Home » Warar »

UN: Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu soo nooleynayo wadahadallada oo u qabsoomaya sidii loogu talagalay

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka Nairobi uu gogol dhig u ah kulan bisha soo socotalagu wado in uu ka dhaco Muqdisho.. Warsaxaafadeedka hoos ka akhri.

 

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 00/2011

Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu soo nooleynayo wadahadallada oo u qabsoomaya sidii loogu talagalay

Nayroobi, 11 Abriil 2011 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Augustine P. Mahiga ayaa maanta sheegay inuu ku kalsoonyahay in Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu wado inuu magaalada Nayroobi ka dhaco 12ka iyo 13ka bishan Abriil inay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah, taasoo u gogol xaadhaysa kulan dabagal ah oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho sida ay soo jeedisay Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka (TFG).

“In badan oo ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa mar horeba soo gaaray magaalada Nayroobi. Qaar ka mid ah kulamada hordhaca ah ee aan yeelanay, waxaa iiga muuqata inaan oran karno waynu ku midaysanahay niyadda aan u hayno inaan aragno natiijo faa’iido u yeelan doonto geeddi socodka nabadda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed. “Waxaa jiray warar badan oo kutiri-kuteen ah oo la is la dhexmarayay warbaahinta ee ku aadan sababta loo qabanayo kulankan wadatashiga ah, laakiin sidaan horey u sheegay, ujeeddada guud ee kulanku waa in la soo nooleeyo wadahadalka si dardar cusub loo geliyo geeddi socodka nabadda. Ma jiro geeddi socod nabadeed ee horey u socon kara wadahadal la’aan,” ayuu yiri Danjire Mahiga.

Wuxuu sheegay inuu filayo in Soomaalida ka qaybgalaysa kulanka wadatashiga ay isdhaafsan doonaan waaya aragooda – guulaha ay gaareen iyo caqabadaha iyo dhibaatooyinka horyaalla iyadoo xilliga ku meelgaarkana uu dhammaanayo. Xubnaha Bulshada Caalamka iyo Qaramada Midoobay way dhegeysan doonaan kulanka waxayna la wadaagi doonaan qorshahooda ku aadan kaalmada ay u fidinayaan Soomaalida. Kulanku wuxuu noqon doonaa goob xogta la isku weydaarsado, taasoo la filayo inay gaarsiiso wadatashi waxtar leh, ayuu yiri Danjiraha.

Kulanka wadatashigu wuxuu sidoo kale u gogol xaadhayaa kulan dabagal ah oo magaalada Muqdisho ka dhici doona dabayaaqada bisha soo socota, sida ay codsatay Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka (TFG), kaasoo la filayo inuu meesha ka sii qaado wadahadallada iyo tallaabooyinka loo qaadayo nadab-sameynta iyo dowlad-dhisidda. “Ugu dambeyntii, tallaabadan waxay waafaqsantahay nuxurka Heeshiiskii Jabuuti oo ahaa in la isu keeno dhammaan dadka ay taladu khuseyso si loo helo xal siyaasadeed oo keena nabad iyo xasillooni waarta ee ka dhalata Soomaaliya, ayuu yiri Danjire Mahiga.”

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.