Home » Warar »

Wafdigii Puntland oo gaaray Nairobi kana qaybgali doono Shirka Soomaalida

Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa sheegay in mowqifka Puntland ee ku aadan “xil-kororsiga hey’adaha Dowladda Federaalka KMG ah (TFG) uusan waxba iska badalin”, taas oo ah in Puntland ay “weli ka soo horjeedo in xilka loo kordhiyo hey’adaha TFG-da.”

Waxaana warsaxaafadeedka hoos ku qoran uu caddeeyey in waftiga Puntland ee gaarey Nairobi ay ka qayb geli doonaan shirka April 12-13 ka dhici doona Nairobi ee Qaramada Midoobay u qabanqaabisay Soomaaliya. Warsaxaadeedka hoos ka akhri:

WAR-SAXAAFADEED
11 Abriil 2011

Wafdigii Puntland oo gaaray Nairobi kana qaybgali doono Shirka Somalida

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maalintii Axada gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wafdiga Puntland ayaa ka kooban Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. C/llahi Axmad Jamac (Ilkajir); Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Saciid (Juxa); Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mr. Cabdi Xasan Jimcaale, Ph.D, iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyadda Puntland.

Wafdiga Puntland iyo Wafdiga Galmudug ayaa soo wada raacay hal diyaarad waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi, waxaana soo dhaweyntaasii ka qeybqaatay Mas’uuliyiinta Safaarada Somalida ee dakla Kenya, Mr. Maxamad Cali (Amerika) iyo Mr. Maxamad Cisman Adan (Edson), iyo Wakiilka Xafiiska Puntland ee Nairobi, Mr. Maxamad Xasan Barre.

Wakiilka Qaramada Midoobay (UN) ee Arrimaha Somalia, Mr. Augustine Mahiga, ayaa booqasho sharaf ugu yimid Wafdiga Puntland wuxuuna ku amaanay Madaxda Puntland ka soo qeybgalka shirkaani wadatashi.

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Magaalada Garowe ka hor inta aysan Wafdigu usoo dulin Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dowladda Puntland lagu casumay shir wadatashi oo ay qaban-qaabisay Xafiiska Siyaasadda Somalia ee Qaramada Midoobay (UNPOS) oo uu hormuud ka yahay Mr. Mahiga.

Madaxweyne Farole ayaa sheegay in mowqifka Dowladda Puntland ee ku aadan xil-kororsiga hey’adaha Dowladda Federaalka KMG ah (TFG) uusan waxba iska badalin oo ay Dowladda Puntland weli ka soo horjeedo in xilka loo kordhiyo hey’adaha TFG-da.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shirka wadatashi ee Nairobi uu furmi doono maalinta berito (12 Abriil) iyadoo maamullada Somalida ay ka wada hadli doonaan qaabka ugu haboon sharcigana waafaqsan oo ay Dowladda TFG-da xilka u dhamaysan lahayd iyo sidii ay Dowlad cusub oo oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed loo dhisi lahaa.

Halkan ka daawo sawirada

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.