Home » Badda »

Xukuumadda Farmaajo oo ku dhacday Shirqool lagu Dhaxal Wareejinayo Badda Soomaaliyeed

  • iyo Dhambaal ku socda Xubnaha Golaha Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya –
  • Xukuumadda Farmaajo iyo Shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 40 sannadood.

Akhri Qoraalka oo dhan RIIX HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

62 Jawaabood " Xukuumadda Farmaajo oo ku dhacday Shirqool lagu Dhaxal Wareejinayo Badda Soomaaliyeed "

  1. cismaan macallim says:

    Assalaamu caleykum walaalayaal anigu waxaan leeyahay arrintan yeysan noqon wax lagu qoro webside-yada oo kaliya ee waa dad idaacada kuxiran ee idaacadaha halagala hadlo si arinta mudaaharaadyada loo dardargaliyo allena halaga baryo inuu kuwa dhagarta noo maleegayo naga qabto shartooda,arrintaan ay wataanna ay ku fashilmaan sidii kuwii horaba ay ugu fashilmeen,wabillaahittawfiiq.

  2. Aad iyo aad ayaan uga xumahay kuwii isku sheegayey inay umadda ay hogaamiyaan oo ay qowsaaro u noqdaan ay gacantooddda ku dhacaan wadanka oo dano gaar ah ilaashadaan iga oo aan eegeynin danta guud ee shacabka iyo jiilka danbe, intaas markaan ku dhaafo waxaan soo jeedinayaa waxaan diyaar u nahay in mudaaharaadkaas ka qeyb galno ee fadlan soo cadeeya waqtiga iyo meesha uu ka dhacayo waad mahadsan tihiin dhamaan inta samaha iyo xaqa dhulka iyo badda Soomaaliyeed in aan la dhicin u taagan.

  3. Xassan Yare says:

    Somalitalk iyo qoraaga noosoo gudbiyay xogtaan waa mahadsanyihiin.
    Aniga waxaay ila tahay in aannu mudaharaad caam ah sameeyno.
    Waxaan kaloo soo jeedinayaa in wadaniyiinta Soomaaliyeed ee xiriirka
    la leh hay-adaha Caalamiga iyo Safaaradaha shisheeye ee dalka aay agjoogaan in aay wargalin HORMARIS AH sii siiyaan ee ku taxalluqda damacaan aay wadaan Commonwealth iyo Norwey.
    Waxaan kaloo soo jeedinaya Soomaalida raadinaya oo web-saadyada isku soo bandhigaya in aay Madaxweyne ka noqdaan Dalka Soomaaliya, hadda ha raadsheen xal u helidda boobka lala damacsanyahay BADDA SOOMAALIYA. Waxaa hubaal ah haddii aay arrintan wax ka qabtaan in aay sumcad fiican sameysanayaa si aay riyadoodu u rumowdo.

  4. Abdirashid says:

    Asalamu calaykum walaalayaal qoraalka uu inoo soo gudbiyey qoraaga arintan ku saabsan Badeenu waa mid runtii aad looga xumaado, shacab ahaan waxa aynu qaban karnaana waa banaaaaaanbax. Su aashu waxay tahay Goorma Meelma Meeqa saac.
    Koley dadku isku meel ma wada joogaan intii isku wadan joogtaaba ha balameen. Wabilaahi tawfiiq.

  5. walal waan idinku raacsanahay in laga hortago oo la isaga celiyo wax kasta oo aan awoodna horarka badeenii boobahayo hadal badan haan ma booxshee ficil arinta aan ka dhigno.
    wa billaahi tawfiiq

  6. Soomaalijecel says:

    Halkana waa dukumenteri kale oo cadeynaya in badda somalia uu cabirkeedu yahay 370 km.
    http://en.wikipedia.org/wiki/Territorial_waters#cite_note-20
    Ninkii been ka sheegana waa damiirkiisa.

