Home » Warar »

Musharaxa Madaxweynaha Mr Yaasiin Maaxi: ”waa meel ka dhac iyo sharaf ka qaadis in mudane baarlamaan oo ah sharci dajiye lahandado lana xayiro dhaqdhaqaaqiisa islamarkaana lagu tilmaamo musiibo”

Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Mr Yaasiin Maaxi oo maanta Warsaxaafadeedkiisa Bilaha ahaa ee Xisbiga SSUP uga hadlay Waxyaabihii Foosha xumaa ee ka dhacay maalinimadii daraad ahayd ee Airaporka Muqdisho taas oo Xildhibaanada Qaranka Somalia lagula kacay wax ka baxsaan Dastuurka u yaalo Dowlada KMG ayadoo lagu sameeyay is hortaag aysan ka dhoofi karin garoonka diyaaradaha ayagoo guduanaayo waajibaadka shaqadooda.

Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Mr Yaasiin Maaxi ayaa si kulul uga hadlay habka ay dowladda soomaaliya ula dhaqantay mudanyaasha baarlamanka soomaaliya iyo gudiga u qaabilsan diyaarinta doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ”waa meel ka dhac iyo sharaf ka qaadis in mudane baarlamaan oo ah sharci dajiye lahandado lana xayiro dhaqdhaqaaqiisa islamarkaana lagu tilmaamo musiibo” ayuu si caro leh ugu celceliyay Mr Maaxi.

Waxaa uu sidoo kale Cadeeyey in madaxda dowladda garato waajibaadka saran iyo masuuliyada dastuuriga, taas oo salka ku haaysa dimuqraadiyad iyo xuriyada shasiyadeed islamarkaana barlamaanka qaranka uu yahay hey’adda sharci dajinta soomaaliyeed ee maanta ka soo hartay habdhismeedka dowladda soomaaliya”waa inaan u ogaanaa baarlamaanka waa midka doortay madaxweeynaha, waa halka kalsoonida laga siiyay ra isul wasaaraha iyo wasiiradiisaba.

Musharaxa madaxweynaha Mr Maaxi waxaa kale ee uu ka hadlay khilaafaadka Dowladda ayuu sheegay inuu haatan gaaray heer si qalad ah loo adeegsado awooda ciidanaka qaranka.

Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha xisbiga SSUP ayaa isagu baryahaanba wada dadaalo ku aadan sidii Xisbiga SSUP uu hormar kaga sameeynalahaa samata bixinta marxaladda siyaasadeed ee soomaaliya xiligan kala guurka ah waxaana uu kulamo joogta ah la-lahaa bulshada soomaaliyeed ee qurba joogta ah isagoo sidoo kale xiriiro wada tashi lasameeynayay dowladdaha iyo hey’adaha daneeyo arimaha soomaaliya si uu uga dhaadhiciyo hindasa nabadda xisbiga SSUP doonayo inuu ka dhaqangiliyo soomaaliya muddad u harsan Dawlada ku meel gaarka ah ee soomaaliya.

 

Isha warka
SSUP Media Departement+Swedish Media

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Musharaxa Madaxweynaha Mr Yaasiin Maaxi: ”waa meel ka dhac iyo sharaf ka qaadis in mudane baarlamaan oo ah sharci dajiye lahandado lana xayiro dhaqdhaqaaqiisa islamarkaana lagu tilmaamo musiibo” "

  1. DR Yusuf says:

    Musharaxiinta Somaliyeed armay ka lunsantahay khariidada is sharixida,maxaa looga baahanyahay Musharax cusub waa inoo la yimaada hadafyo cusub,yididiilo loo riyaaqo,target aan hore loo sadaalin,wacyi gelin,ninkan Mr Maaxi meeshan ugama jeedo wax isu soo sharaxo aan ka ahayn Sheriif ba noqoy Madaxweyne ana waa noqonayaa,laakiin anigoo aqoon maxaan ku raaci karaa,dhaliilaha Dawlada oo qofwalba u jeedo hadaf uu isku soo sharaxo ma noqon karaan,Somaliyeey Musharax Madaxweyne yeynaan ka dhigin wax iska fudud oo qofwalba haweysto sida Amin Camir yiri maqaaxidii maalmahan suuq maleh aleylahe waa inaan Madaxweyne isu sharaxaa.
    Mr Maaxi tell us what is your goal brother? sidee u qancin kartaa dad aan kula qabiil ahayn,kaa fikir iyo aragti dheer,dad ajaanib ah,dawladaha deriska,gobolada Puntland,Somaliland,Alshabaab ,Ahlusuna,Dagaal ogayaasha,Haweenka ,ururada dhalinyarada.
    mise waxey kulatahay SSUP urur la dheho baanu asaasnay oo qofkasta oo urur ka kooban 10 qof ama kabadan waa inuu Madaxweyne isu sharaxaa,Musharaxiinta sanadkan aad bey ubadanyahiin kuwo badana waan dhegeystay aad baan uyaabay hanka Somalida siduu u liito iyo in jagadii wadanka ugu sareysay nin walba dheho ana waan geyaa,dabacan waxaad aragtay Muse suudi,Qanyare,Sheriifyada,Calaahi Yusuf ruuxisa oo wax badan oo fikrado iyo caqliyad ba soo bandhigin markaas baad haweysateen madaxweyne adiga iyo Musharaxiinta kale.
    saxiib alla ha idiin fududeeyo inaad noqotaan madaxweyne iyo wasiiro adiga iyo saxiibadaa balse ogow rajo xumadii ayaad rajo xumo kordhigeysaan