Home » Warar »

Shirkii Tobnaad ee Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika oo soo gabagaboobay iyo Bayaan kasoo baxay.

Sidii qaybtii hore aan ku xusnay waxay soo gudbiyeen gudiyadii loosaaray inay soo koobaan qodobadda laga dooday, arihimii ugu muhiimsanaa ee ka soobaxay qodobadaas. Gudiga dacwada waxyaabihii ay soo gudbiyeen waxaa ugu muhiimsanaa in dhinaca waxbarasha loo sameeyo Manhaj Midaysan dhinaca Dugsiyada, Macaahida iyo Waxbarashada kaleba. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa in tababar loo sameeyo Imaamyada, ducaada iyo maamulada Maraakista/Masaajida iwm.

Halkan ka daawo Sawirada gabagabada shirka

Qodabadii kale ee shirka ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa horumarinta iyo tayeynta Golaha Imaamyada, dhinaca awooda, dhaqaalaha iyo xaqiijinta ahdaaftiisa mustaqbalka dhow iyo kan  fogba. Waxaa la isku raacay inay maadaama Goluhu maamulo Maraakis/Masaajid badan uuna sii balaarinayo maalinba maalinta ka danbaysa in Maamulkiisa labalaariyo loona sameeyo gudi hoosaadyo, waxaa goobta lagu sameeyey gole fulin oo xaqiijiya go’aamadda kasoo baxay shirka iyo guud ahaan Golaha howlihiisa oo dhan.

Waxaa kaloo qodobada muhiimka ah ee laga hadlay ka mid ahaa qiimaynta iyo kala hor marinta baahiyaha Masaajida furmaya iyo dhibaatooyinka haysta kuwa jira oo  aan lahayn awood dhaqaale oo kaligood ay ku xaliyaan. Waxaa ladhagaystay baahida iyo cabashooshinka Masaajidaas, kadibna waxaa loosaaray gudi usameeya qorshe sanadeed ay tabarucaad uga raad sadaan Maraakista/Masaajida kale.

Waxaa xusid mudan Masaajida iyo Maraakista waawayn ee ka dhisan Waqooyiga Ameerika, qaarkoodna ku fadhiyaan lacag gaaraysa Shan Milyan oo doolar in lagu dhisay qaab is kaal maysi ah, oo Soomaalida dagan Waqooyi Ameerica iyo Muslimiinta kaleba marka loo ban dhigo baahida iyo duruufaha gobolkaas ay sameeyaan barnaamij dhaqaale aruurin ah si loo hirgaliyo Xaruntaas/Masaajidkaas. Arintaas oo lagu tilmaamo arimaha ugu waawayn uguna muhiimsan  ee goluhu hirgaliyey, marka laga reebo isku xirida ummada, dacwada iyo ducaada.

Fikirkaan in ah in Xarumo ummadu leeday  loo sameeyo ayaa waxaa abaalkeeda iska leh illaahay ka sokow Culimmada iyo Ducaada Soomaaliyeed ee arintaan xilka khaaska ah iska saaray, kadib markay qiimeeyeen baahida mushtamacan muslimka ah ee kusoo qaxay wadan ka diin, dhaqan iyo cimiloba duwan. Sidoo kale waxaa xusid mudan in badan oo kamid ah Culimmadaiyo ducaada inay culays iyo dhibaato kasoo gaartay xaqiijinta ahdaaftaas iyo masuuliyadaas wayn.

Qodobka ugu danbeeya  ee aan halkaan ku xusayno ayaa ahaa sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo xiriirka Golaha iyo Ururada kale ee Muslimiinta ah, iyo sidii Markaskasta/masaajidkasta  xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa Gobolka ay ku yaalaan.

Qodobkaas markii laga dooday waxyaabihii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa; in diinta Islaamka lagaarsiiyo Mushtamacaadka kale ee aan Islaamka ahayn  iyadoo loogudanayo sida ugu wanaagsan uguna xikmada badan, in Goluhu xiriir wanaagsan la bilaabo Ururada kale ee muslimiinta ah, kana qayb galo Mu’tamaraadkooda, Sidoo kale Masaajida inay xiriirkooda kala dhaxeeya Masaajida kale ee Muslimiinta xoogjiaan kuna marti qaadaan Mu’tamaraadka iyo shirarka kale ee  ay qabtaan. Waxaa kale oo aad loo xusay muhiimada ay leedahay in xiir wanaagsan lala yeesho  Gobalada la dagan yahay iyadoo Masaajidkasta ka kabilaabay Gudiga xaafada, (neighborhood association) Sidoo kale in la qabto Open House Markiskastana/Masaajidkastana baraa dariskiisa waxa uu yahay.


