Home » Warar »

Ururka Dhaqdhaqaaqa Haweenka Suxufiinta Soomaaliyeed ee WOJA oo Xusey Maalinta Saxaafadda Adduunka

Iyadoo ay maanta ku beegan tahay Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3 May ayaa Munaasabad ku aadan Maalinkaa waxay ka dhacdey Magaalada Muqdisho haddii aan soo qaadano Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa lagu qabtey Xarunta Hayadda INXA , waxaa Xafladaas soo qaban qaabiyey Ururka Dhaqdhaqaaqa Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee WOJA

Ugu Horeyn waxa halkaa warbixin ka so jeediyey Gudoomiye ku xigeenka Hayadda WOJA Sahro Cabdulaahi Yuusuf oo sheegtey in Haweenka soomaaliyeed ee Suxufiyinnta ay yihiin kuwo dhibaatooyin ka soo gaarey Dagaaladda ka sii socda Magaaladda Muqdisho, waxay kaloo ay sheegtey in Haweenka Suxufiyiinta ay u baahan yihiin in la siiyo Tababaro iyo Siminaaro kor loogu qaadayo Aqoontooda


Sahro Cabdulaahi Yuusuf waxay sheegtey iyadoo ka faaiideysaneyso Munaasabadda Maalnta Saxaafada Adduunka in Haweenka Suxufiynta ee ka shaqeeya warbaahnta kala Duwan ee Soomaaliya ay la soo gudboonaadeen Dhibaatooyin Fara badan waxayna ugu baaqdey Masuuliyiinta Warbaahinta in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Haweenka Suxufiyiinta ah isla markaana kor loo qaado Xirfadooda Aqooneeed

Waxaa kaloo Munaasabaas lagu Xusayey Maalinta Saxaafadda Adduunka ka Hadley CabdulaahI Maxamuud Nuur oo ah la taliya Arrimaha Bulshada ee Geeska Afrika oo sheegey in Warbaahinta soomaaliya ay la soo gudboobnaadeen Muddooyinkii ugu dambeeyey Dil, Dhac, Hanjabaad , Xarig iyo Masaafurin wuxuuna sheegey n Warbaahinta soomaaliya ay ugu Bixi karaan dhibaatooyinkaas isku duubnaan iyo Midnimo, Wuxuu sheegey in Ururkiisa uu ka qayb qaadan doono sidii kor loogu qaad lahaa Aqoonta Haweenka Suxufiiinta , wuxuu soo jeediyey in Ururada Saxaafadda ee Haweenka in ay mdoobaan oo ay ka baxaan kala qaybsanaanta

Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley Marwo Farxiyo Maxamud Jaamac oo ka socotey Ururka Haweenka ee Hanad oo sheegtey in ururkooda ay aad uga xun yihiin Dhibaatooyinka loo geystey Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqdey Haweenka suxufiyiinta in ay ku dadaalaan sidii ay Xirfadooda Saxaafadeed ay kor u qaadaan si ay ula tartamaan Suxufiyiinta kale ee Adduunka

Munaasabadaas lagu Xusayey Maalnta Saxaafadda Adduunka ka Hadley Marwo Bishaaro oo ka socotey Hayadda TAQWA waxayna kula talisey Haweenka ku jira Warbaahinta in ay gacmaha is qabsadaan isla markaan ay sameystaan Xarumo waxbarasho si ay u gaaraan Horumar Dhinac weliba leh

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Maalinta Saxaafadda Adduunka oo laga xusey Magaalada Muqdisho

Xaflada iyana lagu xusayey maalinta Saxaafadda Aduunka ee 3 May ayaa lgu qabtey Hotel Ambasadoor waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka , Xildhibaano , Ururada Saxaafada iyo Marti Sharaf kale waxaana Xubnihii ka Hadley ka mid ahaa Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ah Gudoomiyaha Warbaahinta ee Baarlamaanka Dowllada Federaalka , wuxuuna sheegey In Suxufiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Midoobaan isla markaan ka baxaan is jiid jiidka dhexdooda ah


Xildhibaan Cawad wuxuu sheegey in Warbaahinta soomaaliya looga baahan yahay in ay ka hadasho Arrimaha Nabadgelyada si dadka soomaaliyeed u helaan Nabad Buuxada , wuxuu kaloo uu sheegey in Warbaahinta ay tahay Aalald dadka u jiheyn karta wadada wanaagsan, wuxuu kaloo u sheegey in Warbaahinta laga doonayo in ay ka hadasho Xaqiiqda islamarkaana ay ku dadaalaan isku keenida Shacabka soomaliyeed

Cabdulaahi Maxamed Xasan Black oo ah Gudoomiyaha Muqdisho Media House oo isna ka Hadley

Munaasabadaas ayaa wuxuu sheegey in Saxafiiinta soomaaliyeed ay haystaan dhibaatooyin fara badan taasoo ku timid midnimo la’aantooda , wuxxuuna u soo jeediyey Qaybaha warbaahinta in ay la yimidaan sidii ay uga bxi la haayeen Marxadda adag oo ay ku jiraan

Ugu dambeyen Hayadiihii soo qaban qaabiyey Munaasabaas ayaa waxay halkaa ka soo saareen Baaq ka kooban dhowr qodob waxaana ka mid ahaa in Ururada Saxaafadda looga baahan yahay in ay sameystaan Guddi Xiririya sidii loo mideyn lahaa

Waxaa kaloo ka mid ahaa qodobada In Ururada Saxaafadda laga taageero xagga tababarada si ay u helaan Aqoon dhameystiran, waxaa kalo ka mid ahaa qodobadii la soo saarey in Saxaafada laga Taageero arimaha Gudashada Waajibaadkooda shaqo

Waxaa loogu baaqey Maamulada jira in ay dhowraan Madaxbanaanida Saxaafadda, waxaa kaloo ka mid ahaa baaqooda in la sameeyo Guddi u dhaxeeya Dowlada Bahda Warbaahinta si xal looga gaaro isku dhacyada labadda Dhinac

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faallooyinka iyo Ra’yiga: http://www.somalitalk.com/faallo/qoraal.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.