Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG

Hay’adaha Dastuuriga ah waa inay si wadajir ah u go’aamiyaan mustaqbalka Dalka –

Warsaxaafadeed –

Sabti, 14 May 2011 – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa warbixin kooban ka bixiyey socdaalkiisa iyo waxii u qabsoomay. Ra’iisul Wasaaraha  ayaa ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011.

Shirkaas oo muhiim u ahaa shacabka soomaaliyeed ayaa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo taabaneysey dhinacyo badan, oo ay ka mid ahaayeen sida xilliga kala guurka ah looga gudbi karo oo uu sheegay inay khasab tahay in Somalida ay mowqif mideysan ka wada qaataan sidii looga gudbi lahaa marxalladan kala guurka ah taasoo ay ku jirto danta dalka, diinta iyo shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha khudbadiisa waxuu ku xusan inaysan sharci aheyn in Baarlamaanka hadda jira uu doorto Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha mustaqbalka, bacdamaa uu waqtigiisa ku eg yahay August 2011, loona baahanyahay in baarlamaanka dib-u-habeyn lagu sameeyo doorashooyinka ka hor, si loo helo sharciyadii iyo kalsoonidii loo baahnaa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay khasab tahay in dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah ay ka wada tashadaan oo ay si wadajir ah u wada gaaraan xalka ugu habboon. Waxuu kaloo sheegay in mudnaanta koowaad la siiyo soo celinta amniga, iyo kala danbeynta, la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo dhameystirka dastuurka qabyada ah. Sidaas daraadeed, ay habboontahay haddii aan la fulin Karin dhammaan waxa suurta galin karta in doorashooyin  sharciyeysan in mudo 12 bilood ah loo wada kordhiyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah, si ay u wada dhameystiraan howlaha baaxadda leh ee horumarka laga sameeyey.

Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixintii uu ka soo saaray dhamaadkii shirka ku sheegay in loo baahanyahay dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah inay si deg-deg ah go’aan mideysan uga wada gaaraan arrimaha doorashooyinka Madaxda Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa soo dhoweeyey go’aankan sheegayna in loo baahanyahay in Somalida ay go’aamiyaan mustaqbalkooda, kana codsaday dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah inay ka wada hadlaan arrinkan si go’aan mideysan loo gaaro. Ra’iisul Wasaaraha aya kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergada joogtada ah ee QM ee dalalka xubin ka ah Golaha Ammaanka ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankii Qaramada Midoobey ka dib gaaray Washington DC oo uu halkaas kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Senatarada iyo Congressman ka dalka Mareykanka oo uu kala hadlay arrimaha Somaliya. Ra’iisul Waaaraha ayaa ka qeybgalay kulan ay soo abaabuleen Machadka Nabadda ee US (US Institute of Peace) oo uu ka jeediyey khudbad, isla markaana ka jawaabay su’aalo halkaas lagu weydiiyey. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalay kulan ay soo abaabuleen jaaliyadda soomaaliyeed oo lagu qabtay Virginia, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, laguna soo bandhigay Documentary muujinayey waxqabadka Dowladda. Ugu danbeyntiina Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka jawaabey su’aalo ay jaaliyadda Soomaaliyeed weydiiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo muhiim ah la qaatay Senateradan iyo Congressman nadan:

  • · Senator Joe Lieberman oo sanadkii 2000 ahaa musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Mareykanka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Senate-ka
  • · Senator Richard G. Lugar oo ah Madaxa arrimaha dibedda ee xisbiga Republican ka.
  • · Senator Charles E. Schumer oo laga soo doorto New York State. Schumer ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu xafiiskiisa u furanyahay waqti walbana uu la soo xiriiri karo, kuna ammaanay RW sida uu ula dagaalayo kooxaha argagixisada ah.
  • · Congressman Peter King, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Congress-ka
  • · Congressman Donald Payne oo xubin sare ka ah Guddiga Congreska ee arrimaha dibedda.

Dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxey u wada ballanqaadeen inay ka shaqeyndoonaan sidii dowladda Mareykanka ay u labo jibaari laheyd taageerada Dowladda FKMG ah. Ma’uuliyiintan ayaa ku ammaanay RW horumarka ay Xukuumaddiisa sameysey muddadii yareyd ee ay jirtay, kuna dhiiri geliyey inuu sii wado howlaha muhiimka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay waqtigooda una ballanqaaday in dhankiisa uu sameyn doono dadaal kasta oo looga hortagayo argagixisada iyo burcadbadeeda, si waddanka Somalia loogu soo celiyo amnigii iyo kala danbeyntii.

– DHAMAAD-

 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFKMG ah

Ayarisow@opm.gov.so

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG "

  1. cabdulqadir says:

    waa fariin ku socota inta soomalida ah ee wadaniyiinta ah.

    waxaa cadaaday xaqii waxaana banaanka lala yimid baadilkii oo aan la qarsanaynin.waxaa la beec-geeyay dhulkii soomaliyeed. waxaa jago iyo hunguri lagu raadiyay daadinta dhiiga soomaliyeed. waxaa si aan gambasho lahayn gaalada jilbaha looga qabsaday sida diyaar loogu yahay la dagaalanka diinta islaamka lana qarsan xataa. waxaa la gaday SO. oo ah domainka qaranka soomaliyeed. waxaana ka horeeyay beecii fashilmay ee badda soomaliya,kaasoo hada loo halay xeelad lagu suuq-geeyo mar kale.waxaa mudda laba sano oo xariir ah maalin walba la daadinayay dhiiga dad soomali ah oo aan waxba galabsan.waxaa la gaday dekadii iyo garoonkii diyaradaha. waxaa shalay newyork ayadoo gaalo yahuud maraykan u badan loogu sheegay in muqdisho dagaalku ka socdo intuu buffalo iyo manhattan oo maraykanka ah ka socon lahaa. waxaa si xishood la.aan ah diin la.aanina ku dheehan tahay gaaladii shalay lagula kulmay newyork lagu yiri muqdisho waxaan u joogaa inaan dadka maraykanka ka difaaco halkaas. waa maxay waxa intaas ka bacdi soomaliyey idiin dhiman mise weli qabiilkii ayaa laysku difaacayaa.