Home » Faallo »

Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed!!

Maqaalka oo sawiro wata ka eeeg halkan

Maqaalkaan aan ugu Magacdarey Xujeyda Siyaasiyinta Somaaliyeed halkee u Xaj tagaan? waa Maqaal aan muddo ururrinayey waxaana u soo qaatey Sida Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u aamineen in Siyaasigaan Tagin Adis-Ababa uu yahay Siyaasi wax badan ay ka maqan yihiin,waxaana mooda in lagu Waajib yeeley tegista Magaaladda Adis-Abab iyagoo og in Itoobiya ay tahay Dowlad aana marnaba dooneyn in Soomaaliya ay hesho Dowlada Adag oo dhinac weliba ka dhisan ha noqoto Siyaasad,Dhaqaale iyo Ciidanba, waxaana soo Xasuustey markii aan akhriyey qoraal ku yaaley Derbi ka mid Derbiyadii ay degenaayeen Cidamada Itoobiya xilgii ay ku sugneyd Muqdisho kaasoo ahaa “Ma Hilmaanteen Dagaalii 77 “ hadaba Goormey siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka maarmi doonaan tegista Magaalada Adis Ababa waxaana halkaan idiin ku soo gudbinaa sida Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu xiran yihiin Adis –Abab oo dadka qaar qaba in Adis-Ababa ay tahay Caasimadii laga xukumayey Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyagana yihiin Gudoomiyayaal Gobol oo hoos Taga Itoobiya Dowladda Itoobiya oo dadka Soomaaliyeed intooda badan aminsan in ay tahay Dowlada Cadaawad kala dhaxeysa Shacabka Soomaaliyeed horena ay dagaalo u dhaxmareen ayaa markii ay burbrtey Dowladii Soomaaliyeed Sanadkii 1991 ayey Dowladda Itoobiya waxay bilowdey in ka faaiideysato burburkaas taasina waxay keentey in siyaasiyiin fara badan oo soomaaliyeed ay aamineen in Itoobiya ay tahay Dowlad aan looga maamrmin arrimaha Soomaliya waxaana dhacdey in loo kala tartamo Magaalada Adis Abab oo ay fadhiyaan Madaxyaweynta Itoobiya,