Waxaa iyana warbixin laga dhagaystay Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (H.A.R.O.)  oo uu kasocday Masuulka hay’ada Sh. Cali Haji, Sh. Cali ayaa ka warbixiyey waxqabadkoodii sanadkii lasoo dhaafay ee 2010 iyo guud ahaan hay’ada. Sh. Ali ayaa qaybiyey Buugaan iyo Calender ay ka muuqdaan warbixin iyo sawiro dad Soomaaliyeed oo aad u dhibaataysan, Sh. Cali ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay wax qabadkoodu hoos u dhacay, sababtana ay tahay dhaqaalihii ay heli jireen oo hoos u dhacay. Maraakista ka soo qayb gashay shirka ayaa aad ugu mahad celiyey Hay’ada Haro iyo  Sh. Cali iyo masuuliyiinta kale ee Hay’ada, Culimmada ayaa soo jeediyey in Hay’ada lagarab istaago lana caawiyo, dhaqaalo aruurina looga sameeyo Maraakista iyo Masaajida. Sh. Cali ayaa sheegay in Hay’adoodu ka sharciyey santahay wadanka Maraykanka ayna gargaar gaar siinkaro Geeska Africa oo dhan, dhaqaalena ka aruurin karto meelkasta. Sidoo kale Sh. Cali ayaa sheegay in ay canshuur dhaaf ku helayaan walaalaha sadaqada labaxa, marka lagaaro canshuur celinta. Sh. Cali ayaa codsi usoo jeediyey dhamaan Maraakista iyo ummada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, in ay gacan u fidiyaan walaalahooda wadankii Hooyo ku dhibaataysan, Sh. Cali ayaa yiri dhibaatada waad ka dharagsantihiin waqtiga oo yar, waxaan idin xasuusinayaa abaar aad u daran in wadankii ku habsatay, biyo la’aan daraadeedna dad iyo duunyoba u halaagsamayaan, hada waxaa bilaabanaya xiligii roobka laakiin abaartu sidaan markay u daran tahay intii hartay ayaa roobku is raaciyaa, markasta baahidu way taagan tahay, anaguna waxaan xooga saaraa Cuntada iyo Biyaha,  intaa wuxuu raaciyey anana waxaan balan qaadaynaa inaan sida ugu wanaagsan u gaarsiino dhamaan Soomaalida wadanka ku dhibaataysan,  insha allaah. Markasta oo nagala codsado warcelin/Report diyaar ayaan lanahay, hadana website-ka ayaad ka ariki kartaan waxqabadkeena, iyo warbixinadii hore. Halkan ka fiiri booqo website-ta HARO,  http://www.soomaalirelief.org/ Sidoo kale akhri qoraal somalitalk horay u daabacday.http://somalitalk.com/haro/

Shirka Sanadkan waxaa Martigaliyey Masjid Ar-Rahmah Phoenix Arizona. Masjid Ar-Raxmah waa Markis wayn oo aad u quruxbadan kuna yaala meel faras Magaale ah, Masaajidka ayaa lagu soo wareejiyey Marti Shartii timid, martiqaadna loogu sameeyey Maalintii labaad ee shirka. Masjid Ar-Raxmah waxaa socda hindisii si dhamaystiran loogula soo wareegi lahaa, Masaajidka waxaa lagu gaday $700.000 waxaa dhiman $430. 000 lacagtaas waa lacagta lagu gaday, kuma jirto dib u habaynta.

