Home » Warar »

Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Farmaajo oo lagu Waddo in ay ku kulmaan…

 

Iyadoo marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana Khilaafkaan walaac weyn hadda ka muujinaya dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ka dib markii ay hakad galeen Howlahii loo unkey Dowlada iyadoo taasi jirto ayaa , warar ka soo baxaya qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda lagu wado in ay ku kulmaan Magaalada Nairobi.

Kullankaan oo ay qabanqaabinayaan Beesha Caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu waddaa in meel dhexe la isugu keeno mas’uuliyiintaasi iyadoo beesha caalamku ay waddo qorshe ah in mudo sanad ah in ay xilka sii hayaan saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda ilaa bisha Agoosto ee sanadka 2012 waqtigaas oo beesha caalamka sheegeyso in ay dhici doonaan doorashooyinkiii Madaxweynaha iyo tii Gudoomiyaha Baarlamaanka .

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda ayaa lagu waddaa in ay ogolaadaan qorshahaas halka sano ah, maadaama Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay horey u sheegeen in ay ku darsadeen mudo hal sano ah xiliga ay haynayaan xafiiska waxayna taasi ku soo beegantay xili uu Baarlamaanku horey u sheegay in ay ku darsadeen xilkoodii mudo saddex sano ah, waxaana la saadaalinayaa in Baarlmaanku ogolaan doono midaasi ku saabsan kordhinta halka sanno , iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka laga dhaadhiciyey in baarlamaanka uu sidiisa sii ahaan doono oo aan wax isbedel ah lagu sameyn doonin ilaa laga gaarayo bisha Agoosto ee sanadka soo socda oo ay dhaceyso doorashada madaxweynimada, waxaana waqtigaasi Baarlamaanka loogu dari doonaan waqti cusub.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Farmaajo ayaa dhawaan ka qaybgalay shirkii Qaramada Midoobey ee ka dhacay magaalada New York ayaa lagu waramayaa in Qaramada Midoobey ku wargelisay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda soomaaliya, waxaana loo soo jeediyey Ra’isul Wasaaraha in deg deg loo xaliy khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda waana middaas midda hadda soo dedejisay in la qabanqaabiyo kullanka ay isugu imaanayaan mas’uuliyiinta dowladda oo ka dhacaya Nairobi.

 

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa maalmahan isaga dabalaabanayey wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in la soo dhex galo isaga iyo Guddoomiyaha Baaralmaanka si looga gudbo marxaladda uu dalku marayo, waxa uuna xusay Madaxweynaha in xiligaan la qaban Karin doorasho maadaama uu dalku ku jiro marxalad dagaal. Ugu dambeyntii saddexda mas’uul ayaa la filayaa in ay ogolaadaan qorshahan ay waddaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee ah Dowladdu sii shaqeyso mudo hal sano ah kadibna la qabto doorashooyin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Farmaajo oo lagu Waddo in ay ku kulmaan… "

  1. Mohamed says:

    Labada shariif waxa ay dileen iftiinkii rajada ee dadka soomaliyeed, waxay meel uga dhaceen sharaftii iyo karaamadii umada soomaaliyeed & madaxbanaanidii, waa qaainul wadan waa ay fashilmeen, dadku waxa ay doonayaan Farmaajo oo keenay isbedel muuqda oo dhanka kasta ah marka waxaan kula talinayaa baarlamaanka in ay laadaan heshiiska Kampala hadii kale waxa ay noqon doonaan kuwo taariikhdu xusi doonto.