Itoobiya waxay weligeed ku hamineysey in Ciidamadeeda mar uun tagaan Magaalada Muqdisho waxaana u suurageliyey Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Damacoodu ahaa in wadanka xoog ku Xukumaan , Balse ma fiirin waxa ka imaan kara qaarkoodna waaba ay ka qoomameeyeen ,hase yeeshee Ciidamadii Itoobiya ee soo galey Soomaaliya laguma soo dhaweyn Ubaxyo iyo Gacmo Furan ee waxaa lagala hortey Dagaal aan loo kala harin taasina waxay keentey in ay si hal-haleel ah uga baxaan Soomaaliya dibna loogu Celiyo Xuduuda,hase yeeshee soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho wixii ka horeeyey Siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar haan Qabqablayaashii Dagaalka waxay isaga daba laabaanayeen Magaalada Adis Ababa iyadoo mid weliba uu doonayey in uu Taageero ka helo Dowlada Itoobiya hana nqoto taageero Ciidan , Mid Hub iyo Mid Siyaasadeed waxayna mar noqotey Adis Ababa meel ay isku hardiyaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhowr jeer u qabatey kulumo lagu hagrtaameynayo Shacabka Soomaaliyeeed,weliba xiligaas waxay Dowladda Itoobiya Qabqablayaasha soo siin jirtey Hub ay ugu talagashey in ay isku laayaan Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore Maamulka Soomaaliland Daahir Riiyaale oo dhowr jeer isaga daba laabtey Magaalada Adis Ababa isagoo kulumo la qaatey Meles Zanawi oo ay isla soo qaadeen Arrimaha Soomaaliya iyo Danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya,taasi waxay keentey in Riyaale uu sdoo dhaweysto dadka Itoobiyaanka ah ee Tahriibka ah iyo kuwa Shaqo doonka ah,,halka dadka Soomaaliyeed ee ka imaanya koofurta laga soo eryo Deeganada Soomaaliland weliba waxaa sii dheer in dad Soomaali ah oo ka soo jeeda Soomali Galbeed ee Itoobiya Xooga ku haysato loo Gacan geliyo Maamulka Zanaawi,waxay arrintaan keentey in uu sii xoogeysto Xirirka Soomaaliland iyo Itoobiaya maadaama uu Daahir Riyaale uu fuliyey waxa Itoobiya ay dooneysey.
Siyaaiyiinta kale ee u Xaj tagey Adis ababa waxaa ka mid Cabdulaahi Yuusuf oo mar u noqotey Itoobiya Hoy uu kaga soo duulo Dalka Soomaaliya xiligii uu Mucaaradka uu ku ahaa Dowladii Maxamed Siyaad,hase yeeshee si uu u rido Dowladii Soomaaliyeed ee jirtey waxaana mar dambe Dowladda Itoobiya ay dhigtey Xabsiga waxaana uu ka soo baxay markii ay burburtey Dowldii Milatariga ahayd,,hase yeeshee Cabdulaahi kama harrin in uu mar kale uu wanaajiyo Xiriirkii Dowlada Itoobiya iyo isaga waxaana dhacdey in markii Madaxweyne ka noqdey Pundland wuxuu dadaal u galey in uu sameeyo wax kasta oo ay ku qanceysey Dowlada Itoobiya oo ay ugu horeyso gacan gelinta Dadka ka soo jeeda Soomaali Galbeed,waxaana markii dambe loogu abaalmariyey in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne wuxuuna dhowr jeer isaga tabalaabtey Magaalada Adis Ababa taasoo sababtey in Ciidamada ay soo galaan Soomaaliy gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Raiisul Wasaarhii Hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo isagana ka mid ahaa siyasiyiintii u Xaj tagtey,Magaalada Adis Ababa kana mid ahaa siyaasiyiintii u ololeyneysey in Ciidamada Itoobiya ay soo galaan Koofurta Soomaaliya si ay u burburiyaan Maxaakiimtii Islaamiga oo xiligaa Nabad ku soo dabaaley inta badan Koofurta Soomaaliya wuxuuna ahaa Siyaasi markasta doonayey in Itoobiya ay Galaangal Siyaasadeed ku yeelato Soomaaliya balse Khilaaf soo kala dhex galey isaga iyo Cabdulaahi Yuusuf waxay keentey in Itoobiya ay xigsato Cabdulaahi Yuusuf oo isaga uu haa nin ugu badan ee Fuliyey Barnaamijka (Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed).

Markii Raiisul Wasaare loo Magacaabey Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa markii uu maalmo hayey Xilkaas noqdey nin dhuunta u galey Cabdulaahi Yuusuf ayuu wuxuu hoosta iska yiri maadama aad Cabdulaahi is haysaan yuusan kaaga dheereyn arrimaha Siyaasada Itoobiya,maadaama Cabdulaahi wuxuu kaga badiyey Cali Maxamed Geedi ay ahayd u dhawaansha Itoobiya, wuxuuna markiiba bilaabey in uu u Xaj tago Adis Ababa wuxuuna kulomo aan kala Go’lahayn la yeesheey Meles Zanawi oo ay isl;a soo qaadeen arrimaha Soomaaliya,hase yeeshee Itoobiya lama dhacsaneyn Magacaabista Nuur Cadde waxayna dhowr jeer uga digtey in ay isku dhacaan Cabdulaahi Yuusuf,waxayna Itoobiya ku guuldareystey in ay heshiisiiso isaga Cabdu;laahi Yuusuf balse Nuur Cadde wuxuu markii dambe taageero ka heley Itoobiya isagoo ka faaiideysanaya in xilgaan aysan Itoobiya eryi karin maadaama ay hore u eridey Cali Maxamed Geedi oo Nuur Cadde Isku beel ahaayeen taasina waxay keentey in Cabdulaahi Yuusuf booska laga riixo ee jaceyl ay u qabto uma soo dhaweysan.

