Home » Maqaallo »

Dhacdo Cajiib ah | Barta Luqadaha

 

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo aan markoodii hore nasiib u helin gelidda Dugsiyada iyo Waxbarasho ay Luqaduhu ka mid yihiin, ayay Duruufaha adag iyo Colaadda dalka ka aloosan awgood, dantu waxay ku kalliftay inay iyagu xoogsatanimo, dhaqaale-doon iyo sababo kale dartood ugu hayaamaan, oo ugu qaxaan qaar ka mid ah Dalalka Carbeed.

Dalalka ay Dhallinyaradaasu u haajireen, gaareen, ku nool-yihiin, kana xoogsadaan, ayaa waxaa ka mid ah: Yemen, Sacuudiga, Libya, Imaaraatka iyo kuwa kale.

Dalalkaas waxaa laga heli karaa Shaqooyin u badan Xoogsatanimo(Xamaali, Nadaafad..iwm), waxaase kala duwan heerka Nolosha, Maciishadda, Fursadaha-shaqo iyo Qaabka helitaanka Sharciyada degganaanshaha(Iqaamad) ee Waddamadaas.

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo ka mid ah kuwaas aan soo marin Waxbarashada, aanna ku hadli karin Luqado kale ,siiba Carabiga, ayaa u xoogsi-tagay mid ka mid ah dalalkaas Carbeed. Waxay nasiib u heleen inay Shaqo Xagga Nadaafadda ah ka bilaabaan Xarun ay lahayd Dawladda Hoose ee Magaaladii ay ku noolaayeen markaas.

Dhallinyaradan oo muddo ka-dib kasbaday xoogaa Carabi jajab ah, aanse lagu sii meel-marin karayn, ayaa xilli fiid ah soo raacay Taksi. Wuxuu ku tala-galkoodu ahaa markaas inay ka soo adeegtaan Suuqyada oo soo dukaamaystaan.

Taksiilihii oo damcay: inuu xoogaa la sii sheekaysto Dhallinyarada, ayaa weydiiyay: waxa ay tahay Shaqadoodu…?. Iyagu waa ay fahmeen Su’aasha Ninka, ha-yeeshee, waxaa ku adkaatay Jawaabtii ay bixin lahaayeen…!!.

Dhallinyaradii oo adeegsanaya Af-Carabigoodii Jacburka ahaa, ayaa waxay ku jawaabeen:-“Shuqul Qashin”,”Shaqo Xashiish”. Waxay ula jeedeen :-“Ururinta Qashinka ayaannu ka shaqaynaa”. Waxay is-lahaayeen: Yuusan Taksiilaha gelin Hunguri weyne, toos ugu sheega waxa aad qabataan.Soona af-jara Su’aalihiisa.

Nasiib-darro waxay Taksiilihii kaga dhegtay Erayga ‘Xashiish’. Iyagu waxay ula jeedeen ‘Qashin'(Qumaamah), isaguna wuxuu u qaatay Xashiishka Maandooriyaha ah(Daroogo) ee ay Dawladuhu la dagaallamaan, si uusan ugu dhex-fidin, una faddarayn Bulshooyinkooda…!!.

Taksiiluhu wuxuu ka baqay: in haddii uu sahlado Wiilashan,lana qabto, ay markaas arrintoodu u ekaanayso: ‘Qaade & Qariye’. Wuxuu is-yiri: aad Ammaan iyo Bogaadin ka heshid Booliska. Wuxuu isku qanciyay aad qaadatid kaalin waddaninimo ee ha sii dayn Daroogiistayaashan kuu soo gacan-galay.

Taksiilihii ayaa isagoo dheeraynaya ku leexday Saldhig Boolis, una sheegay inay Gaariga u saaran yihiin: Wiilal Afrikaan ah, oo ka shaqeeya Maan-dooriyayaasha. Saddex Askari oo Xoog-weynayaal ah, ayaa durba soo dhiftay Wiilashii, waxayna hor-geeyeen Taliyihii Saldhigga.Taksiilihii ayaa Carrabka ku ballaariyay:-“Waxay hortayda ka qirteen inay ka shaqeeyaan Xashiishka”!!.

Taliyihii ayaa bilaabay inuu Su’aalo weydiiyo Wiilashii. Carabigoodii ayaa la fahmi waayay. Waxaa loo cid-diray Nin Soomaliyeed oo kale, oo isagu si fiican ugu hadla Carabiga, si uu uga turjumo Wiilasha mixnadaysan. Waxaa telefoon lagula xiriiray Xaruntii D/Hoose, ee ay sheegeen Wiilashu inay ka shaqeeyaan.

Ugu dambayntii, waxaa Saraakiishii Saldhigga Booliska u caddaatay inay shaqada Wiilashu tahay ‘Guridda Qashinka'(Nadaafad), aysanna ku lug-lahayn Xashiish iyo Maandooriye kale midnaba.Horaa loo yiri:-“Sir-ma-qabe Allaa u sahan ah”.

Hase yeeshee, Wiilashu waxay mareen Imtixaan adag,hirig-hirig aan yarayn, Baqdin, Halis iyo Waqti badan oo ka lumay. Sababtuna waxay ahayd garasho la’aanta Luqaddii looga hadlayay Dalkii ay joogeen, oo ka xoogsanayeen.