Halkan ka daawo Sawirada gabagabada shirka

Masjid Ar-Raxmah Phoenix oo uu Imaamka ka yahay Sh. Abdilkhaliq Diiriye ayaa shirka tobnaad ee golaha sanadkan marti galiyey, reer Phoenix sida aad iyo aad ah ayey usoo dhaweeyeen Maraakista  iyo Masaajida martida u ahayd. Magaalada Phoenix waa magaalo cimilada Gobalada badda cas ee Soomaaliya kuyaal la cimilo ah taas oo Culummada meelaha qabow ka yimid ay Soomaaliya ku soo xasuusteen. Maamulka Golaha iyo dhamaan marti sharaftii ayaa Walaalaha reer Phoenix uga mahad celiyey soo dhawayntaas, uguna du ceeyey in illaahay Markaskooda u hirgaliyo.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan kuwajahan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Waqooyiga Ameerika.

Halkan ka daawo sawiradii hore ee shirka

Bayaan ka soo baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerica  oo Kuwajahan Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba KA AKHRI HALKAN (pdf)

Taariikhda Golaha:

Golaha Iimaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub W/qooyiga Ameerika. Golaha Imaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa hoos yimaada 17 Markis/Masaajid.

Halkan ka daawo Sawirada gabagabada shirka

Waxaa soo diyaariyey

Hassan Jama (Xasan Dhooye)

Maamulaha Abubakar As- Sadiqque Islamic Center

Minneapolis, MN

abubakarcenter@gmail.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkii Tobnaad ee Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika oo soo gabagaboobay iyo Bayaan kasoo baxay. "

  1. abulkhayr says:

    Asalaamu calaykum wr.wb.
    salaan kadib waxaa mahad oo idil ay usugnaatay Alle subxaanahu watacaalaa nabadgalyo iyo naxariisna nabi Mohamed (scw) intaas kadib.
    waxaa xusid mudan in golaha imaamyada ee waqooyiga Ameerika inay wax badan qabtayn wax badanna uharsan yihiin waxaana lee yahay jazaahumullaahu khayran hadii aanan maantana lahelin umada inay hesho meel ay ku midaysan tahay inay sahlanaan lahayd inay ku dhex milmaan umadaha kale ee aan islaamka ahayd ee ay ku dhex nool yihiin.
    waxaan rabaa walaalaha iyo culumada dhisay golahaas inaan ugu nasteexeeyo arimahaan soo socda 1- inaad ubaahan tihiin inaad dhalinyarada kasbataan siiba dhalinyarada wadankaan wax ku baratay horena majaalka dacwada in mudo ah kusoo jiray waxaana ulee yahay hadalkaas waxaan ku noolahay wadanka mareekanka inta aan joogay waxaan mulaaxadeeyay in dhalinyarada wadankaan wax ku baratay aanan lasiinin majaalka hadii ay noqon lahayd dhanka nidaamka iyo dacwadaba way jirtaa oo ma inkiraayo in markas kasta ay jiraan dhalinyaro dacwada si xoog leh uwado hadana hadii aan laga qaybgelin markasta nidaamka daakhiliga ah hadii ay noqon lahayd in markaskaas uu umadax banaan yahay ciduu u arko in maamul ahaan iyo khibrad dacwo lee yahay loo dhiibo hadiise uu golaha kaligiis la gaar noqdo maamulka markaskaas ama uu kor uga keeno markaskaas iyo jaaliyada ku xiran runtii dhibaato badan ayaa ka imaan karta horena waa ay udhacday dhalinyarada inta badan marka ay reer yeeshaan oo ay usii dheertahay shaqo waa ay isaga tagaan markaska amaba dhoorkii maalmood ayaa laga yaabaa inuu soo siyaarto, 2-waxaa golaha imaamyada looga fadhiyaa inay kala saaraan siyaasada udegsan golaha ayna ka dhigaan mid guud korna kala socdaan maraakistaas asaga oo kor ka muraaqabaynayo kaliyana ay ku ekaato nasteexo guud hadii ay noqoto is bedel uu kala tashado jaaliyada ku xiran markaskaas, siyaasadiisa ku aadan markaskaasna ay cadahay iyo mid gaar ah oo ay umadaxbanaan yihiin markaska 3- jaaliyada ku xiran markaskaas hadii ay noqon lahayd inay dooran karaan qofka madax uga noqon lahaa markaskaas iyo mudada uu maamulkaas joogayo aysan noqon mid dadka dusha looga keenayo hadana aanan mudo xadidan lahayn waxkasta oo dabo dheeraado dhibkooda ayay lee yihiin waadna lasocotaan waxa kasocda dhulalka islaamka hadiise qofka loo xadido mudada uu maamulkaas haynayo waxa uu isku dayayaa inuu wax cusub kusoo kordhiyo hadiise uu ogaado inaan waqti lagu xirin waxa uu isku qancinayaa beri ayaad qabanaysaa waxayna ku qaadanaysaa mudo aad ubadan inuu wax cusub soo kordhyo,4-waxyaabaha runtii cajiibka ah ee aan golaha ku arkay inuu imaam uga dhigo markaska imaam aanan luuqada wadanka looga hadlo garanaynin ama xaalada jaaliyada ee markaskaas aanan lasocon ama aanan wax xirir toos ah ka dhaxaynin way adkaanaysaa inay is fahmaan dhalinyarada ama caruurta wax ku baratay wadanka waxa uu inta badan xooga saarayaa oo kaliya dadka waawayn oo waqtigoodana hore usoo qaatay heer ay gaarto in marka uu wax aqrinaayo dhoor qof oo odayaal ubadan ay dhagaystaan hadana ay iska sheekaystaan,waxaa marka mudan in laiswaydiiyo yaa loo dhisay maraakistaan inay ka faa,iideestaan? dabcan dadka oo dhan ayaa loo dhisay balse dadka la rabo in laga badbaadiyo dhaqan xumada taalo mareekanka iyo dhulalka gaalada oo dhan ayaga in muhiimada xooga lasaaro ayaga ayaana ah dadka mustaqbalka la wareegi doono maraakistaas hadii aysanna dicin laasamaxallaah wadadii umadihii hore mareen ayaana maraynaa oo in masjidka lagu celiyo waxa uu ahaa markii hore sida kaniisad ama dukaan taasna Alle ayaan ka magangelaynaa,5-golaha waxaa looga fadhiyo inay ummada usoo gudbiyaan maraakistaas inta culumo oo ay soo saareen halwadaadba Allaha kadhigo iyo hurumarka ay jaaliyada soomaaliyeed uqabteen sanadkii hore ayada oo number ah iyo xiriirka ka dhaxeeyo ayaga iyo dowlada taas oo aan kawado waxa ay jaaliyada kusoo kordhiyeen balse qofka aqriyo bayaan kasoo baxay golaha imaamyada waxa uu ubadan yahay talooyin guud 6-arinta ugu danbeeso waan idinku dheereeyay ee aan usoo jeedinayo golaha una baahan in lasaxo waa in la sameeyaa golo imaamyo oo magaalo kasta ay ku nool yihiin jaaliyada soomaaliyeed leh kadibna la dhiso golo imaamyo guud hadiise ay dhacdo labo imaam amaba kaban oo isku magaalo ah hadana aanan salaanta iska qaadaynin magaran karo dacwada ay sheegayaan kolay dariiqii nabbi mohamed (scw) ma,aha maantana waxa ay culimada inta badan isku hayaan waa masaa,il farci ah kama hadlaayo masaa,isha caqadiga ayada oo aanan ka marnayn in marwalba lawada hadli karo maxaa yeelay qofkasta daliil ayuu cuskanaayaa sidoo kale hadii imaam kasta uu ku xiran yahay waxa soomaaliya kasocda iyo inuu imaamwalba isla qumanaado oo uu u arko kan kale inuu qaldan yahay ayada oo lahilmaamayo xaalada ka jirto wadanka uu ku nool yahay maxaa loo ogol yahay ummada islaamka iyo maxaase loo ogalayn oo uu udhaxeeyo gurigiis aiyo markaska uusan la socon waxa dhinacyadiisa ka dhacaayo iyo inay umadaan lee dahay wax badan oo ka dhaxeeyo iyo maslaxada guud inay isku keeni karto, ayada oo qofwalba ka hormarinaayo tiisa gaarka ah, waxaana hubaal ah hadii maanta ummada soomaaliyeed laga heli lahaa wayna jiraan oo ma ,inkiraayo culumo iyo wax garad u taagan maslaxada guud inay ummadaan horumar gaari lahayd sida jaaliyadaha muslimka kale horumarka ay ka gaareen dhanka maamulka iyo dacwada horumarinteeda.
    ws.wr.wb.