Shiikh Shariif oo ahaa Gudoomihii Maxaamkiinta Islaamiga ayaa intii uu xilkaa hayey Shacabka uga digey Hagardaamada Itoobiya isagoo shacabka ugu baaqey in la jihaadaan Itoobiya maadama ay ka soo horjeedo ku dhaqanka Shareecada Islaamka,hase yeeshe nin odey ah ayaa yiri “Waa arki doontaa ninka sidaan Shacabka u taageersan yihiin oo u Xaj u tagayo Adis ababa” markaas baan ku iri “Saaxiib ma Uur ku baalaa tahay” Markaasuu yiri “Saaxiib anigaa kaa aqaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa ku Khasban yihiin in ay u Xaj Tagaan Adis-Abab” wuxuu waqtigu is Guro waxaa la doortey Shiikh Shariif isagoo imaan Magaalada Muqdisho ayuu deg deg uga degey Adis Ababa wuxuuna kulamo la yeeshey Meles Zanawi wuxuuna Shiikh Shariif uu noqdey ninkii ugu Xaj Badnaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xiligaan kana dheereeyey Siyaasiyiin fara badan.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa lagu tiriyaa nin si weyn u tiirsan dhinaca Itoobiya, wuxuuna haatan isku diyaarinayaa sidii u Xaj Tagi lahaa si uu Meles Zanawi uga soo dhaadhiciyo Qodobadii ka soo baxay Kulankii Nairobi, wuxuuna doonayaa in uu baab’iyo raadkii ninka ay kalaIrdhoobeym ee Shiikh Shariif oo isagu gaarey maalintii Khamiista ahayd,waxaayna Rag ku dhow dhow Shariif Xasan ay noo sheegeeen in Meles Zanawi uu gaarsiiyey Hadiyadooyin fara badan wuxuuna haatan doonayaa in taageero Xoog leh ka raadiyo Itoobiya si uu ugu soo Baxo Tartanka Doorashada Madaxweyninimada.

Siyaasiyiinta kale uu u Xaj Tagey Adis Ababa ma yara waxaa ka mid ah Raiisul Wasaarihi Hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna Dhowr jeer isaga daba laabtey Adis Ababa isagoo Kulamo la yeeshey Raiisul Wasaare Meles Zanawi,waxaana haatan la sheegey in Cumar isaga oo aan Raiisul Wasaare ahayn uu isaga daba laabtey Adis-Ababa si Itoobiya uga dhaadhiciyo in Somaaliya uu ka noqdo Madaxweynaha Soomaaliya,waxaa kaloo lagu tiriyaa Cumar Cabdirsahiid ninkii ka soo shaqeeyey Heshiiskii Ahlu Suna iyo Dowladda Federaalka maadaama Dowladda Itoobiya ay aad u daneyneysey heshiiskaas si halkaa looga hela Quwad laga horgeeyo Xarakada Al Shabaab.

Siyaasiyiinta u Xaj tagtey Adis Ababa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Faroole oo Madaxweynaha Maamulka Pundland oo isagu markii la doortey u dhaqaaqey Magaalada Adis Ababa waxaana la sheegey in Itoobiya uu la galey heshiisyo fara badan oo ugu muhimsaneyd in la soo gacan geliyo Dadka ka soo jeeda Soomali Galbeed ee ku kacsan Itoobiya waxaa kaloo ka mid ah Heshisyada lala galey Itoobiya in Sirdoonka Itoobiya ay soo geli karaan Deegaanada Pundland si ay u soo qabtaan Shaqsiyaadka ka soo horjeeda Itoobiya.