  7. Mustaf says:

    Somaali talk Waxaan idiinka mahadcelinayaa Hawsha lama ilaawaanka ah ee aad Bulshada Soomaaliyeed u haysaan.
    WAXAAN talo bixin ahaan idiin ku darsan lahaa Balwasiirka laxiiriira, oo su’aalo badan ka waydiiya howshaan hadii iinaan horay usamayn, Tankale baarlamaanka, Mowshin ka dhex kiciya oo howsha u faah faahiya, si loo horgeeyo ayna u diidaan sidii kiihore oo kale.
    Soomaalidana waxaa oran lahaa maalinta 26Jun aan ku beegno banaan baxeena, oo howshaas aan diidno. meelkasta oo aan joogno…

  8. abdilaahi says:

    asc walal dhamaan umada somaliayeed aad iyo aad ayaan u salamayaa salaan gaar ah somalitalk iyo bashiir sheekh maxamaed walalyaal dhaman umada somaliyeed waxaan u jeednaa dhac aan qarsoonayn hadaba dhacani wuxuu ka sii xun yahay 20 . sano ee aan isdileu ney kana ka xun ayaan qabaawhy waayo dhul iyo bad wax la qiimayn karo maha hada waxaan aamin sanahay shacab wax ba ma qaban karo mudaharaad wax ku joogsan mayaan how sha waxaa looga bahaan yahay aqoon yahanada in isku duubni ula hadlaan farmaajo shariif axmed shariif sakiin all baarlamaanka iyaga ayaa shar cigii wadanka haya hadaba wlal yaal aniga sidas ayaan qabaa

  9. Ascww: Salaan diiran kadib

    Ujeedo Aragtidayda ku aadan Halganka Difaaca Baddeena Somalia.
    Tixraac Qodobka 37 ee Qaramada midoobay ay qaraarka ka soo saartay sanadkii 1972 ee qeexaya Xuduuda dhul badeedka Soomaaliyeed ee ay ku caddahay xadka dhul badeedka soomaaliyeed iyo waliba ilaa intaas oo aynu soo jirnay oo aysan jirin wax dood iyo muran ah oo ka jiray ilaa xiligaas ilaa hadda marka laga reebo dadka sisata magiic qaran soomaaliyeed ee sanadahaan danbe loo adeegsaday in ay faraha la galaan jiritaanka iyo Gobonimada umadda soomaaliyeed ee 68sano jirsatay walee waa yaab mana yara war S L Y Miyeysan ahayn wixii ay diideen 68sano ka hor waxa maantay taagani miyeynaan wax garan miyesan wiilashaasi ina ka dhalan inaga.

    Markaan eegay akhriyey Qoraalada iyo xog uruurunta baaxadda balaaran ee ay u soo halgameen muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku midaysan Halganka waddaniga ah iyo difaaca waddaniga ah ee badbaadinta dhulka biyaha soomaaliyeed gaar ahaan Waddaniyiinta webka Somalitalk.com ee uu hormoodka u yahay Muwaadinka Soomaaliyeed Aqoonyahanka Soomaaliyeed Indheer garadka Soomaaliyeed waayo aragga Soomaaliyeed Siyaasiga Caafimaadka qaba ee Soomaaliyeed Horseedaha halganka badbaadinta dhulkeena gaar ahaan biyo xeebeedka soomaaliyeed Mudane: Dr:Bashiir Sheekh Moxamed walaal جزاك الله خير ayaan ku leenahay waajibkaagi waad gudatay ayaan ku oaran karnaa markaan ka baaraan degay dhamaan dadaalkaas qiimiga badan ee waddaniyiintu sameeyeen waxaa ii muuqday natiijo fiican oo ah.

    Mar hadii maantay loo soo dhaadhacay jiritaankeena umaddnimo islamarkaasna lay noo soo adeegsaday qaar sheeganaya magaca Somali sitana qaranimo somaaliyeed Stilkeed meesha ay ka baxday in laga xishooda waxyaabaha qaarkood ama tusaalle damaca caynkaan oo kale ah hadana aysan jirin habaraatee cid looga cabsanayo dhamaan damacyada caynkaai oo kale ah waxaan go,aansaday in aan idiin soo jeediyo baaq ku aadan badbaadinta dhamaan Gobanimadeena/ Qaranimadeenii/sharafkeena/Mustaqbalkeena / Nolosheena/ waxaana u arkaa xalka kali ah ee aynu ku bad baadi karno waxaa weeyaan fadhiga in aynu ka kacno tusaalle Qodobadaan in aynu ku dhaqaaqno oo aynu midayno-

    1-In aynu isku baadi goobano Caqligeena saliimka ah oo ku jira jirkeena caafimaadka qaba si loo helo wada jirken iskaashigeena iyo wada shaqaynteena.

