Home » Warar »

Xafiis loogu Magacdarey Xafiiska Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Digil iyo Mirifle oo laga Furey Muqdisho

 

Xaflad lagu furayey Xafiis loogu magacdarey Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ,ayna ka qayb galeen Xildhibaano,Waxgarad, Nabadoono , Culama’udiin, Dhaliyaro iyo Haween ayaa lagu qabtey Hotel Muna Mgaalada Muqdisho

Xafladii lagu furayey Xafiiskaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimey ayaa Ugu Horteyntii waxaa halkaa ka Hadley Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Xaaji Maxamed Shiikh , Cabdikhaaliq Cabdulaahi Maxamed iyo Xuseen Isaaq Afararaale, waxay sheegeen in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Furitaanka Xafiiskaan oo ay sheegeen in yahay mid isku xiraya guud ahaan Malaaqyada iyo Salaadiinta Beelaha Digil iyo Mirifle eek u nool dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa .

 

Xildhibaanadaas ayaa waxay ugu baaqeen Malaaqyada iyo Salaadiinta beelaha Digil iyo Mirifle in ay u guntadaan sidii loo mideyn lahaa dadka ku abtirsada Digil Mirifle, waxay kaloo ugu baaqeeun in ay u guntadaan sidii lagu siideyn lahaa laba xubnood oo u shaqeynayey Bisha Cas iyo laan Khayrta Cas kuwaas oo ay sheegeen in ay ku xiran yihiin Magaalada Baydhabo,waxay kaloo u soo jeediyeen in ay gacan ka geystaan Ururinta iyo Mideynta dadka ka soo jeeda Beelaha Dgil iyo Mirifle.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Beelaha Digil iyo Miriflre Dr Axmed Maxamed Yacquub oo dhawaan ka yimid Deegaanada ka tirsan Maamulka Pundland wuxuuna ugu baaqey Maamulka Pumdland in ay si wanaagsan ay ula dhaqmaan dadka ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirirfle ee ku sugan Deegaanadooda kuwaas oo uu sheegey in halkaa u tageen in ay ka shaqeystaan, wuxuu kaloo ugu baaqey Maamulka Pundland in ay Xabsiyada ka sii daayaan dadka ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo uu sheegey in yihiin dad aan waxba galabsan waxayna Xafladaas ku soo gabagabowdey sidii loogu talagaley.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.