Markii la doortey Axmed Maxamuud Siilaanyo wuxuu markiiba ku dhawaaqey ereyo ka careysiyey Itoobiya oo ay ugu horeysey ka Ganacsiga Qaadka ka dib markii uu Siilaayo uu sheegey in Itoobiya looga baahan yahay in Qaadka ay ku bedeleto Badeecooyin kale sida Kaluunka iyo Cusbada hase yeeshee in Xaj la’aan aysan arrmahaas soconeyn ayuu isaga daba laabtey Adis Ababa isagoo kulumo la yeeshey Madaxda Itoobiya taasina waxay keentey in Itoobiya Deegaanada Soomaaliland ay waxay doonto ka sameyso.

Waxaa kaloo ka mid ah Siyaasiyiinya u Xaj tagey Adis-Ababa Gudoomihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobey oo isna dhowr jeer isaga daba laabtey, waxaana ka shaqeeyey in uu saaxiibo la yeesho Itoobiya Madaxweyni hore ee Soomaaliaya Cabdulaahi Yuusuf oo markii Shiikh Aadan Madoobe la doortey aad u soo dhaweeyey kuna tilmaamey Saaxiib uu muddo baadi goobayey.

Waxaa kaloo ka mid ah ragga aan ka baaqan Barnaamijka aan ugu magacdarey (Barnaamijka Xujeyda Siyaasiyinta Soomaaliyeed ) Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ee Xiligaan Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ) oo isagu mar u Xaj tagey Adis- Ababa maadaama uu yahay nin haysta Dhalashada Mareykanka marnaba kama baaqan Karin in Xiriir la sameysto Itoobiya.

Ururka Ahlu Sunna oo isagu ku cusub Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa in ay taageero xoog leh ka helaan Itoobiya,iyaga ayaana doortey in heshiiskii dhexmarey iyaga iyo Dowladda Federaalka in uu ka dhaco Magaalada Adis Ababa, kamana marna in iyagana u Xaj tagaan Itoobiya ka dib markii ay istusiyeen in siyaasadooda aan looga maarmin Xarunta Itoobiya Adis-Ababa.

Siyaasiga ka badbaadey in u Xaj tago Itoobiya waa Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaaim Salaad Xasan oo diidey in uu Nacamleeyo Itoobiya hase yeeshee Cabdi Qaasim kama marna in uu tagey Adis Ababa xiligii uu Madaxweynaha ahaa wuxuu xilgaas Adis Ababa u tagay Shirkii Madaxweynayaasha Afrika taasina waxay keentey in Zanaawi kaga hortago Garoonka Diyaaradaha Adis-Ababa,hase yeeshee waxaa la yaab lahayd markii isagoo Adis-Aba jooga uu waxa ka sheego Siyaasadaha Itoobiya ee ku wajahn Soomaaliya,wuxuuna si cad oo aan gambasho lahayn oo u yiri”Itoobiya faraha ha kala baxdo arrimaha Soomaaliya”hase yeeshee Itoobiya waxay geed Dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay kurisga ugu tuuri lahayd Cabdi qaasim,hase yeeshee siyaasiyiin ku dhawaa Cabdi Qaasim waxay sheegaan in uu ahaa nin isku gowracay Mididiisii waxay ahayd in uusan ka qaygelin Shirkii Imagati sida hadda uu u diidey Shiikh Shariif iyo Saaxibkii Farmaajo Shirkii Nairobi,Cabdi Qaasim oo weli ah Siyaasi ka horjeeda Siyaasadaha Itoobiya ee Soomaaliya,wuxuuna si aad ah u weerarey Xiligii Itoobiya ay soo gashey Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamey Duulaankaas mid Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku qabsato Soomaaliya,wuxuuna ku eedeyeey qaar ka mdi Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in iyagu ahaayeen kuwii sahley in Itoobiya soo gasho Gayiga Soomaaliyeed

Isku soo duuboo Goormey Siyaasiyiinta Soomaliyeed joojin doonaan u Xaj taga Magaalada Adis Ababa oo ay ka dhigteen wax lagu waajibiyey oo aan sinaba looga maarmin, iyadoo shacabka Somaaliyeed ay ka wada dhararegsan yihiin in Itoobiya ay tahay Dowlad ka Go’an in ay sii burburiso Soomaaliya maadaama Dhulka Soomaaliya ee Itoobiya haysato aad ka dareemi kartid sida ay uga dambeeyaan Qowmiyadaha kale ee Itoobiya sida Waxbaashada , Caafimaadka , Warshadaha iyo Biyaha