    2-In aynu Midayno Maalkeena / Maskaxdeena / Muruqeena / Waqtigeena / Khibraddeena waaya aragnimo / Aqoonteena diineed iyo Maadiba waa muhiim.

    3-In aynu Yeelano Goobo Cayiman iyo bar kulan balaaran oo dhamaan daafaha caalmaka inta aynu uga noolnahay si aynu u helno xariir joogto ah wada shaqayn buuxda iyo iskaashi fur furan si ay inoogu hir gasho helitaanka dad fara badan oo ah waddaniyiin diiran dareenkooduna fogyahay dan aduunaya aan siisan Karin dalkooda / diintooda / dhaqankooda / gobanimadooda/ sharafkooda/Calankoda/

    4-In aynu Samaysano Astaan ama calaamad inoo gaar ah Profile inoo gooni ah Xeer-dhaqan hoosaad ismaamul-hoosaadka dhexdeena ah ama Charter si aynu ugu socono hab-dhaqan isku dheeli tiran si aynu uga badbaadno khaladaadka iyo afkaaraha khaldan iyo ujeedooyinka guracn ee ka jira xiligan gudaha wadankeena Somalia iyo gaar ahaan kuwa cadawgeena ah ee ay u adeegsadaan qofkii aan raacin hadafkooda tusaalle tiimbare ayaa dhabarka looga dhuftaa waa Urur hebel iyo waa xisbi hebel ayey dhahnaan Axsaabta ay sheegayaan iyo ururada ay sheegayaanna iyaga laftooda ayaa sameeyey ilaa haddeerna fagareeya si ay ugu danaystaan waana waxa maantay ka jira gudaha wadankeena Somalia sidaasi darted waa in aynu iska adkaynaa dhamaan Ajanda-yaasheena waana in aynu u fikarnaa si waaqici ah .

    By Walaalkiin Waddani Diiran.

  10. Ascww: Salaan diiran kadib.
    Ujeeddo Wargelin Dhamaan waddaniyiinta Soomaaliyeed oo Idil Dal/Dibad
    Aniga oo tirxraacaya halganka waddaniga ah ee ku aadan difaacca baddeena waxaan halkaan diinka soo gudbinayaa barnaamijka damca,siyaasadaysan ee dalkeena dunidu ka leedahay aniga shaqsiyan dareenkayga hadaan ku cabiro waxaan ku soo koobayaa 2bo qodob oo kalla ah 1-Damac siyaasadeed oo aduunyo doon ah waxaa inagu haysta dhamaan Caalmaka Muslimiinta sheegta iyo kuwa kuwa aan Muslimka ahayn ee aynu wadaagno qaaradaha iyo xuduudaha tusaalle qaaraddaha Asia/ Africa, taas oo Micneheedu yahay Somalia 76wadan oo ku kooban Midowga africa oo ah 53dawladood iyo Midowga carbeed oo ah 23 dawladood 2badaas oo laysku daray waa 76 dawladood mid kastana gaarkiisa ayaan kursi ugu leenahay oo waynu ku jirnaa marka laysku daro waxaa ugu hodansan wadanka Somalia sidaasi darteed iyagu waligood raali kama noqonayaan hadii aynaan xoog ku muquunin oo aynaan waddaniyad iyo midnimo muujin waligood dooni mayaan in aynu qaran jirtaankiisa soo ceshada aynu noqono taasi waa mid
    Midda 2-Dhamaan wadamada reer galbeedku waxay nagu haystaan 100% In aynu nahay Muslim aaminsan hal mab,da, oo ah Muslimnimada sidaasi darteed ilaa inta ay inaga dhex helaan in aynu yeelano Mabaa,diida kalla duwan ee dunida ka jirta sida Kiristanka/Shiicada/Masiixiyadda, iyo waliba qaar inaga inaga mid ah oo aan sheeganba wax Mab,da ah ilaa inta ay taas inaga dhex helayaan iyaguna ma doonayaan in aynu samaano oo soomaalinimo iyo midnimo iyo xasilooni aynu dhulkeena ku helo faalada iyo faah faahinta 2badaan dhibaato ama Fairus ee dalkeena mashaakilka ka jira sal dhigga u ah falanqayntooda kalla soco qoraalka kan xiga

    Waddani Diiran WWW.

