Home » Warar »

Shiikh Shariif oo Deg Deg ugu ambabaxay Adis-Ababa ka dib markii Qodobo Xasaasi ah ka soo baxeen Shirkii Nairobi

DFKMG: “11-16 Juun 2011 Waxaa Dalka Gudiihiisa lagu qaban doonaa Shir Wadatashi ah..” Wasaxaafadeed Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG….

Shirka Jaraa’id Madaxweynaha DFKMG ka akhri dhanka hoose ee bogga..

Kulan ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka oo laga soo saarey Dhowr Qodob oo Jawaab u ahaa Shirkii Nairobi

Dhegeyso Warsaxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shir_jaraid_apr14.MP3]

(Muqdisho – Khamiis, 14 April 2011)—–Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah.

Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed.

Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey Golahu isku raaceen arrimaha soo socda:

1. In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

2. Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda.

3. In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.

4. In agendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

-DHAMAAD-

Shir Jaraa’id safarka madaxweynaha

(Muqdisho, Khamiis 14 April 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho una socdaalay Dalalka Ethiopia iyo Tarzania. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Mudane Abdihakim Mohamud Haji FIQI, Wasiirka maaliyadda Hessien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Saney.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxey la kulmayaan Prime Minister ka Dalka Ethiopia Melez Zenawi si ay ugala hadlaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iyo arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga Soomaaliya iyo dalalka geeska Africa. Shirkan ayaa daba socda shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii Janaayo oo ay labada mas’uul ba goob joog ka ahaayeen iyo shirkii Wasiirada Difaaca oo uu dhowaan Addis Ababa uga qeybgalay Mudane Abdihakim oo suurto galiyey booqashada maanta.

Booqashadan ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynahu ku soo kala bixiyey dalal Afrikan ah si uu la tashiyo ula soo sameeyo Madaxda dalalkaas, isla markaana uu ka codsado dalalka Africa sidii loo sii xoojin lahaa dadaaladda nabad illaalinta ee ciidamada Afrika ka wadaan Dalka Soomaaliya. Madaxweynahu waxuu horey safaro la tashiyo ah ku soo maray dalalka Ugandha, Brundi iyo Rwanda. Haddana waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynahu booqdo dalalka Ethiopia iyo Tanzania.

Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa u arka la tashiyada dalalka Afrika ay muhiim u tahay geedi socodka nabadda iyo sii dhameystirka heshiiskii Djibouti. Sidoo kale booqashooyinkan ayaa waxey muujinayaan sida ay Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed uga go’antahay xal u helida sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana ay dowladaha Afrikanka ah ay mas’uuliyad isaga saari lahaayeen arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynahu waxuu kaloo warbixinno siin doonaa Madaxda Afrika ee ku aadan xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan xilligan kala guurka ah iyo sida looga bixi karo. Madaxweyne Sharif ayaa aaminsan in loo baahanyahay in hay’adaha Qaranka ay noqdaan kuwo shaqeynaya oo u adeegaya danaha ummadda soomaaliyeed, isla markaana xalka uu ku jiro in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii xilliga kala guurka ah looga bixi lahaa.

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow”
La taliyaha R/W ahna afhayeenka Xukuumadda.

– DHAMAAD –

Safarka Madaxweynaha DFKMG ayaa ku soo beegmey xili Qodobo Xasaasi ah ay ka soo baxeen kulankii Nairobi oo uu ka qaybgaley Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo inta uusan ambabaxin Shiikh Shariif mar uu la hadlayey Xildhibaanada isaga Taageersan ayaa yiri”waxaana maqali jirney Madaxweyne Diktatoor ah , Raiisul Wasaare Diktatoor ah , Maanta waxaa soo baxay Gudoomiye Digtatoor ah waa arrin ku cusub Nidaamka Dowliga ah“wuxuuna Madaxweynaha hadalkaa ula jeedey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagu diidey Talooyin loo soo jeediyey,waxaa xiligaa Madaxweynaha u dhacay sacab aad u balaaran marka waxay ku tusineysaa in khilaafka labada Shariif uu marayo heerkii ugu xumaa.

Waxa la filayaa in Magaalada Adis-Ababa iyana ay tagaan labada nn eee sbaheysiga Dhexmarey ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole si Dowlada Itoobiya Taageero uga raadiyaan si ay u mira dhalaan Qodobadii ka soo baxay Shirkii Nairobi

###

Waxaa soo Gudbiyey

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Shiikh Shariif iyo Farmaajo oo dadaal ugu jira sidii Xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shiikh Shariif oo Deg Deg ugu ambabaxay Adis-Ababa ka dib markii Qodobo Xasaasi ah ka soo baxeen Shirkii Nairobi "

  1. khadar says:

    marka hore waxaan salaamayaa akhristayaa soomaaliyeed :madaxwayne shiikh shariif waaruntii :Xageelagu arkay gudoomeye marlamaan oo yiri baarlamaanka anaa leh dawlada aanaale madaxwayne waa aniga :markaa shariif xasan mashiinka ayuu saranyahay manta dhaaxuu ragbadan cunay eemaanata eega :soomalda ayay waxaytiraahdaa qofkasta sida uu wax udilo ayaa loo dilaal markaa sidaa weeye warka shariif xasan