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed!! "

  1. marka hore waxaan salaamayaa qoraaga qoray sheekadaan aadka u wanagsan oo ah mida kaliya ee kamaqan madax dayada waayo waxay dareemi waayeen in ay ayagu isku filan yihiin waxna qabsan karaan with out ethiopia

  2. Cumar says:

    Amiin Yuuuf la ogaa Xabashi inay guul aan uba baahneyn inuu wiil kaga dhaacwamo ay qab iyo qosol ku faanayaan mar haddii ujeedkoodii cadawtooyada taariikhiga ahaa kaa oo ayan weligood ku riyoon uu u meel maraayo.
    Xabashi maamulkeeda waxaa caado u ah cadaadin aan loo meel dayen iyo gummeysi ba’an in ay ku heysaa oo cagta hoosteeda ku waaraan qowmiyadaha Muslimka bariga iyo geeska Afrika ah sida Oromada, Cafarta, Aargobaha, Harariyiinta, Soomaalida iyo kuwa kale aan yareyn ahna shacabka ugu tirada badan ee dega dhulka ugu baaxadda weyn Ethiopiyada maanta. Xabashi riyadeedu waxay aheyd inaan kibilada ee ay ku sheegaan is-maamulka inaan ka mid noqon, taasoo dulli xukun ku miirbaabmay ay u meel mariyeen: kibilka Somaliland, ka Puntland, ka dhusamareeb iyo Caabudwaaq, ka Gedo, ka Xamar iyo kuwa Calamada iyo magacyada badan leh mansab doonka raba ansixinta is-maamul (goboleedyada cusub) kipilka reer Habarmuufo, ka Duq munye Kan Enjineer, Doktor, kolonel, Proff iwm.
    Madaama aynu u igmanay Xabshiba Janalka rasmiga ee dunida kale, haddaba waxaa lamahuraan noqoday in ka mucaaradnimo wata kii xukuumad wata kii dhismo kibil wata inuu shuruudahaan soo buuxiyo xajka axkaamtiisa iyo hey,aadkiisa :
    1. gudbin arji uu ku lifaaqan tahay taariikh nololeed “CV” oo waliba aad soo siyaartaa caasimadda (Beydka Meles) si aad u riixdo damacaaga. ” haddaan ku howlgelinno xirrirka badi”
    2. Shuruudaha:
    a. marka hore ka soo tag imaankaagii, noo imow adoo qaawan oo maciin na bidaaya. ka dib mudiic ahaw, muudal, miskiin, Maafiyo, maato-leys, ma naxe, milge iyo maamuuus laawe markaan doono ogow kkkkkkk!!!. mansabka aan kugu sheeganay mirkaa waala diiri sidaana maqsuud ku ahaw ! .
    b. Mar haddii aad na talo saaratay maradaada cabbirkeeda, muunadeeda, midabeeda iyo xajmigeeda, moodada loo tolaayo maamulkeeda yaa leh? ” Ishi, ishi”. “aaw”.KKKKKKKKK.

  3. Runtii Khasaaro waa maqaal ubaahan in dadka qaar la xassuusiyo waxaana filayaa kuwa maanta uu ku wacnaan lahaa maqaalkani waa Siyaasiyiintena ama Aqoonyahankeena oo siminaar ahan loo siiyo.

    Wallow aadan meesha ku xusan Siyaasiga caanka ah ee Siyaasada Ethiopia-aad ka u dhaliila Md: Ali Khalif Galayr. waxaana odhan karaa waxa guuladarada u horseedaa inay tahay ” Kasoo horjeedka Ethiopia”
    Maadaaba Somalia Ethiopia looga taliyo isagu waa nin aad u dhaleceya oo uga Fog. wuu mudan yahay in halkan lagu xuso waxaana odhankaraa Siyaasigaasi waa ku amaan yahay.