Home » Faallo »

“Soomaali iyo Carab ayaan deris ahayn, wax diin ahna iima sheegin”

Aduun tacab aakhiro abaal marin

Assallaamu caleykum wr wbr

Walaal marka hore waxaad iga guddoonta salaanta islaamka, salaan ka bacdi waxaan idiin rajeynayaa adiga iyo reerkaagaba kheyr iyo barwaaqo. Walaal waxaan kula jeclaystay kheyr maaddaama aad tahay nin kheyr jecel. Walaal waxaan ka xumaaday sida dadka aan muslimka ahayn ee aanu la degganahay aan ugala bakheylnay inaan u sheegno nuurka illaahay ina siiyey, oo aanu ku mashquulnay oo qura inaan caloosheena u shaqaysano oo kaliya. Xusuusana xadiiskii ahaa

لئن يهدي الله بك رجلاً واحد خير لك من حمر النعم kaas oo macnahiisu yahay  in qof keliya illaahay gacantaada ku soo haddeeyo, ayaa ka kheyr badan geela kiisa gud guduudan ee loogu jacaylka badan yahay.

Walaal waxaad daawataa walaalahaan soo islaamay iyo sida caalamku maanta ugu baahi qabo nuurka islaamka iyo hadyiga nebigeenii(scw). Ha ahaato dhan mujtamaca, caqiida, sacaadada dhabta, dhaqaalaha, caafimaadka. Walaalayaal waa la waayey wax ka wanaagsan diinta islaamka. Waana sababta keentay in qof aan muslimka ahayn markii diinta loo sheego, kitaabkana uu soo akhristo uu isla markaas  islaamayo. Walaalayaal caalamkii albaab walba ayuu a garaacay si uu dhibaatooy

inka haysta xal dhab ugu helo. Walaalayaal waa xal waa la soo waayey illaa islaamka mooye. Haddaba gaalada horjoogayaashooda waaweyni ma doonayaa iney caamadu xaqa arkaan, waayo haddii ay dadku xaqa gartaan waa ay xoroobaayaan. Walaal haddaba anaga ayaa nalaka doonayaaa inaan dad xaqa gaarsiino.

Waa gabar kenyan ah oo leh soomaali iyo carab ayaan deris ahayn wax diin ahna iima sheegin. Walaal waal laga naxo.

http://www.youtube.com/watch?v=0_KpYJAQbR8

Walaalka kanna waa askari mareykan oo ka xanaaqay sawiraddii nebigeena lagu caayey ee denmark lagu daabacay.

http://www.youtube.com/watch?v=7KZokAN6viE

Ninka dhalinyaro ah oo nebi ciise riyo ugu yimid oo ku yiri raac diinta nebi Muxammed (SCW)

http://www.youtube.com/watch?v=v470-SCMXmA&feature=related

Kana waa dhalinyaro ah oo la yiraahdo Piere Vogiel. Fadaliga Alle kabacdi waxaa gacantiisa ku soo islaamay kumanaan garmal ah.

http://www.youtube.com/watch?v=zdNE0LLro6E&feature=related

Kana waa wiil dhalinyaro ah oo mareykan ah oo islaamay.

http://www.youtube.com/watch?v=hl8y4EuO124

Gabadhanaana daawo

http://www.youtube.com/watch?v=26lt71EJ-T0&feature=related

Gabadhaan markey islaamtay wexey isku dayday in carruurteeduna islaamka soo gaalaan.

http://www.youtube.com/watch?v=-O-SW-1hGGA&feature=related

Wabillaahi towfeeq

Mohamad Yusuf Muse
abuyonis114 [ at] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “Soomaali iyo Carab ayaan deris ahayn, wax diin ahna iima sheegin” "

  1. rayaan says:

    asc dhamaan waa idin salamay shaqalaha web ka salaan kabacdi ilaahay ajir ha idin ka siiyo si daa noogu so gud binesaan waxyaaba qayr ka ku jiro anaga hana ga dhigo ku wii ku camal falo wabilaahi toow fiiq

  2. Qadar says:

    As dhaman wa idin salamay aqayarta somalitalk waxana joga tanzani xladana wa ok waxan codsana barnamijadina in ad ku so dartan ka shekeynta qisoyinka nabiyada iyo saxaba iyo dadki salixintaha iyo tabiciyinti wax waliba o taqiq ku leh dinta islamka ta ayan donayay wabilahi towfiq qeyr ayana isku ognahay ok mar 2ad salan ok by