wax loo badeli karo.
    3- waxaa kale oo dhibaato noqotay inaysan talo qaadan oo aysan jeclayn in loo gudbiyo dhaliishooda.
    4- shirkado aan la garanayn agenda-yaashooda oo kusoo qulqulaya, kuna beegmay waqtiyadan dhibka ka jiro, si ay patrol ugu daraan dabka holcaya.
    gunaanad, waxaan oran lahaa in madaxda Pl ay ogaadaan inay dhib soo kordhiyeen, meeshii dheef looga fadhiyey, aqoonta ay sheeganayaan ay u baahan tahay in la dabakho. hal nin caqligii dal kuma socon karo.

  7. DR Yusuf says:

    Mr Botan waxaad soo gudbisey fikir wax utaraya amniga Puntland siiba Bosaso iyo Galkacayo weyna yartahay iney soo gudbiyaan gudiyada amnigu taloyin sidaan oo kale ah,shicibka waxaa ku jira shaki ineysan Mamulka dacad ka ahayn wax kaqabashada amniga,group isku mid ah ayaa markasta shira,waxaa ka siidaran markay shirayaan masii iclaamiyaan si aan talo loogu biirin ee waxaad arki gudiga amniga baa shiray markaad fiiriso maxaa kasoo baxay waxaad arki sadex qodob 1.bandoo magaalada hala saaro 2.muraayadaha babuurta halaga fiiqo 3.dawlada halala shaqeeyo ilaa 1998 sidaa bey wax ku wadeen,weli study laguma sameyn ilaa 1998 shicibka magaaloyinkaa maxaa ku kordhay,imisa qori baa kusoo korotay sida 1998kii waxa laga yabaa in 300,000 qori ay tiil Puntland maantana 3million ay taal marka qofkii reer puntland soow qori iyo kabadan kusoo aadi meyso ama lama dhehi karo qoriga waxuu ka noqday Puntland ul camal,waxaana laga yabaa in Dekeda Bosaso weli hub kasoo dego,ayna jiraan goobo hubka lagu iibiyo marka daraasad baa ka horeysa wax qabashada,aniga hada ka hor sidaan oo kale waxaan soo jeediyey in Bosaso amnigeeda 3 bilood lagu sugi karo,waan udirey madaxda ay quseyso wax yar wey act gareeyen balse xataa jawaab maleh markay halkaa mareyso sidee u leexinaa ileyn waraaq laguma soo koobi karo fikirka balse fikirka qofka keena ayaa fahmaya dhameystirka.
    waxaan rajeyn inaad madaxda ka agdhowdahay una sheegto in daruuri tahay in wax la qabto intay dhowdahay lana iska dhaafo in meelo kale wax loo duwo.
    Mahadsanid
    DR Yusuf Issa