Diinteennu waxay nagu bogaadinaysaa:-“Qofkii barta Luqadda Dadyow kale, wuxuu ka badbaadayaa Dhagartooda/Shartooda”. Xikmad Caalami ahna waxay tiraahdaa:-“Qofkii yaqaanna hal luqo, wuxuu la mid yahay un hal qof, qofkii yaqaanna laba Luqadood, wuxuu la mid yahay laba qof, qofkii yaqaanna dhowr luqadoodna, wuxuu u dhigmaa dhowr qofood”.

Looma baahna inaynu dalalka kale la tagno, dadyowga qalaadna kula dhaqanno, waxa la yiraahdo:-“Waan daadshay”,”Waxaad tiriba lagu yiri”,”Madmadoobe Allaa ku yaqaan” iwm. Waa in wax la bartaa..

Barashada Luqaduhu waa Fure muhim u ah, aanna looga maarmin: Kasbashada Aqoonta, Hanashada Cilmiga,Socodsiinta Hawlaha Dawladaha casriga ah,Xiriirka Caalamiga ah, Ilbaxnimada, Garashada Dhaqannada Dadyowga iyo la-tacaamulka Umadaha.

Garashada Luqaduhu waa Hoggaan ka mid ah kuwa Dalmareennimada habboon,Ka-shaqaysiga Dalalka kale, Maal-gelinta dalkii hooyo iyo Amuuro kale…

BARTA LUQADAHA OO BARTA…..

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email: raqaylow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dhacdo Cajiib ah | Barta Luqadaha "

  1. baashi says:

    asalamu aleykum warahmatulahi wabarakatu awalan waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan ummada somaliyeed guud ahaan marka xigta waxaan salamayaa mahadna u celinaya bahda somalitalk salan ka din runtii somaliya xalakeeda si gaar ah ayuu ii damqinayaa oo aad ayaan uga xumahay balse mahiiga axaab iiga daran oo iiga xun dadka horboodashaasha somalia ee dowlad masuul ah sheeganaya ee misna u adegaaya wadamo kale ama gaalo kuwaasoo iibsadey baddweyntena ilaah ha naga soo qabtee war waa digniineey dhalinyaroow wadankiina odayaal baa ku qamaaraaya iyo jaahiliin diin bay sheegteen diinta aqli iyo damiir bay u yeeli jirtey aaway cilmigii waan soo baraney lalahaa gaalo baa aqliga ka xadeysa war dhalinyarooow waa wareey war ka kaca aqliga la idinkama qaadine iska arka godkaad ku socotaan maraan mar aheeen ayaad baraarugi rabtaan miyaa war ka kaca iska qabta juhalada iyo caamada idin hor taagan ee xaqiina wadamo kale u saxiixaaya alooow naga soo gaar wadankan iyo ummadan dabka saaran ee la gadanaayo waa daragtaaye aloow na caaymi amiiiiiiiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiiiiiiiin alooow aaaamiiiiiiiiiiiin wabilaahi towfiiiiiiq

  2. hanad wadani says:

    marka hore waxaan ka salmayaa dhamaan umada somaliyeed meel walbo aay joogto marka xigto hadaan fakarkayga ka dhiibto waa sax in labarto luqad walbo oo caalamka ka jirta lkn um sida aan ka warqabno umada walbo wax aay leedahay luqadeeda hooyo iyo mid labaad sidaan wada ugsoonahay lkn umada somaliyeed luqadooda labaad waa arabiga xataa waxsa aay ku dhibanyihiin luqada arabica waa nasiib daro waxaa jiro maqaal aan quray oo ahaa “Maxaa hurtaagan hurmarka dhaliyarda somaliyeed” insha alaah waxaan isku dayaya in aan ugu deeqo webka somalitalk by

  3. marka hore waxan doonyaa halkan inaan ka salaamo umada soomaliyeed meel walba ay joogto
    hadan si toos u abaaro qodobkayga waxan qabaa inigu way fiican tahay luuqada cadowgaaga in lla barto balse ma wacno in aanu niraahno dawlada ithobiya waa naguumaystaa sidaa darteed waa inaan barnaan luuqadooda iskana daba galnaa waxaan qabaa inigu dawlad ithobiya ma ay guumaysto soomalida oo dhan balse waxay guumaystaan shakhsiyaad
    runtuna waxay tahay ragaasi saamayn kuma yeelan karan soomalida oo dhan mana hoos gayn karaan itobiya waxanu ognahy in uu san jirin nin la oran karo dadkiisu waxay u haystan madaxwayne waxaa loo baahanyahy in aynu badalno ragaa doqonta waana in aan lagu daawan meesha

  4. mohamed says:

    waxa muhiim ah in af xabashiga labarto waayo dalkeenu waa itoobiya ama rumayso ama harumaysan. waa sheeko dhab ah oo dhacaday inagoo nool. puntland waxa lagga xukumaa eithopia. Somalæiland sidoo kale . muqdishu waxa xukuma waa xabashi dalka intiisa kale waaba lahaystaa oo xabashi ayaa joogta. marka dal itoobiya ha larumeeyo inuu ina haysto calankeenii buluuga ahaa koodu ku dhexjiraa jaalayaal.

  5. war haye says:

    somalida afka xabashida ayay baran doonaan mardhow sababtoo ah waxaan kamid ahayn dowladaha carabta laakin hada sida somalida ay rabto waxaan ku biiraynaa ethiopia.
    afka axmaarigana waa luqada labaad ee somalida.
    soomaalida goorma isu soo noqon doonaan?