  11. Jamayare says:

    Salaan ka dib, waa wax noo dhinaa tana, Somalia maanta laga bilaabo dhabarka yey ka jabtey, waa ummad ay waratadii iyo damiiniintii ay hor kaceen, waa wax aan marna la filayn in mawaadin Somaliyeed uu ogolaado dhulkaaga sii dadkale.

    Dhibaatada ay leedahay wadaniyad xumada waa mida ugu horeysay ee nag dhacdo. waxaan rajeyneynaa in dadka soomaliyeed ay danta gaarka meel iska saaran ha u soo jeestaan danta guud.

    baananbax balaaran ha loo diyaar garoobo.

  12. khadar says:

    Hadal waadaysay Abwaan Hadraawi baa erayo uu lahaa waxaa kamid ahaa “Mar hadii dhawaaqiyo dhicisoobay gabaygii. Dhagka maqal hajoogtee lumay dhaqangalkiisii.Gaariyaw dhamaadkiyo Halka ay ka dhawdahay dhoqso ma ugu gudubnaa. Dadka dhiilo culus iyo dhakafaar magalinaa. Dhagar ma u bareernaa” waxaan leeyahay walaalkaa nabada ku baaqya ee mudaharaadka nabada inoo sheegay way soo dhaaftay cidina isma maqlayso waayo waa eelka kii dhigay u dacwootay markaa waxaan oran lahaa dadku tuuga soo diray nacaskeena ma arkaane hala xisaabtamaan tuug nacasyadeena oo gacan bir ah halagula xisaabtamo xisaabi xil ma leh hadaan la xumayn madax nooma aha waa wakiilo ama safaarado dawlada kale oo nala jooga gacan bir ah gacan bir ah .

  13. Calasow says:

    ASC.
    Soomaaliyey lama huraan waa cawskii jiilaal. Markaan maqlay hadalka kasoo yeeray wasiir kusheega oo ahaa : “Madaama badeena boob xad dhaaf ah ku socdo uuna aduunka noo ogoleyn waxa sharciga noogu qoran, waxaan go’aan sannay in aan tanaasulno”. Walaahi waa hadal aan maqlo kii iigu naxdin badnaa. Hada oo aan qoraayo fikradeydaan, I’m steel feeling like crying billaahi. Waligey isma aanan oran hadal aad raadiyo ka maqasho ayaa walwal intaa le’eg kugu beeraya. Waa hadal i dhaawacay oo soomalinimadeyda dhaawacay. Waxaase iigu sii daran, wax aan sameeyo garan maayo.
    Cadawgeenu aad buu u badan yahay. Kaadse u xulatay in uu u babac dhigo haduu isu badalo afhayeenka cadowga, maxaa soomaaliyey tala ah?

  14. Waxaa Yabaab ah In ay yartahay jawaabtu Shacabku ka bixinayo arintaa Waxaan xasuusinayaa Ummada somaliyed Wax hada fudud Hadhow in ay adkaan doonaan aana wax laga Qaban karin Arintaan waxaan leeyahay qof walboow qof kale ha sugin ee isku Xilsaar naftaada hadana halala xisaabtamo adinka oo nool dadka badeena Gacan galinaya,huradad ka kaca Anigu Dowlad iyo shaqsi toona mucaarad kuma ihi laakiin Arintaan ayaana ka seexan waayey waligay website waxba kuma qorin laakiin hada meel lafadhiyo maleh waxaan ka codsanayaa ummada somaliyeed qofkii maqla arinkaan in uu gaarsiiyo kuwo badan oo aanan Maqal, waxaan u mahad celinayaa bahda Boggaan sida ay isku xilsaareen Taariikhda ayaa qoreysa (MAHADSANIDIIN DADAALKIINA HALKAAS KASII WADA )

  15. caaliya says:

    ASC bahda somalitalk waxan idin leenahay Alle ha idinka abaal marsho laakiin please do something adinkaa rag ah dumarka waligoodba rag baa difaaci jiray ee bal wax uun abaabula mudaaharaad ama sidii waxan lagu joojin lahaa qof kale haku haleynina rabina waa idiin la garab gali marka teifishanada jira sida somali chanal ka soo daaya dadka wada gaarsiiya ninkan raadiya oo waresta haduu idin diido dadka ku ceebeeya oo kashifa dhiigga ayaa nagu karay ninkaas ficilkiisa dartiis maalinta qiyaamahana waan haysanaa haduu wixii soomaali udhexeeyey ka gaday gaalo war tolow ma caqligaa laga qaaday?mise waxuu ka baqay gaalka cadaantiisa?walaahi gaalku wuxuu ku ciseyn markaad adigu is ciseyso ee tanaasul kuguma ciseeynayo marka bal inta caqliga u saaxiibka ahoow na badbaadsha oo na daba qabta,Alle ha idinla qabto waxaadna ogaataan somalitalk inaad taariikhda baal dahab ah ka gasheen wajazaakumulah.

  16. Cumar says:

    ASC,
    Goor kastaba salaan gaar ah iyo mahadnaq iga guddoomma dadka ruuxdooda uu dal jaceylku ku weyn tahay.
    Ugu horayn miyaan is weydiinay arrinkaan Kenya goortii ay billowday xashaashuqa hunguriga baas uu ka galay xuduud badeeddeena, imisaa ay wadeen isku deygooda, kaasoo ay waxba uga suuroobi waayeen in la marsiiyo dhamman kooxihii KMG hore, marka laga reebo labadii kooxood ee uu wadaadka Sh.sh. Axmed horboodaya ma ahee?
    Maxaa ka dhigay ninkaan iyo labadiisa kooxood kuwii ugu horreeyay ee la taagan isku daya carqalad gelinta xuduudda la aqoonsan yahay ee baddeenna, miyaan lagaba xishooneyn shirqool lagu xayeeysiinayo inuu GUUL yahay,, see waaye?
    Ceeb miyaaney ugu filleyn in ay dadkoo dhami waaci noqdeen ayna nool yihiin dadkii xog ogaalka ahaa iyo dukumenti asal ah sida linkiyada shabakadaan lagu soo bandhigay?
    Ama waxaa u sugnaatay in ayan joogi doonin oo jeebka ayay sii buusanayaan mar haddii kuwii biilayay ee meesha keenay ay ku adkeysteen in xilligii la eryi lahaa iska muddeysan yahay: “Ku/tu kastoo hayaama/ta caddaalad aakhiro iyo adduun ah ayaa u taal”
    Waxaan sugnaba waa madasha iyo goobta banaanbaxa.

  17. Eng;saalah says:

    Aniga waxa aan qabaa inaan buun buunin dad dalkooda gadanayo taasna Mid aan aqbalayno ma ahan hadaan nahay ardayda somaliyeed.Arinkan waa iska cadahay oo dowlada in ay badda somaliyed kagado kenya taasna mid aan aqbalayno ma ahan hadii ay kenya isku daydana arinkaas waxa ay sababi doontaa hadii ay somalia cagaheeda isku istaagto kenya tillaabo rasmi ah ayaan insha allah kaqaadi doona oo hada ayay dhul inaga haysato oo hadane rabto inay xeebta kudarsato taasna kenya waxa ay u keeno doonta burbur kuyimaado dowladeeda aqiiran aan lawareegno gacan kuhaynta Kenya…….(waa arin dhici doonto ilaah idinkiis waa hadii ay Kenya arinkaas sameyso)

  18. Saciid says:

    Asc, Aad ayaad u mahadsan tihiin bahda Somalitalk.com dadaalkiina difaacida xaqa ummada soomaaliyeed. Wasiirka u ololeynaaya in milkayada badeena uu meesha ka saaro, wuxuu yiri waxaan tagay London oo shirar badeena ku saabsan uga qeyb galay. Ma waxaa jirto cid uu shaki uga jiro in London tahay meesha wasiirka looogu soo sheegay in uu ka tanaasulo lahaanshaha badeena oo 200nm lagu soo koobo 12nm. Waxaa isweydiin leh iyadoo caalamku ka hadlaayo 350nm, maxaa wasiirka tusay 200nm oo ku kalifay in milkiyad jirtay ku dhowaad nus qarni uu meesha ka saaro? Musiibada ugu weyn waxey tahay in ey yar tahay cid soomaalia ah oo ka damqataa taariikhdan madow. Wasiir ku sheeg ama koox yar oo khalad weyn sameysaa waa jiri kartaa, laakiin aaway indhihii ummada ee kale? allow dalkan dad u bixi!

