Home » Warar »

Xildhibaan Cawad Axmed Casharro” Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubnaha la socda ma matalaan Baarlamaanka Waayo kuma Socdaan.”

Iyadoo maanta uu furmey shirkii Qaramada Midoobey ugu yeertey La Tashiga ayaa waxaa shirkaas soo wajahay Caqabado badan oo kaga imaanyey Qaybaha Bulshada ka kooban tahay iyo Dowladda Federaalka in kastoo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiiga uu sheegey in shirkaas ay ka maqan yihiin Dowladda Federaalka Iyadoo taasj ay jirto ayaa haddana Dowladda Fedraalka ku kala qaybsantey Shirkaas waxaana ka qayb galey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, Hase yeeshee waxaa ka qaybgalka Gudoomiyaha Baarlamaanka si aad ah u dhaleeceeyey Qaar ka amid ah Xubnaha Baarlamaanka

Gudoomiyaha  Guddigga  Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya Cawad Axmed Casharo oo shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho  ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, in isagoon haysan awoodda Baarlamanka uu ka qeybgalay shirka ay waddo Qaramada Midoobay kaasoo  ka furmay dalka Kenya, iyadoo Gudoomiyaha uu  eedeyn u jeediyay Qaramada Midoobay iyo Dowladaha qaar uu ku tilmaamay inay ka shaqeynayaan Burburka Soomaaliya.

Mudane Cawad Axmed Cashara Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu markii hore ballan ku qaaday in Ajenadaha shirka Kenya uu horkeenayo kalfadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya si ay uga tashadaan Baarlamaanka hase ahaatee uusan cidna kala tashan ka qeybgalka shirkaasi.

Mudane  Cawad ayaa Carabka ku dhiftey  in wixii ka qaybgal shirar ah ay u xilsaarana tahay Xukuumadda Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in Xildhibaannada Baarlamaanka ay qaban doonaan Shir ay uga arrinsanayaan ka qeybgalka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka kaga qeybgalayo Shirka ay Soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay

“Guddoomiyaha Shariif Xasan Shiikh Aadan  iyo xubnaha ka qayb galaya shirka ee Baarlamaanka ka tirsan ma matalaan Golaha Baarlamaanka waayo kuma socdaan sharciga uu baarlamaanka qabo, waxaana qabanaynaa shir looga hadli doono wadada Qarda jeexa ah ee uu Guddoomiyuhu maray” ayuu yiri Cawad Axmed Casharo

Cawad Axmed Casharo oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay in dhaqaale gaaraya 600 oo kun  oo Dooler ay ku soo qaadato magaca Soomaaliya, islamarkaana lacagtaas ay ku bixineyso shirkaas  waxay ahayd in lagu gargaaro dadka ay abaaru ku dhifteen , isagoo Dowladaha Caalamka qaarkood ku eedeeyay inay Lacago ku bixiyaan burburinta Soomaaliya iyo in ay sii socdaan Dagaalada aan dhamaadka lahayn

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Cawad Axmed Casharro” Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubnaha la socda ma matalaan Baarlamaanka Waayo kuma Socdaan.” "

  1. hassan says:

    Assalaamu caleykum wr wb

    Ma rabo in aan shirkan iyo waxa ka qayb galey ka hadlo marka laga reebo nin mooyaane baadaama ugu yaraan dhir daacad Soomaalida u ah aanu aheyn. mid waa Shariif Xasan oo ololihii doorashuu ku dhex ijiraa, intuu eegi lahaa wax u qabadka dadkeena ay areeraysay colaad,gaajo, haraad iyo rajo la`aan. Ogow in qofkasta oo soomaali daneynayaa og yahay in shirkaa hunguri kuu geeyey oo aadan dan soomaaliyeed u tegin. Illaahayna waa ku daalacanayaa. Alle ka baq waxbaad qaban kartaa hadaad daacad tahaye. kursigan kuumuuqda ee aad nagu ilowday ragii kaaga horeeyey cashar kaga qaado. Markii lagu shaqeystey oo dantii laga lahaa lagu gaadhay taladoodiina uu qaatey ayaa lagu jiri ka huleel meesha wakhtigaagii waa dhamaadaye. Intaana waxaa la diyaarinayey kii bedeli lahaa ee meeshuu ku joojiyey ka sii qaadi lahaa. Ogow hadaad madaxweyne noqoto meesha shariif shiikh axmed ku joojiyey ayaad ka bilaabeysaa. kama fiicnid rajanimo ahaan xasan daahir aweys iyo cabdillaahi yuusuf waadna ogtahay in isku si loo karaahiyeysto. waxaan aaminsanahay in shirarka soomaalida loo qabto ay qayb ka tahay qorshihii aduun weynaha lagu qancin lahaa si loogu kala daro Itoobiya iyo kenya. Waayo waxaa lagu doodi doonaa in intaa oo shir loo qabtey, lacag lagu bixiyey, baddiina afduubayaal dhib weyn aduunka ku haysa ka noqdeen taageerana ku lumiyeey, ilaa hadana aanay rajo heshiis ka muuqan. Dooduna waxay ku dhaaneysaa xalku waa in lakala qeybiyo.

    Ninka 2baad waa Mahiga. Lacag aan la koobi karin buu ku qaataa dhibaatadeena (magaceena). Hadeynu dad biniaadama noqo oo aan isu nimaadno dawlad madax banaannoqono, looma baahnaanayo oo shaqadii waa kaa dhamaatay ee iska tag baa la lee yahay. Markaa sideynu u fekeraynaa oo aan isku oran karnaa ergiga Mahigu xalkeenuu rabaa. Ninka soomaaliga ah ee taa rumeysan waa ma gudbe, kan boos (darajo) iyo talo u doontayna waa xalay dhaley.

    Soomaaliyeey qeynuunka aduunyada (international law) isku haleyn ma leh maanta. Waa la jiifiyaana banaan la istaajiyaana badan.Dawladan farmaajo waa in loo istaago say u aflixi lahayd. Waa aqoon yahano illaa xad daacadnimo iyo wadaninimo ka muuqato. Waana sababta wakhtiga loogu cusbooneysiin waayey iyagoo talaabin horumara sameeyey. Weynu Ognahay hadalkuu ergiga Mahiga yiri oo ah “wuu qabweyn yahay“ prime ministerku. Ma wuxuu ku qabweyn yahay dadkeyga dhibka igala saara oo UN shaqadeeda waajibaadeed ha qabsato?

    Dadkeygow xaalku sidaan kuma siisocon doono oo adoonsi baan gelaynaa hadeynaan isbedel xawaare ku socda la imaanin. Taa waxaan ula jeedaa in lagaa kala qubayo markasta oo rajo soo iftiinto iyadoo la isticmaalayo magudbe iyo xalay dhalay oo kale.

    Waxaan ku talo bixin lahaa:
    1 In dawladan jirta la garab istaago.
    2 In qurbo joogta iyo ganacsatadu madoobaan, mushaharka milateriga aan bixino waayo waa waxa ay u hoos joogaan UN-ta iyagoo ah cududii dadka iyo dalka.
    3 In baarlamaanku daacad ku shaqeeyo oo loo naxo dadkan ay haysato noockasta oo dhibaato aduunyada ka jirta.
    4 In maamuladu ka shaqeeyaan sidii soomaali lagu heli lahaa. Hebel land iyo hebel land ma sii socondoonto hadii soomaali weyn la waayo.
    5 In odayaal dhaqameedyadu fadhiga ka kacaan, isku yimaadaan mowqifkoodana mideeyaan.

    Wabill-Laahi towfiiq