  19. Yaabbane says:

    Assalaamu calaykum, waan idin salaamay akhyaarta maamusha boggan, igana guddooma mahad gaar ah sida aad isugu xilsaarteen arrintan difaaca badda ah, idinkoo u muuqda inaad aqoon u leedihiin arrintan.
    Waxaan kula talin lahaa baarlamaanka inuu sameeyo qodob ah inaan haba yaraatee laga wada hadli karin oo aan la soo qaadi karin wax khuseeya xuduudaha somaliya in marka hore ruqsad laga haysto baarlamaanka mooyee, oo ay halkaa ku istaagto arrinta soo noqnoqotay ee badda ah.
    Waxaan ammaan u jeedinayaa baarlamaanka iyo guddoomiyahoodii hore Aadan Madoobe isagoo baal dahab ah ka geli doona taariikhda, waxaana aaminsanahay in la muujiyo kaalintii uu ku lahaa arrintaa, waxa uu fali doono shariif xasan se waayaha ayaa caddeyn doona insha Allah.
    Waxaad ku mahadsan tihiin aqoonta, qoraallada iyo tixraacyada aad soo bandhigteen; waxaanse la yaabanahay kuwa masuuliyiinta ah ee aan war iyo wacaal ka hayn kuna doodaya in baddeenu tahay 12 Mile, halka tixraaca: http://www.marina.difesa.it/documentazione/editoria/marivista/Documents/Glossario2007.pdf bogga 216 ay Somalia ugu qirayaan 200 Mile.

    Mar labaad waa iga talo oo baarlamaanka ha la horgeeyo diidmadiisa iyo inaan haba yaratee wax xuduud ah aan lagaba hadli karin inta la helayo dowlad leh awoodeeda iyo aqoonteeda.

  20. Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aay dad badan ila soo xiriireen markii aay akhriyeen baaqii ku saabsanaa BANAANBAX NABAD AH oo halkan hoose aad ka arki kartaan faahfaahinta oo kaamil ah,
    waxaayna i wada weydiiyeen goorma ayaa la sameen BANAANBAXAN?

    Bacdamaa aay si joogto ah usoo ifbaxayaan qorsho horleh oo aay wadaan Dowlado Reer Yurub ah oo aay leeyihiin waxaan Keenya ka caawimeynaa cabiridda badda ……..http://somalitalk.com/2011/badda/difaac1.html

    Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa mar kale ( Dowladda, Mucaaradka, Shicibka iyo Dowlad Goboleedyada) in aay sameeyaan hal maalin BANAANBAX NABAD AH oo ula jeedadeedu tahay in aan ka badbaadno qorshaha gurracan oo cusub oo lagu boobayo badda Soomaaliya.

    Sidaan qoraalladeydii hore idiinku sheegay, ee soo noqnoqoshada boobka badda Soomaaliya:-
    http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html
    http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac4.html

    Waxaa ila qumman in aan hal mar usoo wada jeesanno xalinteeda.

    Waxaan Soomaalida la socodsiinayaa in Dowlad kasta oo Soomaliya ka curata in DAD AAN SHAQSIYAD LAHAYN lasoo adeegsan doono, sababtuna aay tahay in la boobo kheyraad baddayada dhex qotoma.
    Walaalayaal,
    HURDADA DHEER oo aan galnay aan ka toosno oo boobkan nalagu hayo aan ka gilgilano oo aan u caddeyno in aanaan RAALI KA AHAYN illeen tabar kale ma haynee.
    Si aan u jaheyno BANAANBAXA, Wasiirka Kallumeysiga halla weydiiyo
    DOWLADDII ama URURKII u la shiray oo dokumentiga iyo qariidadaha usoo dhiibtay si aan ayaga qudhooda uga billowno banaanbaxa nabadda ah.

    Bashir Shekh Moxamed
    bashirmohamud@yahoo.com

  21. mubarig says:

    qofki donya sharciga bada somaliya oo fahfahsan halkan ka ee
    http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf
    badeenu waa 200 nm
    mid kale oo isla isagi ahna waa kan
    http://faolex.fao.org/docs/pdf/som4925.pdf